Shirqool Ka Dhan Ah Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir Oo Fashilmay

0
Saturday June 11, 2016 - 19:23:14 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirqool Ka Dhan Ah Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir Oo Fashilmay

    Xog ay heshay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa lagu ogaaday in uu jiro qorshe Siyaasadaysan oo aan la ogayn sababta ka danbaysa kaas oo laga been abuuray Xildhibaan Faarax Sheikh Cabdulqaadir oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xog ay heshay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa lagu ogaaday in uu jiro qorshe Siyaasadaysan oo aan la ogayn sababta ka danbaysa kaas oo laga been abuuray Xildhibaan Faarax Sheikh Cabdulqaadir oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

SONNA waxaa ay heshay Nuqul ka mid ah Dacwad uu Xildhibaanku ugudbiyay Xeer-ilaalinta Qaranka taas oo uu kaga cabanayo in Magaciisa si been abuur ah loogu isticmaalay in lagu Kireeyo Markab Shixnad lagu sheegay Gargaar Biniaadannimo oo ku socotay Magaalada Xudayda ee Wadanka Yemen taas oo lagu sheegay in ay gaarsiinaysay Hay’ad lagu magacaabo Islamic Charity Foundation oo lagu sheegay in ay ka diiwaan gashantahay Dalka Kenya,taas oo lagu tilmaamay in uu xildhibaanku ka mid yahay Aaas-aasayaasha Hay’addaas ee Markabka Kiraysatay.

Xildhibaanku waxa uu ku cadeeyay Dacwadiisa in aanay jirin waxna aanu ka ogayn Hay’addaas iyo waxa ay waday toona,wuxuuna ku xusay Nuqulka Dacwadiisa in ujeedada laga leeyahay adeegsiga magaciisa iyo isticmaalka Warqadda aqoonsigiisa in ay tahay faldanbiyeed lagu doonayo in lagu magacdilo laguna dhaawaco sumcadiisa,wuxuuna ku tilmaamay xadgudub been abuur ah.

Xog lagu kalsoonyahay oo ay heshay SONNA ayaa tilmaamaysa in Markabka wada Shixnadda been abuurka ah oo lagu magacaabo MV-LIBERTY, in hadda lagu hayo waddanka Jabuuti ayna ku socoto Baaris ay iska kaashanayaan Dawladaha Soomaaliya, jabuuti iyo Kenya taas oo ladoonayo in lagu ogaado ujeedada dhabta ah iyo Ciddii ka danbaysay dhacdadaan Xanbaarsan Shirqoolka.

Xogta aan helnay ayaa intaasi ku dartay in Markabkaan oo waday Shixnad lagu sheegay Gargaar Bini aadannimo laga soo celiyay Magaalada Xudayda oo ahayd halkii uu ku socday,ka dibna uu kusoo xirtay Dekadda Magaalada Jabuuti halkaas oo lagu qabtay laguna hayo wali.



Xigasho  Sonna

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip