Xubnaha aan idiin soo gudbin doono waxay u badan yihiin hoomiye-kooxeedyadii dalka soo maray kuwaasi oo ay guddiga farsamadu sheegeen in ay dalka denbi ka galeen, sidaasi darteedna aysan u qalmin kamid noqoshada Baarlamaanka Soomaaliya.
Magacyada iyo qabaa”ilada qaar kamid ah xubnaha la diiday.
Mudanayaasha Baarlamanaka Soomaaliya oo tiro ahaan ka kooban 275-mudane ayaa si rasmi ah waxaa kaararka aqoonsiga loo siiyay 239-Xildhibaan, waxaana la dhaariyay 230-mudane, guddiga farsamada soo xulista ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo soo gudbiyo Xildhibaanada harsan.
Waxaa xusid mudan in munadayaasha harsan ay isugu jiraan kuwa ay ku murunsan yihiin beelahooda iyo kuwa aan buuxin shuruudaha oo dib loogu celiyey Odayaashii soo gudbiyey.
Magacyada & Qabilada Xildhibanadi udambeyay ee la dhaariyay
Waxa halkaan idinkugu soo gudbineenaa liiska magacyadi udambeeyay ee xildhibaanada loo dhaariyay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya kuwaasi oo dadaalka xoogan ugalay iney kamid noqdaan baarlamaanka cusub madaxweynaha Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Ax