Sawirro:-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo kulan xasaasi ah uga qeyb galay Kismaayo

0
Wednesday November 21, 2018 - 13:09:37 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo kulan xasaasi ah uga qeyb galay Kismaayo

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah maamulka Jubbalad kulan kula qaatay aqoonyahanada Jubbaland, kulanka oo ka dhacay Hoolka Waamo Garden ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal ruux.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah maamulka Jubbalad kulan kula qaatay aqoonyahanada Jubbaland, kulanka oo ka dhacay Hoolka Waamo Garden ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal ruux.

Sidoo kale kulanka Xasan Sheekh uu la qaatay aqoonyahanada Jubbaland ayaa waxa goobjoog ka ahaa senataro iyo Xildhibaanno laba Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland iyo labada gole ee dowlad goboleedkaas.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ardayda iyo aqoonyahankii uu kulanka la qaatay u jeediyay kalmad qiimo badneyd oo uu kaga hadlayay taariikhda siyaasadeed ee dalka iyo qorshaha loo baahan yahay in lagu badbaadiyo mustaqbalka jiilka soo koraya oo ay ayagu ka mid yihiin, sido kale Xasan Sheekh ayaa aqoonyahanka Jubbaland usoo bandhigay ujeedooyinka iyo aragtida fog ee loo aas-aasay Xisbiga uu hogaamiyo UPD.

Aqoonyahanada ku nool Magaalada Kismaayo ayaa gabagabadii kulanka waxay su'aalo la xiriira mowduuca weydiiyeen Madaxweynihii hore, iyagoo dhanka kale aragtidooda ku aadan xaaladda dalka iyo hiigsiga Xisbiga UPD la wadaagay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu Booqasho ku joogaa Magaalada Kismaayo,halkaasi uu kula kulmayo Madaxda maamulka Jubbaland iyo qeyba kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Kismaayo.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip