Hadalki Carada ee Sheekh Shariif ma quusasho mise dhoola tus

0
Monday January 02, 2017 - 01:19:30 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2785
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Hadalki Carada ee Sheekh Shariif ma quusasho mise dhoola tus

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo kamid ah musharaxiinta Madaxweynaha dalka oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay hoygiisa waxa uu dowladda xilligeedu uu dhamaaday ku eedeeyey inay ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo kamid ah musharaxiinta Madaxweynaha dalka oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay hoygiisa waxa uu dowladda xilligeedu uu dhamaaday ku eedeeyey inay ku guul daraystay in ay la timaado isbedel macna leh oo la taaban karo haddii ay noqon lahayd dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dowlad wanaagga.

 


Shariif Shiikh Axmed Madaxweynihii hore waxa uu sheegay in uu qabo in maanta ay soomaaliya ka liidato sidii ay ahayd markii uu kursiga baneeyey, waxana uu tusaale u soo qaatay habacsanaanta xagga amniga iyo dhamaystir la’aanta dhammaan qodobadii laga sugayay dowladda waqtigeeda uu dhamaaday .

"Dowladda xilligeeda uu dhamaaday waxay ka gaabisay wax ka qabashada arrimaha siyaasadda, amniga iyo bulshada” ayuu yiri M/weynihii hore Shariif oo intaasi sii raaciyay in ay ahayd in madaxdii xilkaasi loo igmaday ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan ka dhabeynta balamadii ay qaadeen oo ay ahayd in dalka ay gaarsiiyaan meel dhaanta sida hadda uu yahay oo ahayd qof iyo cod.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ku eedeeyey dowladda waqtigeeda uu dhamaaday inay u dayacday ciidanka qalabka sida oo si ku tala gal ah loo kala daadiyay, islamarkaana ay ku takri faleen dhaqaalaha dalka oo ay musuq-maasuqeen, iyaga oo buu yiri ujeedkoodu uu yahay in ay dadka xukumaan marka ay dhuunta qabtaan.

” Waxaa jirta maah-maah carbed oo leh eeygaaga gaajeysii haku raacee, waxaana aaminsanahay in qorshaha madaxda dowladda inuu sidaasi ahaa” ayuu yiri Shariif Sh Axmed oo intaasina raaciyay in lagu garan karo qaabkii foosha xumaa ee madaxdii dowladda ay u maamuleen doorashooyinbka xubnaha labada aqal ee dalka.

Waxa uu cadeeyey in musuq-maasuqa la gaarsiiyay tuulooyinka iyo baadiyaha, si waxa kaliya ee dadku ay ka fekerayaan ay u noqoto lacag ay qaataan oo laaluush ah, taasi oo buu yiri wiiqday hamigii iyo niyaddii loo hayay afar sano kadib.

Madaxweyne Shariif waxa kale oo dowladda uu ku eedeeyey in ay isku dirtay dowladda dhexe iyo maamulada dalka ka jira, isaga oo tusaale usoo qaatay sida bulshada loogu kala geeyey dhismihii maamul goboleedyada Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, islamarkaana ay is hortaageen dhamaystirka dastuurka federaalka iyo sameynta maxakamaddii dastuuriga ahayd ee dalka.

Shariif Sh Axmed ayaa ku eedeeyey dowladdii Madaxwenaha xilligiisa uu dhamaaday Xasan Shiikh Maxamuud garab marka sharciga, xatooyo xoolo dadweyne, eex, iyo lug gooyo lagu sameeyo qaranimada Soomaaliya oo maanta dalka xitaa uu ku jiro marxalad jahwareer leh, iyaga oo ku tala galay buu yiri madaxda dowladda gabood fallo ku tala gal ah.

Waxa uu caddeeyey in uusan u imaan kursi jacayl balse uu doonayo inuu dhamaystiro himiladii umadda Soomaaliyeed ee dowladdan ay is hortaagtay, isaga oo u balan qaaday shacabka haddii uu ku guulaysto xilka inuu dalka ka sameyn doono dib u heshiisiin dhab ah oo umadda hilmaansiisa dhammaan wixii ay kala tabanayeen, uuna soo celin doono kalsoonidii shacabka, abuurina doono dowlad wanaag iyo aakhirka in uu dalka u diyaariyo doorasho qof iyo cod ah oo aysan dhici doonin sida maanta shacabka hortiisa loogu fashilmay in doorasho qof iyo cod ah la qabto.

Shariif Sh Axmed Madaxweynihii hore ayaa balan qaaday in ciidamada qalabka sida dhismahooda uu xoogga saari doono islamarkaana la tayeyn doono, amnigana ay xasilin doonto dowladda uu soo dhisi doono haddii uu ku guuleysto doorashada bishan ka dhacaysa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip