Daawo Sawirro:-Waxqabadka Dawladda Ee Isbuucii La Soo Dhaafay

0
Saturday August 06, 2016 - 13:50:03 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirro:-Waxqabadka Dawladda Ee Isbuucii La Soo Dhaafay

    Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Shirweyne Qaran ee Dowladaha Hoose oo ka furmay Baydhabo, Wasiirka Gaashaandhiga oo Tababar ciidan ugu soo xeray Caabudwaaq, Tababar dhanka adkeysiga Aafooyinka oo Muqdisho lagu soo gabogabeeey, Madaxweynaha oo furay Shirweynaha Madasha Wadatashiga Qaran, Wasaarada Howlaha Guud oo soo bandhigtay Buuga Qorsha dib u dhiska Waddooyinka, Xafiisyada Ciidanka Cirka oo la dhagax-dhigay, Maxkamada Ciidanka oo xukunno ku riday Danbiilayaal, Howlgal Amniga lagu sugayo oo laga hirgeliyey Muqdisho, Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka fuliyey Jubbooyinka, Wasaarada Arrimaha Gudaha oo Dowladda Masar kala wareegtay Markab shixnad gargaar ah siday, Wasaarada Waxbarashada oo shaacisay Natiijada Imtixaanka iyo Madaxweynaha oo soo xiray shirka dib u eegista Tacliinta Sare.

Shirweyne Qaran ee Dowladaha Hoose oo ka furmay Baydhabo

Magaalada Baydhabo ayaa 4tii August 2016 waxaa ka furmay Shirka Heer Qaran oo lagu tayeynaayo Dawladaha Hoose oo ay ka qeyb galeen Wasiirada Arimaha Gudaha ee Maamul Gobaledyada dalka. 

Kulunka oo ahaa mid wada tashi ah, laguna dejinayay qorsha Howleedka dib u heshisiinta iyo sameynta Dawladaha Hoose, ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee maamullada dalka, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo wakiillo Ka socday hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan horumarinta ee UNDP. 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Gobaleedka K/Galbeed C/Raxamaan Ibraahim Aadan, ayaa soo dhaweeyey ergada ka qayb galaysa kulanka. Wasaarada Arrimaha Gudaha & Federaalka ee Soomaaliya ayaa hoggaamineysey shirweynahan.

Wasiirka Gaashaandhiga oo Tababar ciidan ugu soo xeray Caabudwaaq

Wasiirka Gaashaandhigga Jen. Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini oo ay Weheliaan Taliyaha NISA Qaybta Galmudug Saadaq Cumar Xasan, Taliyaha Booliska Axmed Maxamed Raage iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga ee qaybta 21.aad ayaa 4tii August 2016 u soo xiray tababar soconayay muddo Sadex bilood ah Ciidamo gaaraya 114 oo ka tirsan Qaybta NISA ee Degmada Caabudwaaq. 

Ciidankan ayaa noqonaya qaybtii ugu horraysan ee NISA ee loo abuuray sugidda iyo ka shaqaynta amniga Degmada Caabudwaaq.

Tababar dhanka adkeysiga Aafooyinka oo Muqdisho lagu soo gabogabeeey

Tababbar uu soo qaban qaabiyey La taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee dhanka u adkaysiga Aafooyinka Eng. Cabdi Maxamed Axmed "Baafo” ayaa 3dii August 2016 lagu soo gabogabeeyey magaalada Muqdisho, tababarka ayaa waxaa isugu yimid wakiilo ka kala socday dowlad goboleedyada dalka, qaar ka mid ah wasaaradaha dowladda, Macalimiin Jaamacadeed iyo khubaro ka socotay Hay’ada Cunada iyo Beeraha ee FAO. 

Lataliyaha R/wasaaraha Soomaaliya ee arimaha u adkeysiga Aafooyinka Cabdi Maxmed Baafo ayaa sheegay in tababarkaan ku salaysan yahay sidii loo baran lahaa u adkeysiga masiibooyinka dabiiciga ah, islamarkaana wuxuu tilmaamay in dhulka miyiiga ah la tagi doono si qiimayn loogu soo sameeyo sida ugu haboon ee looga hortagi karo aafooyinka ka dhashay abaaraha iyo daadadka wabiyada.

Madaxweynaha oo furay Shirweynaha Madasha Wadatashiga Qaran

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 3dii August 2016 si rasmi ah u furay Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo ah shirka ugu muhiimsan oo lagu soo gabogabeynayey qorshaha iyo waqtiga kii ugu dambeeyay shirar ka dhacayay dalkeena Soomaaliya. 

Shirkan waxaa ka qeybgalaya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka. 

Ujeedada shirkan ayaa ah in Guddiga Doorashooyinka ay soo gudbiyaan qorshaha kama danbeysta ah ee doorashooyinka oo waqtiyeysan si loo ansixiyo isla markaasna loo guda galo dhaqangelinta doorashooyinka.

Wasaarada Howlaha Guud oo soo bandhigtay Buuga Qorsha dib u dhiska Waddooyinka

Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya ayaa 2dii August 2016 Magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay buug qeexaya qorshaha dib u dhiska Waddooyinka, Buundooyinka iyo Dekadaha Soomaaliya. 

Shirka lagu soo bandhigayay Qorshaha Wasaaradda Howlaha Guud, ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Dowlad Gobaleedyada hoos yimaada dowladda Fedaraalka Soomaaliya. 

Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Soomaaliya Eng. Saalax Sh Cusmaan Muuse ayaa sheegay in buuggaan uu qeexayo macluumaad la xiriira Qorshaha iyo naqshadeynta dib u dhiska Waddooyinka, Buundooyinka iyo dakadaha kala duwan ee ku yaalla dalka.

Xafiisyada Ciidanka Cirka oo la dhagax-dhigay

Taliyeyasha Ciidamada Asluubta Soomaaliya, Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha ciidanka Badda Sareeyo Guuto Maday Nuurow Sheekh Ufurow iyo Taliyaha Ciidanka Cirka Sareeyo Guuto Maxamuud Sheekh Cali (Dable Baylood) ayaa 1dii August 2016 dhagax dhigay xarunta Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliya oo ku taal magaalada Muqdisho. 

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyed ayaa tilmaamay in ciidanka Asluubta Soomaaliya uu qalabeydoono xafiisyadaan cusub markii uu dhamaado dhismaha Xarunta.

Maxkamada Ciidanka oo xukunno ku riday Danbiilayaal

Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa 1dii August 2016 xukunno dil ah ku riday labo ruux oo ka tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ka dib markii ay racfaan ka soo qaateen xukun horey maxkamadda darajada koowaad ee cidamada ay ugu xukuntay kaas oo maxkamadda sarena ay ku raacday go’aankaas. 

Labada nin ee la xukumay ayaa kala ah; Axmed Cabdi Maadeey iyo Xuseen C/laahi Cumar oo Khayre loo yaqaano, kuwaas oo xafiiska xeer ilaalinta ee ciidamada qalabka sida ay ku soo oogtay dacwad ah in ay geysteen fal dambiyeed dil ah.

Howlgal Amniga lagu sugayo oo laga hirgeliyey Muqdisho

Howlgal dad lagu soo qabqabtay oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada qalabka sida ayaa fiidkii 30kii July 2016 laga fuliyay qeybo ka mid ah degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho. 

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha C/kaamil Macalin Shukri ayaa sheegay in howl galkan ahaa mid qorsheysan oo laamaha ammaanka ay heysteen warbixino, isagoo xusay in lagu soo qabtay 160, ruux oo markii dambe la sii daayay, markii baaritaano la mariyay. 

Howl galkan wadajirka ah waxaa sameeyay Ciidamada Booliska, Nabadsugida, Milateriga, Asluubta iyo Ciidamada AMISOM, agagaarka xeradii curyaamiinta ee ku dhow Xaafada Xamar Bile. 

Garaash ku dhow halkaas ayaa laga soo qabtay saddex baabuur oo ay saarnaayeen hub, labo qori AK47, tuutaha ciidanka, rasaasta bastoolad iyo xashiishad.

Kumaandooska Danab oo Howlgal Qorsheysan ka fuliyey Jubbooyinka

Ciidamada XDS kuwooda sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa fiidkii 30kii July 2016 ka fuliyey hawl-gal qorsheysan deegaanka Cabdi-Dhoorre ee gobalka Jubbada Hoose, oo qiyaastii 40-km dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo, waxaana ay ciidanku ku bur-buriyeen Bar koontarool oo ay halkaasi ku lahaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Wasaarada Arrimaha Gudaha oo Dowladda Masar kala wareegtay Markab shixnad gargaar ah siday

Dowladda Masar ayaa 28kii July 2016 soo gaarsiisay Dowlada Federaalka Markab ay saaran yihiin 163 tan oo isagu jira noocyada kala duwan ee raashiinka. Wasaaradad Arrimaha Gudaha iyo federaalka ee dowladda Soomaaliya ayaa gargaarkaasi si toos ah ula wareegtay Mudane C/rashiid Maxamed Xidig oo gargaarkan kala wareegay safiirka dowladda Masar ee Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dowladda Masar taageerada mar walba la garab taagantahay dadka Soomaaliyeed. 

Safirika dowladda Masar ee Soomaaliya, Waliid Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay in deeqdan dadka Masar iyo dowladooda ay ugu tala galeen dadka Soomaaliyeed isagoo sidoo kale sheegay in tani aysan noqon doonin gargaarkii ugu dambeeyay, mar walbana Masar ay taageereyso shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

Wasaarada Waxbarashada oo shaacisay Natiijada Imtixaanka

Wasaarada Waxbarashada iyo Hidaha iyo Tacliinta Sare ayaa 28kii July 2016 soo bandhigtay Natiijada Imtixaanka mideysan oo ay Wasaaradu horey u qaaday ee Sanad Dugsiyeedka 2015-2016. 

Tallaabadan ayaa ah mid lagu xoojinayo mideynta imtixaanada dalka oo ay wasaaradu in muddo ah waday. 

Ujeedada soo bandhigida imtixaanada ayaa ah in la dhiirigeliyo waxbarashada isla markaasna shacabka ay waxbartaan si loo helo jiil dhalinyaro ah oo aqoonyahanno ah si ay uga qeybqaadaan dib u dhiska iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha oo soo xiray shirka dib u eegista Tacliinta Sare

Maxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 28kii July 2016 soo xiray shirka dib u eegista Tacliinta Sare ee dalalka colaadaha ka soo kabanaya oo ay Soomaaliya ka mid tahay, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya muhiimad dheeraad ah ay siin doonto Tacliinta Sare ee dalka. 

Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka ay horumarin karaan dadkiisa, dadkeenuna waxaa horumari kara tacliinta, sidaa darteed muhiimadeenu waa inaan sare marinaa tacliinta, waana mid ka mid tahay ajendayaasha ugu horreeya ee horumarinta dalka iyo dowladda.






DHAMAAD

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip