Wararki ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga Yurub

0
Friday July 20, 2012 - 10:00:30 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararki ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga Yurub

    (Laacib.net)Maalin wanaagsan akhristayaasheena qiimaha leh meel kasta oo aad joogtaan, waa mar kale iyo barnaamijkii xiisaha lahaa ee Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda. Barnaamijkan waxaan idinkugu soo gudbin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Laacib.net)Maalin wanaagsan akhristayaasheena qiimaha leh meel kasta oo aad joogtaan, waa mar kale iyo barnaamijkii xiisaha lahaa ee Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda. Barnaamijkan waxaan idinkugu soo gudbinaa wararka xanta ah ee wargeysyada qaarada yurub ay ka qoraan maalin walba suuqa kala iibsiga.
Ilaa iyo inta uu suuqa kala iibsiga furan yahay, laacib.net maalin kasta ayay barnaamijkaan idiin soo gudbin doontaa.

Wararka ku saabsan suuqa kala iibsiga waxaa xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku qoran, laacib.net kaliya waxa ay soo uruurisaa xanta ay wargeysyadan ka qoraan suuqa kala iibsiga.

INGARIISKA:

Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa aaminsan inay ku guuleysan doonaan saxiixa kabtanka Arsenal Robin Van Persie, iyadoo sidoo kale ay ciyaaryahanka doonayaan Juventus iyo Manchester City. Ferguson ayaa la aamisan yahay inuu u sheegay saaxiibo in Van Persie uu u dhaqaaqi doono Old Trafford. (Daily Mirror)

Tottenham ayaan fasixi doonin Luka Modric ilaa iyo inta miiska looga soo saarayo 35 milyan ginni oo ay ku doonayaan ciyaaryahanka. Real Madrid, PSG iyo Man United ayaana xiiseynaya ciyaaryahanka reer Croatia. (Daily Mirror)

Chelsea ayaa dalab kale oo labaad u dirsatay kooxda Olympique Marseille oo ku aadanaa daafaca midig Cesar Azpilicueta, iyagoo baadigoob ugu jira bedelka Jose Bosingwa.(Daily Mail)

Inkastoo Andy Carroll uu doonayo inuu kala cadeeyo mustaqbalkiisa Liverpool isbuucaan, hadana waxa uu doonayaa inuu iska sii joogo Anfield ama in amaah lagu siiyo kooxdiisii hore ee Newcastle. (Daily Mirror).

Ciyaaryahanka kooxda Swansea Joe Allen ayaa diirada u saran kooxda Liverpool, lakiin Swansea ayaa ku dooneysa qiimihii ay Reds ku soo iibsatay Jordan Henderson oo ah 16 milyan ginni. (Daily Mirror)

Sir Alex Ferguson ayaa qirtay inuu aqbalayo dalabka Dimitar Berbatov uu ku doonayo inuu kaga tago Manchester United, inkastoo ciyaaryahanka weerarka ka ciyaara uu ka dhexmuuqday kulankii saaxiibtinimo ee Amazulu. (Daily Telegraph)

Liverpool ayay tahay inay bixiyaan 10 milyan ginni hadii ay doonayaan in Clint Dempsey kala soo wareegaan kooxda Fulham oo dooneysa inay ciyaaryahanka ku helaan lacagta ay ku doonayaan. (Daily Star)

Tottenham ayaa laga yaabaa in lagu qasbo inay raadsadaan weeraryahan kale, iyadoo Emmanuel Adebayor uu halis ugu jiro inuu iska horistaago u dhaqaaqistiisa White Hart Lane madaama uu dalbanayo mushahar aad u sareeya. (Daily Mail)

Arsenal ayaa diyaar la ah inay qandaraaska u kordhiso ciyaaryahan Theo Walcott, kaasoo ay xiiseynayeen kooxda Blues. (Metro)

AC Milan ayaa sarre u qaadeysa xiisaha ay u heyso Carlos Tevez iyo Eden Dzeko, ka dib markii Zlatan Ibrahimovic uu si rasmi ah ugu biiray kooxda Paris Saint-Germain. (The Times)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Internacional Oscar ayaa tijaabada caafimaadka u maray kooxda Chelsea, waxaana haatan dhiman inuu qalinka ku duugo heshiiska uu ku joogi doono Stamford Bridge. (Daily Mail)

Kooxda Caen ayaa u sheegtay Arsenal inay sarre u qaadaan lacagta kaashka ah ay ku doonayaan inay ku soo xerogeliyaan weeraryahanka da;da yar M’Baye Niang (talkSPORT)

Tababaraha kooxda Barcelona Tito Vilanova ayaa u sheegay Ibrahim Afellay inuu kooxda ka tagi karo, iyadoo Arsenal iyo Liverpool ay isha la raacayaan ciyaaryahanka. (talkSPORT)

Robert Lewandowski ayaa u sheegay madaxda kooxda Borussia Dortmund inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Premier League, Manchester United ayaana weli xiiseyneysa. (talkSPORT).

ITALY:

Madaxweyne ku xigeenka AC Milan Adriano Galliani ayaa la kulmay wakiilka ciyaaryahanka reer Brazil iyo kooxda Internacional Leandro Damiao, lakiin qiimaha dulsaaran ciyaaryahanka oo gaareysa 20 milyan euro ayaa ah lacag aad u badan marka loo fiiriyo Rossoneri. Waxa ay haatan u jiheysan doonaan weeraryahanka Juventus Alessandro Matri. (Gazzetta Dello Sport)

Agaasimaha kooxda Juventus Giuseppe Marotta ayaa sheegay in kooxda heysata horyaalka Serie A inaysan 30 milyan euro ka bixin doonin weeraryahanka Fiorentina Stevan Jovetic. (Gazzetta dello Sport).

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee xulka Belgium Gaby Mudingaji ayaa maanta ku biiri doona kooxda Internazionale isagoo ka soo tagaya kooxda Bologna. (Gazzetta Dello Sport)

Weeraryahanka aadka loo qiimeeyo ee kooxda Siena Mattia Destro ayaa ku dhow inuu ku biiro kooxda Roma isagoo bedel u ah Fabio Borini. Ciyaaryahanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka leh kooxda Genao, waxaana wadahadalada uu u dhaxeeya seddexda kooxood. (Corriere dello Sport).

AC Milna ayaa diyaar u ah inay kula tartanto Juventus tartanka ay ugu jiraan inay Serie A keenaan weeraryahanka kooxda Arsenal Robin Van Persie oo sidoo kale laga xiiseynayo England iyo France. (Corriere dello Sport).

Kooxda Inter Milan ayaa u dhaqaaqeysa inay la soo wareegto ciyaaryahanka ka dhacay Barcelona ee khadka dhexe Ibrahim Afellay. (Corrier dello Sport).

Kooxda Roma ayaa qorsheyneysa inay iska bedelaan goolhayahooda reer Holland Stekelenburg, waxaana ay isha ku hayaan goolhayaha kooxda Inter Julio Cesar. (Goal.com)

Kooxda Juventus ayaa wadahadalo hoose kula jirta kooxda Udinese, waxaana ay ku dhow yihiin inay la soo wareegaan daafaca bidix ee reer Colombia Armero. (Goal.com)

SPAIN:

Kooxda Internazionale ayaa banaanka soo dhigtay xiisaha ay u heyso inay gacanta ku dhigto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Nuri Sahin. (AS)

Weeraryahanka Real Gonzalo Higuain ayaa sheegay inuusan xiiseyneynin inuu maqlo dalabyada uga imaanaya kooxda heysata horyaalka Serie A ee Juventus. (Marca)

Kooxda Tottenham ayaa dooneysa inay la wareegto ciyaaryahanka kooxda Malaga Santi Cazorla, kaasoo bedel u noqon doona Luka Modric hadii uu ku biiro Real Madrid. (AS)

Barcelona ayaa qorsheyneysa inay dalbato ciyaaryahanka daafaca dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool Daniel Agger. (Sport)

Arsenal ayaa tartan kala kulmeysa Internazionale hadii ay doonayaan inay la soo wareegaan ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Barca Ibrahim Afellay, kaasoo loo sheegay inuu koox kale raadsado. (Mundo Deportivo)

Madaxweynaha Atletico Madrid Enrique Cerezo ayaa sheegay in kooxda aysan weli wax dalab ah ka helin weeraryahanka Adrian Lopez, kaasoo diirada u saran kooxda Tottenham. (Marca)

GERMANY:

Daafaca kooxda Schalke Kyriakos Papadopoulos ayaa diirada u saran kooxda Talyaaniga ee AC Milan. (Kicker)

U wareegitaankii Naldo ee kooxda Wolfsburg ayaa weli ah mid meesheedii taala, inkastoo ciyaaryahan Weder Bremen uu shalay ku dhacay tijaabada caafimaadka. (Bild).

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich Anatoliy Tymoschuk ayaa sheegay inuusan hubin inuu kooxda sii joogi doono. Waxaana xiiseynaya AC Milan, Napoli, iyo kooxo dhowr ah oo reer Russia ah. (Kicker).

Kubadsameeyaha reer Brazil Diego ayay u badan tahay inuu ka tagayo kooxda Wolfsburg ka dib markii la siin wayay number kooxda ah. (Bild).

FRANCE:

Ciyaaryahanka reer Brazil Michel Bastos ayaa ku dhow inuu ku biiro kooxda Imaaraadka Carabta ee Al Ceyn, ka dib markii loo sheegay inuusan mustaqbal ku laheyn kooxda Lyon. (L’Equipe)

Ciyaaryahankii hore ee Portsmouth Anthony Vanden Borre ayaa lala xiriirinayaa kooxda Lille, isagoo bedel u noqon kara Mathieu Debuchy hadii uu daafaca midig ka tago kooxda. (Le Parisien)

Rennes ayaa ku dhibtoon doonta inay ceshato ciyaaryahanka khadka dhexe Yacine Brahmi xagaagan, iyadoo Udinese, Porto iyo Sporting Lisbon ay xiiseynayaan. (L’Equipe).

Goolhayaha reer Colombia David Ospina ayaa qarka u saran inuu ka tago kooxda Nice oo uu ku biiro kooxda Turkiga ee Besiktas. (L’Equipe)
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip