Jaaliyada Mudulood Ee Waqooyiga Ameerika Oo Soo Dhaweeyay Xariga Mohamed Dheere

0
Friday January 02, 2009 - 11:14:31 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1072
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyada Mudulood Ee Waqooyiga Ameerika Oo Soo Dhaweeyay Xariga Mohamed Dheere

    Waxa si isdaba joog ah ugu Soo dhacayo Keydaka Wararka Shabakada Warsheekh Dhambaalo Dhaliil iyo Cambaareen intaba isugu jirta taa oo ku wajahan Maqaal aan habeenimadi Xalay ku daabacnay webka Warsheekh kaasi oo ahaa maqaal oo inoo soo diray Aqriste

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa si isdaba joog ah ugu Soo dhacayo Keydaka Wararka Shabakada Warsheekh Dhambaalo Dhaliil iyo Cambaareen intaba isugu jirta taa oo ku wajahan Maqaal aan habeenimadi Xalay ku daabacnay webka Warsheekh kaasi oo ahaa maqaal oo inoo soo diray Aqriste ka tirsan Shabakada Warsheekh kaasi oo ku saabsanaa Xariga Gudoomiyihi hore ee Maamulka Gobolka banaadir Md, Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).


Hadaba Baahinta maqaalkaan ee Shabakada Warsheekh aaya waxa uu dhaliyay Dhambaalo Cara Badan oo katimid Qaar ka mid ah Aqristayaasha Shabakada Warsheekh Degana isla W/Ameerika Kana Soo jeeda Beesha Mudulood.

Maqaalada jawaabta u ah Maqaalki Ciwaankiisa ahaa (Jaaliyada Mudulood Ee Waqooyiga Ameerika Oo Canbaareysay Xariga Mohamed Dheere) ee uu inoo soo qoray Mudane Maxamud Geedi Ow Hilowle  ayaa waxa kazoo qaadan doonaa Maqaal ay inoo Soo Dirtay Gabadha la yiraahdo  Drs Muna Haji  Abdi Maqaalkeeda ay Ciwaanka Uga Dhigtay (Jaaliyada Mudulood Ee Waqooyiga Ameerika Oo Soo Dhaweeyay Xariga Mohamed Dheere ) iyadoo kuna bilaawday Qormadeeda Sidatan.

Hadaa nahay muduloodka ku nool waqooyiga ameerica  waxaan soo dhaweeynaynaa  xariga maxameed dheere isga  oo aqabad ku ah nabada kadhalata koonfurta soomaaliya waxaana u mahad celinaynaa  cidamada itobiya anga oo waliba leh  hada aayad ku tagantahiin howshiini  laydinka rabay ku soo dabalida nabada somaliya qofkii ku ah carqalad waa in laga qabtaa uma
 
 Muduloodoow  maxasuusatiin maxamed dheere isaga ayuu ahaa ninkii soo hor kacay  cidamada itobia isaga oo aminsanaa  inay yahiin saxiibdiisa waxuusa ilooway oraahdii laheed SIYAASADA MALAHA SAXIIB JOOGTA AH LAKII WAXAYLEEDAHAY DAN JOGTAA.

Anagana hadanahay mudulodka garaka RW nuur cade waxaan dhaheena shiribkii caanka ahay  NINKII BAR BAARSHAY BAHAL NOOL KABAXSAY AMA BOQNONTA GOOY.
 
   SOODHAWEENTA DIB U HESHIISIINTA.
 
   Waxaa si wadajir ah u sooo dhaweeynaynaa dib u hishiisiinta uu horkacayo shiikh shariif anaga oo wali u diyaar ah   inaan qeebka qadano gogosha loo fidinaayo nabada umada somaliyeed oo walalaha ah oo dhiigooda micna darada ku daadanayo
  
Waxaan dhamaan dadka ka soo horjeeda nabada ama dadka mucaradka waxaan ka codsaneenaa inay soo fariistaan  miska wada hadalka.
 
 
  MAHADA CELIN IYO MASHRAXAD  KU.RW NUURCADE.
 
  Mudane nuur cade  hadanahay muduloodka waqoyiga amerika waxaan halkaan kuu soo marinaynaa mahad celin oo masharaxad wadato guusha aad maalin walba ka soo hooysid siyaasada guracan oo wadnkeena kajirto waa mahadsan tahay mudane waxaana kaa codsaneenaa inaadan dhag jalaq u siin dadkaan qabiilka wado oo difaacayo dadka sumcadooda iibsaday waxaa tahay ceeb ka saliin waxadna hee sataa  tageerida shacabka 90% inta kale alaha soo hadeeyo.
 
   TALO WALAALTINIMO.
 
  Walalaaha magaca mudulood ku soo hadla waxaan mar 2 idika codsaneenaa inaad joojisaan af lagaada  aad cadeesteen oo aad ku heesaan rw nuur cade  waad aragteen  guulaha siyaasadeed oo uu soo hooyay waxuu istaahilaa sacab oo kaliya lakiin  ma ahan mana ahaanaayo nin isteerinka loo hayo  RW nuur cade waa  abaha nabada soomaaliyeed waxaan ka codsanaa  raga  iyo nagaha reer MN inaad raali galeenka bixisaan hadii kale waa noo bilabatay aflagaadada ninka raayo reerka hoow hero.
 
 OGEYNSIIS.
 
 Walalaha mudulood oo tageersan shiikh shariif iyo RW nur cade waxaan halkaan   kala socodsiineeynaa inaan  ku garab dhigeeno banaan bax lid ku ah kan ee wadaad walaakeena  geedi ow hilowle iyo gabdhihii gurbaanka u waday waxaan diyaar u nahay inaan difaacno sharafka RW nuur cade iyo ka shiikh shariif oo aan u  ogolaan in dad dana gaar ah wata ama lacag loogu soo diro waqoyiga america   si eey qas  iyo marin habaabin ka dhax abuuraan umada soomaliyeed oo aan u is taagnaa difaac ka dhan ah oo aan tusinaa dowlada mareykanka inay wadan kooda ka abaabulaan shirqool ka dhan ah nabada  gayiga soomaliyeed hadii eey isku dayaan reer nabad  diid inay  banaan baxa
eey wadaan waa inaan abaabulnaa mid somali oo dhan ah oo aan ku jabino walalkeena banaan baxa ku dhawaqay waaana balan. 
 
mahadsanidiin 
 
WA BILAAHI TOWFIIQ
  
   Drs Muna Haji  Abdi
 
cadale_girl@hotmail.com
 

Mas'uliyada Qoraalka waxaa leh Qoraaga ku Saxiixan, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip