Dowlada Soomaaliya Oo Soo Bandhigtay Sawirada Ragii Weerarka Ku Qaaday Hotelka Naasa Hablood + Sawirro

0
Sunday June 26, 2016 - 13:59:19 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 2000
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dowlada Soomaaliya Oo Soo Bandhigtay Sawirada Ragii Weerarka Ku Qaaday Hotelka Naasa Hablood + Sawirro

    Wasaaradda Amniga Xukuumada Soomaliya ayaa soo bandhigtay Sawirada Meydadka ragii weerarkii qorshaysnaa galinkii dambe ee Shalay ku qaaday Hoteelka Naasa-hablood 1 ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Amniga Xukuumada Soomaliya ayaa soo bandhigtay Sawirada Meydadka ragii weerarkii qorshaysnaa galinkii dambe ee Shalay ku qaaday Hoteelka Naasa-hablood 1 ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda Amniga xukuumada Soomaaliya Cabdikaamil Macalin Shukri oo warbaahinta kula hadlay Hoteelka Naasa-hablood 1 ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in raga lasoo bandhigay ay ahaayeen kuwii fuliyay weerarkii lagu soo qaaday Hoteelka balse ugu dambeen ay toogteen Ciidamada amaanka dowlada soomaliya.

"Dhalinyaradaan aad halkaan ku arkeysaan waa kuwii weerarka kusoo qaaday hoteelka muddo saacado ah ayay ka dagaalameen Gudaha Hoteelka balse ugu dambeen ciidamada Amaanka dowlada soomaliya waxa ay ku guuleysteen in ay toogtaan”. ayaa ayuu yiri afhayeenka wasaaradda amniga.

Inta la xaqiijiyay 16-ruux oo isugu jira shacab iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada soomaliya ayaa ku dhintay weerarka lagu qaaday hoteelka Naasa hablood 1 ee Magaalada Muqdisho waxaa Mas’uuliyada weerarka sheegtay Xarakada Al-shabaab.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip