Munaasabada Ciidul Adxaa ee Nairobi (Daawo Sawirada)

0
Friday October 26, 2012 - 14:39:25 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2961
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabada Ciidul Adxaa ee Nairobi (Daawo Sawirada)

    Dhammaan umadaha islaamka ayaa waxa ay saaka u kala dareereen dukashada salaada ciida barakeysan ee ciidul Adxaa oo ah midka mid ah Ciidamaha Muslimiinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhammaan umadaha islaamka ayaa waxa ay saaka u kala dareereen dukashada salaada ciida barakeysan ee ciidul Adxaa oo ah midka mid ah Ciidamaha Muslimiinta.

Dalka Kenya oo ah dal ay kunoolyihiin Muslimiin aad u tiro badan ayaa waxa ay sabaxnimadii hore ee maanta dhamaan muslimiinta kunool dalkaani u kala hayaameen dukashada Salaada ciida barakeysan ee Ciidul Adxaa iyadoo aysan jirin khilaaf mar marka qaar dhaca ee ku wajahan dhinaca ciidaha.

Dadyowga usoo dareeray dukashada salaada ayaa waxaa wajiyadooda laga dheehanayey farxad ballaaran oo ku aadan munaasabada ciidul adxaha darteed waxaana la arkayey ayagoo isugu hambalyeenayo munaasabada ciida.

Muslimiinta kunool Kenya ee saaka usoo dareeray dukashada salaada Ciidul Adxaa ayaa waxa ay u duceeyeen xujeyda Xajka ku sugan in Ilaahey Xajka ka aqbalo oo dambi dhaaf kusiiyo ducada Muslimiinta ay u duceynayaanne Ilaahey ka aqbalo waxaana ay sidoo kale dalkeena Soomaaliya ugu duceeyeen Munaasabada ciida darteed in dhibka uu ka korqaado islamarkaana dalka nabada iyo kala dambeynta dib ugu soo celiyo.

Xujeyda ku sugan dalka Sacuudiga gaar ahaan Beytka ILaahey ee barakada badan oo lagu gudo mid ka mid ah Arkaanta Islaamka ah oo ah Rukniga 5-aad ayaa waxa ay maalmahaan wadeen ducooyin ku aadan muslimiinta in Ilaahey dhibka kasaaro, ducooyin Naftooda ah iyo dalalka Islaamka dhibaatada xoogan heysato oo uu kamid yahay dalkeena Soomaaliya in Ilaahey dhibaatada ka kor-qaado.

Ciidaan lagu magacaabo ciidul adxaa ayaa waxa ay caan ku tahay Gowricitanka xoolaha oo aad arkeyso maalin kahor magaalada oo lasoo dhoobo xoolo farabadan oo ay dadkana iibsanayaan si ay ugu udxiyeystaan oo dariiq sunna ah in ciidaan la udxiyeesto.

Dhinaca kale ciidaan ayaa waxa ay caruurta da'da yar u yaqaaniin ciid weynee oo xittaa badanaa dugsiyada qur'aanka maalmo dhoor ah loo fasaxo.

Shucuurta dadweynaha u dabaal dagayey Ciida ayaa saaka aad u kacsaneyd iyadoo caruurta loo kaxeynayey meelaha madadaalada ah ee caruurta lagumadadaaliyo.

Dukashada Salaada ciida kadib ayaa waxaa wax ka weydiiyey qaar ka mid ah dadweynihii usoo dareeray dukashada Salaada shucuurtooda ku wajahan Munaasabada ciida waxaana ka mid ah Daa'uud Maxamed Macalin Daa'uud oo ka mid ah dhalinyarada usoo dareeray dukashada salaaada wuxuuna yiri:

" Ilaahey ayaa mahad leh oo nagu maneystay ciidaan barakada badan ee Ciidul adxaa intaas kadib maanta shucuurteyda aad ayey u sareysay waxaana aad ugu faraxsanahay munaasabadaan waxaana halkaan ka salaamayaa dhammaan qeyskeyga oo ay ugu horreeyaan waalidiinteyda, dhamaan walaalahey, asxaabteyda iyo dhammaan inta maqalkeyga iyo muuqaalkeyga taqaano waxaana leeyahay dhammaan عيد مبارك كلّ عام وانتم بخير dadweynaha muslimiinta samaan kuwada ciida".

Xuseen Xasan Muuse oo isagane ka mid ah dadyowga dukanayey ayaa waxa uu shucuurtiisa kuwajahan ciida ku cabiray sida tan:

"الحمدلله ثم الصلاة على حبيب المصطفى صلى الله عليه وسلم mahad oo dhan Alle ayey u sugnaatay oo nasiiyey ciidaan barakeysan intaas kadib aad ayaa ugu faraxsanahay in aan shucuurteyda ku aadan munaasabada ciida aan webka Warsheekh kusoo gudbiyo anigoo ka faa'iideysanyo fursadaan ay i siiyeen waxaana halmablyo u dirayaa dhamman umadaha islaamka meelwalbo oo ay joogaan waxaana leeyahay عيد مبارك كلّ عام وانتم بخير gaar ahaan waxaa halkaan salaan uga dirayaa dhammaan qoyskeyga meel walbo oo ay joogaan iyo asxaabteyda. Waxaana Muslimiinta meel walbo oo ay joogaan ugu duceynayaa in Ilaahey kor u qaado gaaladana Ilaahey jibiyo dalkeena Soomaalyane Ilaahey nabad kusoo dabaalo Ciida fadligeeda Aamiin".

Dhanka kale Gudoomiyaha Shabakada Warsheekh Xafiiskeeda Nairobi Maxamuud Sh Axmed waxa uu isagane hambalyo iyo bogaadin hawada u marinayaa dhamaan umadaha Islaamka meel walboo adduunyada kaga suganyihiin isagoo Muslimiinta dalkaan kenya ku dhaqan la qeybsanayo munaasabada Ciida barkeysan ee Adxaa wuxuuna Alle dalka Soomaaliya uga baryey inuu nabad kusoo dabaalo dhibaatadana uu ka korqaado.

Sidoo kale dhammaan maamulka iyo shaqaalaha shabakada warsheekh xafiiskeda Nairobi waxa ay hambalyo u dirayaan dhammaan Umadaha Islaamka waxeyna leeyihiin samaan kuwada ciida عيد مبارك كلّ عام وانتم بخير.

Gaba gabadii iyo gunaandkii waa bahda Shabakada Warsheekh oo idiin leh Umadaha Islaamka samaan kuwada ciida كلّ عام وانتم بخير.

Qoraa iyo Sawirqaade: Cali Sh Axmed (Caliyare)

Daawo Sawirada
















Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip