Sawirro:-Xasan Sheekh oo ku Damaashaadaya goobaha Dalxiiska ee Jubbaland

0
Wednesday November 21, 2018 - 16:39:25 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Xasan Sheekh oo ku Damaashaadaya goobaha Dalxiiska ee Jubbaland

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalda Kismaayo oo Xarun KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa Maanta waxa uu booqday deegaanada gosha ee gobolka Jubbada Hoose halkaas oo ah goobo Dalxiis iyo dhul wax soo saarka ku wan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalda Kismaayo oo Xarun KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa Maanta waxa uu booqday deegaanada gosha ee gobolka Jubbada Hoose halkaas oo ah goobo Dalxiis iyo dhul wax soo saarka ku wanaagsan.

Booqashadan ayaa waxa ku wehlinayay Xasan Sheekh Xildhibaano ka tirsab laba Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya,Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland iyo labada gole ee dowlad goboleedkaas.

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa waxaa lagu arkayay Madaxda Maanta tegtay deegaanada gosha ee gobolka Jubbada Hoose oo ah goob dalxiis,iyagoo halkaasi si weyn ugu damaashaadaya.

Dhinaca kale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saakay Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay aqoonyahanada Jubbaland,isagoona u jeediyay kalmad qiimo badneyd oo uu kaga hadlayay taariikhda siyaasadeed ee dalka iyo qorshaha loo baahan yahay in lagu badbaadiyo mustaqbalka jiilka soo koraya oo ay ayagu ka mid yihiin, sido kale Xasan Sheekh ayaa aqoonyahanka Jubbaland usoo bandhigay ujeedooyinka iyo aragtida fog ee loo aas-aasay Xisbiga uu hogaamiyo UPD.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu Booqasho ku joogaa Magaalada Kismaayo,halkaasi uu kula kulmayo Madaxda maamulka Jubbaland iyo qeyba kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Kismaayo.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip