Shariif " Aad ayey ubadan tahay lacagaha tobanka kun doolar"

0
Monday September 03, 2012 - 22:05:03 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2081
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariif " Aad ayey ubadan tahay lacagaha tobanka kun doolar"

    M/wayne Shariif Sheikh Axmed oo ka soo qayb galay Aaskii Ra.iisul wasaarihii dalka Eithopia Mala sanaawi oo maalintii Shalay lagu Aasay Adis ababa ayaa maanta waxaa uu dib ugu soo laabatay Magaalada Muqdisho waxaana si wayn u soo dhaweeyay dad aad uf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

M/wayne Shariif Sheikh Axmed oo ka soo qayb galay Aaskii Ra.iisul wasaarihii dalka Eithopia Mala sanaawi oo maalintii Shalay lagu Aasay Adis ababa ayaa maanta waxaa uu dib ugu soo laabatay Magaalada Muqdisho waxaana si wayn u soo dhaweeyay dad aad ufara badan oo ay ka mid yihiin Masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheikh Osmaan Jawaari .
Shariif Sheikh Axmed ayaa waxaa markii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho Shir Jaraaid u qabtay Saxaafadda .waxaana uu ka hadlay arimo badan oo ka mid yihiin Faah faahin uu ka bixiyay Kulan uu la soo qaatay Masuuliyiin ka mid ah dowlada Eithopia oo uu sheegay in ay ka wada hadleen hagaajinta Cilaaqaadka labada dalka.

Shariif ayaa waxaa uu ka hadlay shuruudaha ay ku xireen Musharixiinta Gudiga doorashada Madaxwaynahu waxaana uu soo dhaweeyay shuruudaha marka laga reebo lacagta 10.000 dolar ah { tobanka kun oo doolar ah } waxaa uu sheegay in lacagta ay badan tahay loona baahan yahay in wax laga fara galiyo shuruudaha kalena waxaa uu sheegay in ay yihiin kuwo ok ah

Mar uu ka hadlayay sida uu doonayo in doorashada ay u dhacdo ayuu sheegay in uu dalbanayo in doorashadu u dhacdo qaab cadalad iyo dimuqraadiyad ah oo lagu kalsoonaa karo isagoo codsigaasna ujeediyay Gudiga doorashada Madaxwaynaha .


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip