Guddoomiyaha Midowga Afrika Oo Cambaareysay Weerar Dhicisoobay Oo Ka Dhan Ah AMISOM

0
Thursday June 09, 2016 - 22:54:15 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Midowga Afrika Oo Cambaareysay Weerar Dhicisoobay Oo Ka Dhan Ah AMISOM

    Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Midowga Afrika, Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma, ayaa si xooggan u cambaareysay weerar fashilmay oo canaasiirta argagaxisada ay ka fuliyeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ee Soomaaliya, 9-kii Juun 2016.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Midowga Afrika, Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma, ayaa si xooggan u cambaareysay weerar fashilmay oo canaasiirta argagaxisada ay ka fuliyeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ee Soomaaliya, 9-kii Juun 2016.

Kooxda weerarka geysatay ayaa iska caabbin xooggan kala kulantay ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Qaranka Soomaaliya, waxaana gaaray khasaare culus. 

Boqollaal ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa la qabtay intii uu socday iska horimaadka. 

Ciidanka AMISOM iyo kuwa Qaranka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay sidoo kalena burburiyay hub badan oo ay isticmaaleysay kooxda argagaxisada.

Guddoomiyaha ayaa ku ammaantay ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM iyo ciidanka Soomaalida sida degdegga ah ee ay uga jawaabeen weerarka iyo geesinimada ay muujiyeen.

"Weerarrada kan oo kale ah waxay muujinayaan dabciga liita ee Al-Shabaab, oo hadafkeeda oo qura uu yahay faafinta argagax iyo sii wadista dadaalkeeda ay ku doonayso inay wiiqdo xasiloonida Soomaaliya. 

Waxay tani sii adkaynaysaa go’aankeenna ah inaan sii wadno dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab tan iyo inta Soomaaliya laga xorraynayo dhammaan canaasiirta argagaxisada,” ayay tiri Dr. Nkosazana. 

Waxay carrabka ku adkaysay in weerarka fashilmay uu caddayn u yahay awoodda ay AMISOM u leedahay inay si saameyn leh uga jawaabi karto halista argagaxiso.

Guddoomiyaha waxay tacsi u dirtay qoysaska askarta geeriyootay, waxayna la xanuunsaneysaa kuwa dhaawacmay iyadoo u rajeyneysa caafimaad degdeg ah. 

Guddoomiyaha waxay mar kale ku celineysaa ka go’naanshaha Midowga Afrika inuu sii wado taageerada uu siiyo Dowladda Soomaaliya iyo dadkeeda ee dadaalka ugu jira inay helaan nabad waarta.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip