Waxqabadka Dawladda Ee Isbuucii La Soo Dhaafay 15 October 2016 + Sawirro

0
Saturday October 15, 2016 - 18:52:37 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1652
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Waxqabadka Dawladda Ee Isbuucii La Soo Dhaafay 15 October 2016 + Sawirro

    Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Guddoonka Baarlamaanka HirShabelle oo la doortay, Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyey in liiska Ergada qaar la soo gudbiyey, Taliyaha Booliiska oo GalMudug kala hadlay dib u habeynta Booliiska Soomaaliyeed, Xildhibaanada Dowlad Goboleedka HirShabelle oo la dhaariyey, Booliiska GalMudug oo Tababar loogu soo xiray Cadaado, 60 Beeraley ah oo siminaar loogu soo gabogabeeyey Muqdisho, Dayactir lagu bilaabay waddooyinka Baydhabo iyo Dayactir lagu bilaabay wadada isku xirta Jowhar iyo Mahaday.

Guddoonka Baarlamaanka HirShabelle oo la doortay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari” ayaa 13kii October 2016 ka qeybgalay Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka HirShabelle kulankiisii 1aad ee aan caadiga aheyn oo ay Xildhibaannadu ku dooranayeen Guddoonka Baarlamaankooda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa wehliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe waxaana uu Guddoomiyaha iyo mas’uuliyiinta la socday ay goobjoog u ahaayeen sida ay doorashadu u dhacday. 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari” ayaa ku ammaanay dadaalka iyo dhabar adeyga ay muujiyeen odayaasha iyo waxgaradka labadan gobol sidoo kalena Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Urur Goboleedka IGAD ayuu bogaadiyey dadaalka ay ku bixiyeen dhismaha maamulka Hirshabelle waxaana uu u hambalyeeyey Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle ee la doortay mudane Sheekh Cusmaan Barre.

Guddiga Doorashooyinka oo Shaaciyey in liiska Ergada qaar la soo gudbiyey

Gudiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa 11kii October 2016 shaaciyey in loosoo gudbiyey liiska qaar kamid ah ergadii dooran lahayd xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. 

Gudiga ayaa xaqiijiyey in ergada lasoo gudbiyey ay tiradooda dhan tahay 6528 ergo oo noqoneysa ergadii soo xuli lahayd 128 kursi oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, kuraasta ergadooda lasoo gudbiyey ayaa kala ahaa 57 kursi oo ay soo gudbiyeen maamulka Koofur Galbeed, 42 kursi oo kamid ah kuwa Jubbaland, 

Galmudug 12 kursi, Hirshabelle 11 iyo Puntland oo 6 kursi ah.

Taliyaha Booliiska oo GalMudug kala hadlay dib u habeynta Booliiska Soomaaliyeed

Munaasabadda lagu soo dhawaynayo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed S/gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa 9kii October 2016 lagu qabtay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud. 

Xafladaasi oo ay ka qeyb galay Madaxwaynaha Maamul- goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug, Saraakiil Boolis oo heer Federaal ah iyo kuwa Galmudug, ilaa 400 oo Boolis Galmudug loo tababaray iyo Mas’uuliyiin kale, ayaa Taliska Booliska Soomaaliyeed, uu ku ammaanay Maamulka GalMudug kaalinta mugga leh ee uu ka qaatay tababarka Ciidanka Booliska Maamulkaasi. 

Taliyaha Booliska waxaa kaloo uu sheegay in Talisku ku rajo weyn yahay in Booliska Gobolada la hormariyo, isagoo xusay in tababarkan Cadaado lagu soo xiray uu ahaa mid ay fuliyeen oo kaliya Galmudug iyo Booliska Federaalka. 

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale Galmudug ugu deeqay qalabka isgarsiinta Booliska, kaasi oo hirgalintiisa ay si wada jir ah u fureen madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed General Xaamud. 

Madaxwaynaha GalMudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa u mahadceliyay Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Macalimiintii tababarkaasi bixiyay, isagoo shahaado sharaf gudoonsiiyay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

Xildhibaanada Dowlad Goboleedka HirShabelle oo la dhaariyey

Waxaa magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe 9kii October 2016 lagu soo gabo-gabeeyay munaasabadda dhaarinta Xildhibaannada baarlamaanka Dowlad goboleedka Hirshabeelle, kaasi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kala duwan. 

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen "Odowaa” ayaa goob joog ka ahaa, waxaana la dhaariyay xildhibaanada Dowlad Goboleedka HirShabelle.

Booliiska GalMudug oo Tababar loogu soo xiray Cadaado

Madaxweynaha GalMudug mudane C/kariin Xuseen Guuleed iyo Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Xasan Xaamud, ayaa 9kii October 2016 magaalada Cadaado ee xarunta u ah maamulka GalMudug tababar ugu soo xiray ciidamo cusub oo ka tirsan Booliska Galmudug. 

Ciidamadaan ayaa ah dufcadi ugu horeeysay oo ciidamo booliska GalMudug oo tira ahaan gaarayay 400 oo askari oo 60 kamid ah haween ay yihiin oo tababar uga soo baxo dugsiga tababbarka Guuleed. 

Ciidamadaan oo ka mid noqonaya Booliska Galmudug ayaa muddo tababar uu uga socday Cadaado, waxaana ciidankaan loogu talo galay in ay ka qeyb galaan sugidda ammaanka deegaanada Galmudug, iyadoo munaasabad kooban oo lagu qabtay garoonka kubada cagta ay ciidamada madaxda hortooda ku soo bandhigeen gaada kacayaar muujinaya 3da bilood tababarkii ay soo qaaateen Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo soo xiray tababbarka ayaa tilmaamay in maamulkooda mar waliba ay ku dadaalayaan sidii loo dhisi lahaa hey’adaha ammaanka, islamarkaana Boolisku ay door muhiim ah ku leeyihiin nabad galyada bulshada.

60 Beeraley ah oo siminaar loogu soo gabogabeeyey Muqdisho

Ururka Qaranka Iskaashatooyinka Beeraha ayaa 12kii Oktoober 2016 siminaar lagu baranayo horumarinta wax soo saarka dalagyada beeraha habka beerashada iyo keydinta dalagyada oo soconayay muddo saddex maalin ah ugu soo xiray Muqdisho 60 qof oo ka mid ah beeraleyda gobolka Shabeelaha Hoose. 

Munaasabad lagu soo xirayay siminaarka ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiinta ururka Qaranka iskaashatooyinka Beeraha, qaar ka mid ah beeraleyda gobolka Shabeelaha Hoose, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya, Wasiirkii hore ee Beeraha iyo marti sharaf kale. 

Mursal Muqtaar Xaaji Caliyow iyo Yusuf Axmed Cabdulle oo ka mid ah beeraleyda ka faa iideysatay muddadii uu socday siminarka ayaa sheegay inay wax badan ka faa’iideysteen, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ku shaqeeyaan waxyaabaha ay kororsadeen. 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Maxamed Maxamuud oo soo xiray siminaarka ayaa tilmaamay in Wasaaradda Beeraha ay qeybweyn ay ka qaadaneyso horumarinta beeraleyda Soomaaliyeed.

Dayactir lagu bilaabay waddooyinka Baydhabo

Urur lagu magacaabo Arlaadi Aid oo ay ku mideysanyihiin Dhallinyaro ka soo jeeda KoonfurGalbeed ee kunool Dalka Dibadiisa ayaa 12kii October 2016 dayactir ka bilaabey qaar Ka mid ah Waddooyinka magaalada Baydhabo. 

Xili Waddooyinka magaalada Baydhabo laga dareemaayo Bur bur aad u weyn oo saameeyey Gaadiidlayda Magaalada, isla markaana aan helin wax Dayactir ah Tan iyo Markii ay Burburtay Dawladii dhexe ee dalka ayaa hada waxaa muuqata in dib loo dhisayo Qaar Kamid ah Wadooyinkii magaalada Baydhabo sida Wadada Shariif Gacmey oo ka mid ah Waddooyinka muhiimka u ah Marinka Gaadiidka magaalada Baydhabo, iyadoo qeybo ka mid ah wadada uu dib u dayactiray Maamulka Gobolka Baay iyo Bulshada Xaafadaha oo iskaashaday. 

Ibraahim Axmed Ibraahim waa wakiilka Arlaadi Aid ee magalada Baydhabo ayaa sheegay inay dib u dayactir ku sameynayaan waddada Shariif Gacmeey, si dib loo soo celiyo bilicda magaalada.

Dayactir lagu bilaabay wadada isku xirta Jowhar iyo Mahaday

Maamulka gobolka Sh/Dhexe ayaa 12kii October 2016 bilaabay dayactirka wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Mahaday iyadoo wadadan uu burbur xoog leh ka jiro isla markaana ay meelaha qaar wadada xireen dhir ka baxday hareeraha wadada. 

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe oo u wehliyo Gudoomiye kixigeenka Amniga & Siyaasada Gobolka Axmed Meyre Makaraan ayaa kormeeray goob ay ka socotay dayactirka wadadan oo dhinaca Waqooyi ugaga baxda magaalada Jowhar.






                                       DHAMAAD




Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip