DAWLAD GOBOLEEDKA HIRSHABELLE OO QAB-JIBISAY KIBIR QOOQII DAWLADDA FEDERAALKA.

0
Saturday April 22, 2017 - 01:36:14 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAWLAD GOBOLEEDKA HIRSHABELLE OO QAB-JIBISAY KIBIR QOOQII DAWLADDA FEDERAALKA.

    Kali talisnimo, wada tashi la'aan iyo is mahadin aan loo meel dayin ayaa maalmahaan ka muuqda Dawladda Federaalka, deg-deg, fudeyd iyo go'aan qaadasho aan loo dhameyn ayaa soo if baxay, takri fal ayuu Masuul walba ka bilaabay halkii uu ka j

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kali talisnimo, wada tashi la'aan iyo is mahadin aan loo meel dayin ayaa maalmahaan ka muuqda Dawladda Federaalka, deg-deg, fudeyd iyo go'aan qaadasho aan loo dhameyn ayaa soo if baxay, takri fal ayuu Masuul walba ka bilaabay halkii uu ka joogo Dawladda Dhexe, canshuur kordhin laga kheyliyay ayay Wasaaradda Maaliyada ku soo rogtey qaadkii laga soo rogi jirey Magaalada Muqdisho.

Cabasho ayaa laga keenay arintaasi, dhibaato aan la qaadi Karin inay tahay ayaa la soo bandhigay, dhagaha ayay Dawladdu ka fureysatey khaylo dhaantii ka soo baxdey Ganacsatadii qaadka keeni jirtey, si looga baxo culeyskaasi ay Dawladda Federaalka la timid ayaa keentay in loo guuro garoonka diyaaradaha Hirshabelle ee Magaalada Jowhar, halkaasi oo aaney si fudud ku soo gaari Karin gacanta Villa Somalia.

Maalinti labaad ayuu maanta si xarago leh Magaalada Jowhar uga soo degay qaadkii la keeni jirey Magaalada Muqdisho, soo dhaweyn, qiimo dhimis, tixgalin iyo balan qaad ayay Ganacsatadu sheegeen inay kala kulmeen madaxda Hirshabelle, Kumanaan kun oo Doolar ayaa Dawladda Dhexe shaley iyo maanta uga lumay qaadkii ka weecdey, ka fiirsasho la’aan ayaa loo sababeeyay inay Dawladda ku weyday dhaqaalihii faraha badnaa ee maalin walba ugu soo xaroon jirey qaadka la keeno garoonka Aadan Cadde.

Hir shabelle ayaa ku faraxsan inay marti galiso diyaaradihii imaan jirey G/Banaadir oo ah Gobolka kaliya oo ay Dawlada Federaalka u taliso, qurux, maal galin, is dhax gal bulsho, daqli fara badan iyo ganacsi xoog leh ayay Magaalada Jowhar ka heshay diyaaradahaasi u yimid, Sarkaal sare oo u hadlay ganacsatada qaadka ayaa Warbaahinta u sheegay inay Hirshabele uga mahad celinayaan soo dhaweynta ay ka heleen, isago intaasi raaciyay inay ku faraxsan yihiin sida ay Hir shabele u qab jabisay kibir qooqii Dawladda Federaalka.

Is eed-eed ku aadan diyaaradahaasi wareegay ayaa ka dhex taagan Dawladda Soomaaliya, qorshe waxaa la wadaa sidii ganacsatada loogu qancin lahaa inay soo laabtaan, waa suura gal arintaasi lagu guuleysto, waana dhici kartaa in lagu fashilmo. Guusha arintaasi waxay ku xeran tahay haddba sida galaan gal loogu galo.

W-Q. Wariye Shiiqaalow
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip