Waxqabadka Dawladda Ee Isbuucii La Soo Dhaafay 08 October 2016 + Sawirro

0
Saturday October 08, 2016 - 13:58:31 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxqabadka Dawladda Ee Isbuucii La Soo Dhaafay 08 October 2016 + Sawirro

    Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Magaca Dowlad Goboleedka cusub oo noqonaya HirShabelle State, 14 Maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu dilay deegaanka No. 50, Madaxweynaha oo Baydhabo u tagey dar-dargelinta doorashooyinka, 3 Dhalinyaro danbiilayaal ah oo lagu soo xiray Saldhiga Booliiska Kaaraan, Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka oo Nabadeyn u aaday Beledweyn, Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Maamul Wanaaga oo lagu qabtay Cadaado, Ciidanka oo gacanta ku dhigay Hub ay lahaayeen Al-Shabaab iyo Qalab Caafimaad lagu wareejiyey Isbitaalka Forlanini (Lazareti).

Magaca Dowlad Goboleedka cusub oo noqonaya HirShabelle State

4tii October 2016 ayaa shir aan caadi aheen waxa isku yimid ergada shirka mamul usameynta gobolada Hiiraan iyo SHabeelaha Dhexe ayaa Wasaarada Arimaha Gudaha waxa ay ku soo bandhigtay magacyo ku dhow 30 iyo nuucyo calama kala duwan oo gaarayay ilaa boqolaal kuwaas oo ay soo direen bulshada Soomaaliyeed markii lagu baahiyay baraha Bulshada. 

Codeyntii magacyada ayaa lagu bilaabay ilaa 11 magac oo laga soo xulay magacyadii ay bulshada soo direen. 

Ergada ayaa codeeyay iskuna raacay magaca dowlad goboleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe inuu noqdo HirShabeelle State.

14 Maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu dilay deegaanka No. 50

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdala Xuseen Cali ayaa sheegay in Duleedka Deegaanka NO.

50 oo ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose lagu qaarijiyay 14 ka tirsan AL-Shabaab oo isugu jira Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad. 

Wasiir Cabdala ayaa sidoo kale sheegay in Maleeshiyaadka la qaarijiyay ay qorsheynaayeen in ay Weeraro ka geestaan Deegaana ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose lagana furtay Hub fara badan islamarkaana laga gubay Gaarigii ay Wateen Kooxdaasi.

Ugu dambeyn Wasiirk ku-xigeenka Difaaca Soomaaliya ayaa Dadka ku dhaqan Deegaankaas ugu Mahadceliyay Sida ay ula shaqeeyeen Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed, Islamarkaana ay ugu soo gudbiyeen Xogaha ku saabsan Maleeshiyaadkaasi ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo Baydhabo u tagey dar-dargelinta doorashooyinka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo labo maalin ah ku gaaray 4tii October 2016 magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya ayaa kulamo la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada. 

Madaxweynaha oo ujeedka socdaalkiisa uu yahay dardar-gelinta hawlaha doorashada, xaqiijinta qoondada dumarka ee labada aqal iyo in shacabku uu taageero hannaanka dowladnimo, ayaa kulamadii ugu dambeeyay waxaa uu la qaatey madaxda jaamacadaha, aqoonyannada, ardayda jaamacadaha, Ciidanka Qalabka Sida, ururrada haweenka, dhalinyarada, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, madaxda maamulka Koonfuur Galbeed iyo culumada diinta. 

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha kulan gaar ah la yeeshay Guddiga Doorashada Dowlada Goboleedka Koonfuur Galbeed oo uu ku ammaanay waxqabadkooda, dhanka kalena ka codsadey inay daah-furnaan ku shaqeeyaan.

3 Dhalinyaro danbiilayaal ah oo lagu soo xiray Saldhiga Booliiska Kaaraan

Saldhiga Ciidanka Boliiska ee Degmada Kaaran ayaa 3dii October 2016 lagu soo bandhigay 3 dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay dhac u geysanayeen shacabka ku nool degmada Kaaran ee Gobalka Banaadir. 

Taliyaha Saldhigga Boliiska ee Degmada Kaaran Cabdifitaax Sabriye Hasan ayaa sheegay in raggan lagu soo qabtay howlgal ay ciidanku sameeyeen oo lagu xaqiijinayay amniga degmadaasi.

 "shaqsi ka mid ah dadka dhaca loo geysray ayaa saldhiga la soo xariiray sidaas ayey ciidanka Boliiska howlgalka u fuliyeen inkastoo uu dhaawac soo gaaray ciidanka iyo dad shacab ah balse nasiib wanaag gacanta ayaan ku soo dhignay kooxdi burcadka aheyd” ayuu yiri taliyaha booliiska degmada Kaaraan.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka oo Nabadeyn u aaday Beledweyn

Wafdi uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carteh iyo duubabka, maamulka iyo siyaasiyiinta gobolka Hiiraan oo kulamo isdabajoog ah 1dii iyo 2dii October ku yeeshay magaalada Baladweyne ayaa isku afgartay qodobo horudhac ah. 

Kulan dheer kadib oo dhexmaray Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xiigenka dalka, iyo qaar kamid ah duubabka dhaqanka ee gobolka Hiiraan oo uu horkacayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayey ku heshiiyeen qodobada soo socda;

1. Waxaa la isu afgartay in si degdeg ah loo bilaabo Wadahadal la isugu soo dhaweeynayo kala aragti duwanaanta jirta.

2. Waxey kalsooni buuxda siiyeen wafdiga uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka si ay xal ugu raadiyaan caqabadha siyaasadeed ee hortaagan geedi socodka dhismaha maamulka labada gobol. 

Ugu dambeyn, Wafdigi uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa socod dheer ku soo maray magaalada Baladweyne.

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Maamul Wanaaga oo lagu qabtay Cadaado

Aqoon iswaydaarisgan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa 2dii October 2016 magaalada Cadaado looga furay ilaa 100-ruux oo isugu jira hawlwadeenada wasaaradda iyo shaqaalaha maamulada degmooyinka Cadaado, Gaalkacyo, Hobyo, C/waaq, Balanballe iyo Xeraale. 

Aqoon iswaydaarsigan oo socday muddo 3-maalmood ah ayaa waxaa lagu baranayey maamul wanaagga iyo hogaaminta fiican, iyadoo furitaankiisa ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan maamulada degmooyinka, maamulka gobolka Mudug iyo madaxda sare ee Galmudug. 

Madaxwayne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo aqoon iswaydaarsigan furay ayaa ka qaygalayaasha kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan islamarkaana ay ku dabaqaan hawl maalmeedkooda shaqo.

Ciidanka oo gacanta ku dhigay Hub ay lahaayeen Al-Shabaab

Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka K/Galbeed ee ku sugan degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa 2dii October 2016 gacanta ku dhigay hub ay lahaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. 

Ibraahim Maxamed Aadan oo ah gudoomiyaha degmada Diinsoor ayaa sheegay in ciidanka dowlada iyo kuwa K/galbeed ay weerar ku qaadeen maleeshiyaadkaasi oo ku sugnaa deegaan hoos yimaada degmada Diinsoor, kadibna hubkaasi lagala wareegay. 

Ciidanka dowladda ayaa mudooyinkii dambe waday howlgalo loogu talo galay in looga hortago maleeshiyaadka Al-shabaab, oo dhibaato ku hayey dadka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanada gobolada Baay iyo Bakool.

Qalab Caafimaad lagu wareejiyey Isbitaalka Forlanini (Lazareti)

Qalabkan Caafimaad oo Hay’adda Intarnational Relief Foundation ku wareejisay 5tii October 2016 isbitalka Forlanini ama Lazareeti ayaa isugu Jirtay Sariiro, Joodariyaal iyo Qalab Caafimaad oo adeega isbitalka u baahnaa. 

Xildhibaan Shariif Mxamed Siidii oo ka mid ah mudanayaasha Barlamanka ahna Madaxa guud ee Hay’adaha qalabkan Caafimaadka ku wareejisey isbitalka Forlanini ayaa sheegey in Qalabkan wax badan uu ka tari doono Bukaannada isbitaalka jiifa, wuxuuna intaasi uu ku darey iney bilow fiican tahay, laakin qorshahoodu uu yahay in kaalin fiican ay ka Qaataan Horumarka isbitalkaasi. 

Agaasimaha Guud ee isbitaalka Forlanini Drs. Faadumo Cabdi Macow ayaa soo Dhoweysay qalabkan lagu wareejiyey isbitalka Forlanini iyadoo dhinaca kale sheegtey in isbitalka Forlanini u baahanyahay agab Caafimaad oo intaas Ka badan.







DHAMAAD
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip