Siyaarada Sh Maxamed Sh C/llaahi (Casir) oo lagu qabtay Nairobi

0
Saturday October 20, 2012 - 21:52:46 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaarada Sh Maxamed Sh C/llaahi (Casir) oo lagu qabtay Nairobi

    Waxaa Maalinimadii shalay aheyd magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi lagu qabtay Xuska Shiikha Caarifka ah ee Sh Maxamed Sh C/llaahi (Casir) oo markasta Xilligaan oo lagu qabto dunida dacaladeeda kala gedisan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Maalinimadii shalay aheyd magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi lagu qabtay Xuska Shiikha Caarifka ah ee Sh Maxamed Sh C/llaahi (Casir) oo markasta Xilligaan oo lagu qabto dunida dacaladeeda kala gedisan.
Shiikh Casir ayaa waxaa dhashay Khaliifada caanka ah ee ka mid ah khulafaadka dariiqada qaadiriyada Maana Xamsata Sh Uweys oo iyadana dhalay Sh Dariiqada qaadriyada dalkeena Soomaliaya ku fidiyey ee Sh uweys dheere.

Iyadoo ay culamaa'uddiinka Ahlusuuna waljameeco caado u tahay in xuskasto ay ku bilaabaan qadmooyin qur'aan aqris ah ayaa waxaa xuska Shiikha lagu bilaabay qadmooyin qur'aan aqris ah oo lo hadiyeynayey Sh Casir iyo inta uu unisbo sheegto hadey ahaan lahaayeen dhinaca mashaa'ikhda iyo dhinaca dhalshada.

Qasaa'idkii lagu yaqiinay culamaa'ul Suufiyaha ayaa qadmooyinka kadib halkaasi laga aqriyey oo uu ugu horreeyo salawaatka Xabiibkeena Muxamed CSW iyadoo salawaatka kadibna la aqriyey qasaa'idka owliyada Ilaahey oo u ka mid yahay Sh Maxamed Sh C/llaahi Casir.

Bacdal qasaa'id ayaa waxaa la go'aamiyey in la sameeyo bannaabax ballaaran lagu soo gaba gabeynayo siyaarada kheyraadka iyo barkaadka badan waxaana bannaabaxa soo qaban qaabiyey Dhalinyarada Ahlusunna Waljameeca .

Xelqada uweysiyah oo kamid ah duruuqu Suufiyah ayaa halkaasi ka sameysay xadro aad loo jecleystay oo soo jiidatay kasoo qeybgalayaashii kasoo soo xaadiray Siyaarada.

Xelqada kadib ayaa waxaa halkaasi hadal kooban ka jeediyey Sh Daa'uud Sh Maxamed Sh Cabdi celi oo ka mid ah Culamaa'udiinka kasoo qeybgalay Siyaarada.

Shiikh Daa'uud ayaa ka hadlay doorkii uu Sh Maxamed Casir kulahaa fidinta diinta Islaamka iyo isagoo ku amaanay inuu ahaa sh taqi ah oo Alle ka cabsada dadkana fari jiray dariiqa toosan midka qalloocanne ka celin jiray.

Gaba gabdii ayaa waxaa halkaasi ka duceeyey Shariif Saabir Shariif Maxamed oo ka mid ah Ahlubeytka kasoo qeybgashay siyaarada isagoo u duceeyey dhammaan kasoo qeybgalayaasha siyaarada Shariifka ayaa dhanka kale u duceeyey dhammaan Muslimiinta meelwalbo oo ay joogaan waxaana uu aakhirkii dalkeena Soomaaliya ugu duceeyey inuu noqdo dal nabadeysan oo dhibaatada ka baxa quluubta dadka Soomaalidana uu Ilaahey isku dumo.

Ahlubeytka iyo Culamaa'udiinka kasoo qeybgashay Siyaarada

1) Shariif Saabir Shariif Maxamed
2) Shariif Cali Shariif Maxamed Sh Xadaad
3) Shariif Qaasim Shariif Axmed
4) Shariif C/caziiz Shariif Xabiib
5) Sh Dheerow Aba Cali Sh Suufi
6) Sh Bakar Sh Maxamed Sh Iiker Sh Suufi
7) Sh Daa'uud Sh Muxamed Sh Cabdi Celi
8) Sh CismaanSh Muxamed Sh Cabdi Celi
9) Sh C/llaahi Baasto
10) Sh Yuusuf Sh mukhtaar Sh Shariifow Sh Cali Maye
11) Sh Muxidiin Laashin
12) Macalin Maxamed Axmed Ibraahim

iyo Culamaa'udiin kale oo fabadan oo aan halkaan lagu soo kobi karin

Qaar ka mid ah qaban qaabada Siyaarada.

1) Hogaanka qaban qaabada islamarkaana ah Naa'ibka Xadrada Sh C/risaaq Maxamuud Barre
2) C/raxmaan Cismaan Gacma dheere
3) Siid Cumar Sh Maxamed Sh Axmed Gabale
4) Feysal Coosey


Sawirqaade: Maxamuud Sh Axmed Yare
Qoraa: Cali Sh Axmed (Caliyare)

Daawo Sawirada













Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip