Daawo Sawirada Laheestayaashi Ajnabiga oo dib xuriyad uhelay

0
Tuesday July 03, 2012 - 01:15:01 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1964
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada Laheestayaashi Ajnabiga oo dib xuriyad uhelay

    Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsigga iyo Warashadaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id oo uu xafiiska ku qabtay sheegay in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay 7:00 subaxnimo ku guuleysteen iney soo fu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsigga iyo Warashadaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id oo uu xafiiska ku qabtay sheegay in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay 7:00 subaxnimo ku guuleysteen iney soo furteen la heystayaal Ajnabi ah iyo kuwa Soomaali ah oo u adeegayay Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Xerada Dhadhaab.
Ku-Simaha ayaa sheegay in 4 Anjabi ah oo u kala dhashay dalalka Labo Canadiyaan Norway, , Filibiin iyo Soomaali la socotay iney Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ku guuleysteen iney soo furteen iyagoo kaashanaya Ciidamada ku sugan Jubbooyinka iyo kuwa Kenya.

http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/afduub1.jpg

“Waxaa inoo farxad ah in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku guuleysteen iney soo furtaan Samafalayaal Ajnabi iyo kuwa Soomaali ah oo laga soo afduubtay xerada Dhadhaab ee dalka Kenya”.

http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/afduub%202.jpg

Sidoo kale, wuxuu xusay in dowladihii ay dadkaasi u dhasheen u sheegeynaa in ay gacan nabad gelyo ah ku jiraan ayna u duuleyn dalka Kenya si nabad gelyo ah islamarkaana waxaan u sheegeynaa ineysan ka niyad jabin taageerada ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed ayna u shaqeyaan sidii ay ugu shaqeyn jireen Ummadda.

http://www.warsheekh.com/spaw/uploads/images/afduub%203.jpg

Ugu dambeyntii Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in arrintaani ay tusaalo u tahay in Xukuumadda ay awood u leedahay in Al-Shabaab iyo qolyaha kaleba aysan awood u yeelan karin in ay Afduub ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip