Liverpool Iyo Inter Milan Oo Guulo Ku Bilowday Isreebreebka Europa League.

0
Friday August 03, 2012 - 13:34:34 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool Iyo Inter Milan Oo Guulo Ku Bilowday Isreebreebka Europa League.

    (Laacib)Kubad xoogan oo meel 20 yaardi u jirta goolka uu ka soo toogtay Stewart Downing ayaa u ogolaatay tababare Brendan Rodgers inuu guuushiisii ugu horeeyay ee tartan rasmi ah uu ku hogaamiyo Liverpool iyadoo 1-0 kaga badiyay kooxda Blurus ee FK G

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Laacib)Kubad xoogan oo meel 20 yaardi u jirta goolka uu ka soo toogtay Stewart Downing ayaa u ogolaatay tababare Brendan Rodgers inuu guuushiisii ugu horeeyay ee tartan rasmi ah uu ku hogaamiyo Liverpool iyadoo 1-0 kaga badiyay kooxda Blurus ee FK Gomel lugta hore ee isreebreebka kooxda Europa League. Goolka Downing ayaa yimid ka dib markii uu ka soo galay dhanka garabka midig, isagoo adeegsaday lugtiisa bidix oo uu kubada meel gees ah ka geliyay shabaqa, goolkaas ayaana badbaadiyay Liverpool oo aan soo bandhigin ciyaar indho qabad leh, iyadoo dhaawac uu xilli hore ka soo gaaray Joe Cole.

Waxaana kooxda FK Gomel ayaa qalqal gelineysay badanaa daafaca danbe ee Liverpool oo uu u muuqday kuwa isku dhex yaacsan, waxaana ciyaarta oo 25 daqiiqo dhiman ay fursad u heleen inay kubad birta ku dhuftaan qeybtii labaad ee ciyaarta.

Lakiin tababare Rodgers ayaa ku faraxsan in shabaqooda ay soo ilaashadeen islamarkaana iyagoo gool wata ay ku soo laabanayaan Anfield halkaasoo lugta labaad ay ku martigelin doonaan FK Gomel isbuuca soo socda.

Dhinaca kale Inter ayaan shaqo badan ku bixinin kooxda Hajduk Split, ka dib markii ay 3-0 ku xaaqeen kulanka lugta koowaad ee isreebreebka Europa League.

Nerazzurri ayaa wareega 3aad ee isreebreebka Europa League ka bilaabeysa madaama ay kaalinta lixaad ku dhameysteen horyaalka xilli ciyaareedkii hore. Iyadoo lugta hore ay ka dhacday Split, halka lugta labaad ay ka dhici doonto 9ka bisha August.

Douglas Maicon, Julio Cesar iyo Giampaolo Pazzini ayaa ka maqnaa liiska loo gudbiyay UEFA ee tartanakaan ka qeybgalaya sababtoo ah waxa ay saran yihiin suuqa kala iibsiga, halka Andrea Ranocchia uu isna seegay madaama uu saaka marqaati fur u saran yahay maxkamada qaadeysa dacwada sharadii sharcidarrada ahaa.

Goolasha Inter waxa ay uga mahadcelneysaa Sneijder, Nagatomo iyo Coutinho.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip