Alshabaab oo dishay saraakiil udhalatay wadanka Serelion "AMISOM"

0
Friday June 15, 2012 - 11:41:44 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alshabaab oo dishay saraakiil udhalatay wadanka Serelion "AMISOM"

    Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Xarakada Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu faah faahiyay weerar uu sheegay in ay ku qaadeen ciidamo ka socda wadanka Sere lion oo ku wajahnaa gobolka Bay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Xarakada Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu faah faahiyay weerar uu sheegay in ay ku qaadeen ciidamo ka socda wadanka Sere lion oo ku wajahnaa gobolka Bay.
Abuu Muscab ayaa sheegay in ciidamadaasi iyo ciidamo Ethiopian ah oo galbinayay oo kasoo ambabaxay ay u galeen meel u dhow deegaanka Yurkud halkaasi oo uu sheegay in ay ku gaarsiiyeen qasaaro oo ay kaga gubeen ciidamada wada socday labo gaadiidka dagaalka islamarkaana ay ka dileen in ka badan 10 askari.

Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Xarakada Al Shabaab oo la weydiiyay waxa ay ku xaqiijin karaan in ciidamada Sere lion ay soo galeen dalka ayaa waxa uu sheegay in ay u xaqiijiyeen dadka ku dhaqan degmada Luuq oo uu sheegay in ay isku uruursanayeen maalmahaan sidoo kalana waxa uu sheegay in ay leeyihiin ciidamada wadankaasi astaamo lagu garto sida qalashada dameeraha, waxaana uu xusay in ay wataan gaadiidka AMISOM oo ay buufsan tahay Caalamada AU.

Sere lion ayaa waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay usoo dirayso ciidamo qeyb ka noqda kuwa AMISOM, iyadoo Al Shabaab ay ku hanjabeen burbur iyo baab’a ay la kulmi doonaan ciidamadaasi hadii ay soo galaan Soomaaliya.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip