Wararki ugu dambeeyay ee xaalada Waqooyiga Muqdisho .

0
Monday April 26, 2021 - 15:22:19 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 538
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararki ugu dambeeyay ee xaalada Waqooyiga Muqdisho .

    Wararki ugu dambeeyay ee naga soo gaarayo magaalada Muqdisho gaar ahaan dhanka waqooyi ayaa sheegaya in xaalada saakay degantahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararki ugu dambeeyay ee naga soo gaarayo magaalada Muqdisho gaar ahaan dhanka waqooyi ayaa sheegaya in xaalada saakay degantahay.

Waxa wili xaalad deganaan ah laga dareemayaa deegaanadi maalinti shalay lagu diriray sida Deegaanka Marinaayo oo xarun u ah Madaxweynihi hore ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh iyo Xildhibaan Xaaji Muuse Suudi. 

Ciidamada militariga ee kahor yimid mudo kororsiga dowlada ayaa waxa habeenki xalay ahaa ee sameysteen dhufeyso xoogan, sida carrooyin iyo dhagaxyo la dhigay qeybo kamid ah Degmada Kaaraan.

Sidoo kale habeenki xalay ahaa waxa iyana magaalada Soo galay ciidamo hor leh oo ka kala yimid deegaano katirsan gobolka Shabeelada Dhexe iyo Hoose halkaasi oo difaaca hore ee dhanka Alshabaab uga jireen.

Ciidamadi magaalada soo galay ayaa ku biiray dhinacyada diidan mudo kororsiga Dowlada iyadoo sidoo kale lagu arkayo qeybo badan oo katirsan degmada Kaaraan halkaasi oo fariisimo hor leh ee ka sameesteen.

Dad badan oo shacabka deegaan ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka iyagoo muujinayo dareen ku aadan sida ee uga xun yihiin in dowladi ee u hanweynaayeen ee maanta horseedeeso kala qeybinta shacabka Soomaaliyeed.

WIxi kusoo kordha kala soco wararkeena danbe.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip