Waxqabadka Dawladda Ee Isbuucii La Soo Dhaafay 29 October 2016 + Sawirro

0
Saturday October 29, 2016 - 15:07:17 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 2366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxqabadka Dawladda Ee Isbuucii La Soo Dhaafay 29 October 2016 + Sawirro

    Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Madaxweynaha oo Xariga ka Jaray Wadada Wadnaha ee Muqdisho, Soomaaliya oo saxiixday Cahdiga Ururka Mideeya Wadamada dhaca Badweynta Hindiya, Madaxweynaha oo xariga ka jaray dhismaha Wasaarada Maaliyada, Maleeshiyo Al-Shabaab ka tirsan oo lagu toogtay Muqdisho, Haween Booliis ah oo la dalacsiiyey iyo Waaxda Ka Hortaga Tacadiyada Dumarka oo la aasaasay, Maxkamada Ciidanka oo xukun dil ah ku riday askari Mashruuc Wacyigelin ah oo lagu daahfuray Degmooyinka G/Banaadir iyo Madaxweynaha oo dhiirigeliyey Dhalinta Farsamada Gacanta Barta.

Madaxweynaha oo Xariga ka Jaray Wadada Wadnaha ee Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa 27kii October 2016 xarigga ka jiray Wadada Wadanaha ee magaalada Muqdisho oo ay dib u dhis ku sameysay dowladda Soomaaliya. 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimaale ayaa sheegay in dib u dhiskaan lagu sameeyey wadada Wadnaha ay qeyb ka tahay baaqii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo ahaa dalkaaga dhiso. 

Madaxeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamud oo ka hadlay furitaanka wadada ayaa sheegay in wadada Wadnaha lagu dhisay canshuurta a bixiyaan shacabka Soomaaliyeed. 

Ugu dambeyntii, Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey shacabka Soomaaliyeed sida ay uga qeyb qaadanayaan dib u dhiska dalkooda.

Soomaaliya oo saxiixday Cahdiga Ururka Mideeya Wadamada dhaca Badweynta Hindiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa 27kii October 2016 saxiixay cahdiga Ururka mideeya wadamada dhaca badweynta Hindiya ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (IORA) intii lagu guda jiray Shirka Golaha Wasiirada ururkaasi oo ku qabsoomay Jaziiradda Bali ee dalka Indonesia. 

Saxiixidda heshiiskan waxa uu micnihiisu yahay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah xubin uga noqotay dalladda ay ku midoobeen wadamada ay hareyso badweynta India ee loo yaqaan (IORA) taasi oo dhiirigelineysa ganacsiga iyo iskaashiga dhinacyada badan oo ay ku jirto badbaadada badda, ammaanka, ganacsiga, maalgashiga, maamulka kheyraadka badda, dalxiiska iyo is dhaafsiga dhaqanka.

Madaxweynaha oo xariga ka jaray dhismaha Wasaarada Maaliyada

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 27kii October 2016 xarigga ka jaray dhismaha wasaaradda Maaliyadda oo ka kooban dhowr dabaq oo si casri ah loo dhisay, isagoo kormeeray qeybaha xaruntaasi ay ka koobantahay. 

Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay wasiirro, Duqa Muqdisho, taliliyeyaasha ciidanka iyo ganacsato Soomaaliyeed oo ah kuwa bixiyay qaar ka mid ah canshuurta lagu dhisay dhismaha. Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise, ayaa hoosta ka xariiqay in nidaam maaliyadeed oo deggan isla markaana la jaan-qaadi kara kuwa caalamka Soomaaliya ay yeelatay. 

Wasiirka Maaliyadda Maxamad Ibraahin "Fargeti” ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay dadaal balaaran ugu jirto sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka, wuxuuna dhismaha xarunta wasaaradda ku tilmaamay guul u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed. 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in mid ka mid ah Lixdii tiir ee ay ku dhisneyd dowladdiisa uu yahay horumarka iyo dib u habeynta siyaasadda Maaliyadda. 

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay gaartay nidaamka Tiknoolajiyadda Maaliyaddeed ee dunida ay ku shaqeyso, waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay soo gabogabeysay tijaabadii uu caalamka geliyey oo haddii ay dhammaato dalka laga cafin doono lacago deymo ah oo gaaraya Shan Bilyan oo dollar. 

Ugu dambeyntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale ugu baaqay shacabka in ay isku tashadaan oo ay u midoobaan sidii ay dalkooda u dhisan lahaayeen.

Maleeshiyo Al-Shabaab ka tirsan oo lagu toogtay Muqdisho

Ciidamadda Ammaanka Qaranka ayaa fiidkii 26kii October 2016 Degmada Hodon ee Gobolka Banaadir ku toogatay Mid kamid ah maleeshiyaadka Kooxda AL-Shabaab. 

Maliishiyadan ayaa dilay sarkaal ka tirsan ciidanka ka hor inta aan la toogan. 

Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay Dhagar Qabayaasha Dilka u geestay Sargaalka ka tirsan Ciidanka ay ahaayeen labo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo mid ka mid ahna goobta ka baxsaday halka midka kalana uu galay masjid ku yaala degmada Hodan waxuuna isku dayay in uu baxsado balse Ciidanku ay toogteen. 

C/fataax Cumar Xalane ayaa sidoo kale sheegay in goobta ay gaareen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, waxaana goobta lagu soo bandhigay Meydka dhagar-qabihii ka tirsanaa kooxda iyo bistooladii uu sitay. 

Ugu danbeyn Afhayeenka ayaa ku amaanay Ciidamada amaanka ka hortagida Falalka guracan ee meleeshiyaadka alshabaab had iyo jeer la damcaan Mas’uuliyiinta Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Haween Booliis ah oo la dalacsiiyey iyo Waaxda Ka Hortaga Tacadiyada Dumarka oo la aasaasay

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa 26kii October 2016 u xiray dallacaada 3 haween oo ka mid ah saraakiisha booliska Soomaaliyeed. 

Faadumo Xasan Maxamed ( Neero ) oo ah madaxa Hogaanka Is-dhaxgalka Bulshada ayaa la dalacsiiyey loona xiray darajada Gaashaanle Sare. 

Taliyaha waxa uu sidoo kale u xiray darajada madaxa Waaxda ka hortagga tacadiyadda haweenka iyo carruurta Dhamme Idil Cabdullaahi Xasan iyo kuxigeenkeeda Dhamme Raxma Salaad Maxamed. 

Taliyaha ciidanka booliska S/G Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay inay ku dadaalayaan in la xoojiyo booliska, taasina ay keentay in la dhiso waaxda isdhaxgalka bulshada iyo booliska Soomaliyeed, Faadumana tahay gabadhii ugu horeysay ee booliska Soomaaliyeed taariikhdiisa gashanle sare ka noqota .

Maxkamada Ciidanka oo xukun dil ah ku riday askari

Maxkamadda Ciidamada Qalabka-sida Qeybteeda Lixdanaad ayaa 26kii October 2016 xukun dil ah ku riday askari ka tirsan ciidamada Booliiska oo si bareer ah u dilay qof shacab ah oo ku sugan degmada Buurhakabo ee gobolka Baay ee Koofurta Soomaaliya. 

Askariga la xukumay ayaa lagu magacaabaa Ibraahin Cabdullaahi Aadan waxa uuna 24/04/2016 si bareer ah u dilay nin shacab ah oo lagu magacaabo Nuur Muqtaar Xussen xilli uu ku sugnaa degmada Buurhakabo ee goblka Baay. 

Xukunka askarigaan ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Beydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.

Mashruuc Wacyigelin ah oo lagu daahfuray Degmooyinka G/Banaadir

Mas’uuliyiin ka tirsan degmooyinka Deyniile, Hodan iyo Kaxda ayaa 22kii October 2016 daahfuray mashruuc wacyigelin ah oo laga hirgelinayo xerooyin Barakacayaal ah oo ku yaala degmooyinkaasi. 

Mashruucan wacgelinta ah oo loo sameynayo barakacayaasha ku nool degmooyinkan ayaa ujeedadiisu tahay sidii barakacayaasha loo siin lahaa wacyigelin la xiriirta sidii looga hortagi lahaa gudniinta Fircooniga ah, kufsiga iyo tacadiyada ka dhanka ah haweenka, caruurta iyo dadka taagta daran. 

Sidoo kale mashruucan waxaa qeyb ka ah wacyigelin ku saabsan sidii ay wadashaqeyn toos ah u yeelan lahaayeen mas’uuliyiinta degmooyinkaasi iyo dadka barakacayaasha ah si looga hortago tacadiyada loo geysto barakacayaasha. 

Maamulyayaasha xerooyinka laga hirgeliyay mashruucan wacyigelinta ah ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay daahfurka mashruucan, iyagoo xusay in ay qaateen tababar ku saabsan wacyigelinta barakacayaasha, waxeyna u mahadceliyeen mas’uuliyiinta degmooyinkaasi.

Madaxweynaha oo dhiirigeliyey Dhalinta Farsamada Gacanta Barta

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa 25kii October 2016 kormeeray mashruuca farsamada gacanta ee Gobolka Banaadir oo in ka badan 180 dhalinyaro ah ay ku baranayaan farsamada gacanta oo noocyo kala duwan leh. 

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ay ahmiyad gaar ah siisay sidii dhalinyarada shaqo loogu abuuri lahaa, ayna u heli lahaayeen fursado shaqo, iyadoo Dowladdu ay abuurtay jawi xasiloon oo ganacsigu ku horumari karo, isla markaasna fursad u siinaya dhalinyarada inay wax ku bartaan oo ay horumarka ganacsiga yar yar kaalin mug leh ka qaataan. 

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay yihiin kuwo firfircoon oo diyaar u ah ka qeybqaadashada horumarka dalka ka jira. 

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in Soomaalidu ay caan ku yihiin adkeysiga iyo hal-abuurka ganacsiga, isla markaasna kula dardaarmay ganacsatada iyo qurbojoogta inay dalkooda maalgeshi ku sameeyaan si dhalinyarada loo siiyo fursado shaqo abuur ah si ay kaalin mug leh uga qaataan koboca dhaqaalaha dalka si aan u gaarno isku filaansho dhan walba ah.




DHAMAAD



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip