DEREJO AAN DAA'IN KUU QORIN, DOONDOONISTEED DAL DHAN U DUMMI, MA DIRAC-NIMAA MISE WAA DOQONIMO???.

0
Saturday July 26, 2008 - 11:52:46 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEREJO AAN DAA'IN KUU QORIN, DOONDOONISTEED DAL DHAN U DUMMI, MA DIRAC-NIMAA MISE WAA DOQONIMO???.

    Soomaalidu malaha sir ukala qarsoon haba yaraatee, qolo kasta iyo qabiil kastana waa lala socdaa qorsha hoosaadkooda ( ambition), waxey ayagu doonaan dunida haku maqashiiyaanee,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalidu malaha sir ukala qarsoon haba yaraatee, qolo kasta iyo qabiil kastana waa lala socdaa qorsha hoosaadkooda ( ambition), waxey ayagu doonaan dunida haku maqashiiyaanee,


Kuwa danaha guracan wata shaley waxay dhehaayeen " cadkaanow amba ku cuney amaba ku ciideeyey, maantana waxay leeyihiin culumada Soomaliyeed ayaan wakiil ka nahay ee ciidda Soomaliyeed aan saan doono  ka yeelno",  ee Soomaliyeey derejo aan daa'in kuu qorin doon-doonisteed, dal dhan ku dummi ma diracnimaa mise waa doqonimo?,

Waa arrinta Soomaliya u cakirin tahay, laga soo billaabo riditaankii regiimkii Dawladdii  Militeriga aheyd ee uu hoggaamin jirey Allaha unaxariistee marxuum  Gen. Mohamed Siad Barre,  October 21st, 1969kii - December 31st, 1990kii. 

Labadii asbuuc ee la soo dhaafay waxaan la maqlin dilal qorsheysan oo aay fuliyeen reer gafuur-duub Soomaliya oo dhan, gaar ahaan caasimada Soomaliya ee Muqdisho,

sababta  hakisay dilalkii qorsheysnay ee reer gafuur-duub, aad ayaa loogu muran-san yahay, dad badan ayaa aaminsan sababtu in aay tahay kala jabka ku dhacey isbaheysiga dib uxoreynta Soomaliya oo keentay inaay kala shakiyaan  dhalinyaraddii loo adeeg-san jirey laynta dadka wax ku ool-ka ah  ee Soomaliyeed, gaar ahaan beelaha: Mudulood 95%, Murusade, Digil iyo Mirifle, Shiiqaal, Xawadle iyo harti Daarood.

Dad kalana waxaay sheegayaan sababta hakisay dilalkii qorsheysnay ee reer gafuur-duub, inay tahay magaalada Qaahira ee wadanka Masaarida oo shir qarsoodi ah  uga socoyo reer Guri-ceel,

Sida aay sheegayaan dad ku sugan meesha shirku ka soconaayo,shirka waxaa guddoominaayay Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ku sugan wadanka Masaarida, waxaana khadka teleefonka uga qeyb galay shirkaas madaxda gafuur-duubta Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo Jan. Yusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo kala joogey Asmara iyo Soomaliya,

Sida laga soo xigtay qof si qarsoodi ah aay ugu suurta gashay in uu ka qeyb galo shirkaas wuxuu sheegay in shirkaas looga hadlay seddexd (3) ajando ( three agendas)
1) Sidii laga yeeli lahay kala jabka ku yimid Isbaheysigii dib u xoreynta,
2) Gurigga Dr. Cabdqaasim Salaad ee Muqdisho oo si isdaba joog ah aay Ciidamada DF u baaraan,
 3) Sidii dib loogu soo celin lahay dhalinyaro wax yar ka og hawl-galka reer gafuur-duub oo dhowaan ka goostay taliska ceelasha biyaha iyo aagga waqooyiga Muqdishu oo ku laabtay deegaanaddii ayka soo jeedeen, ka gadaal markii  Ceelasha biyaha si bareer ah loogu dilay Taliyihii aagga waqooyiga Muqdisho oo la oran jirey Kobo-geed oo ka soo jeeday beelweynta Mudulood.

 Derejo aan daa'in kuu qorin, doon-doonisteed dal dhan u dummi,  ma diracnimaa mise waa doqonimo dadyohow Soomaliyeey?.  

By  Warsaameyusuf@hotmail.com 

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir email qoraaga soo qoray ka fiiri emailkiisa xaga danbe qoraalka

Shabakada Warsheekh Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip