Madaxda M/Goboleedyada Dalka & Beesha Caalamka oo shir muhiim ah ku yeelanaya M/Nairobi

0
Saturday October 06, 2018 - 16:21:22 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda M/Goboleedyada Dalka & Beesha Caalamka oo shir muhiim ah ku yeelanaya M/Nairobi

    Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa lagu wadaa in Shir ay ku yeeshaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka iyo xubno ka socda Beesha caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa lagu wadaa in Shir ay ku yeeshaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka iyo xubno ka socda Beesha caalamka.

Kulankan ay yeelan doonaan Madaxda maamul goboleedyada dalka oo hada ku sugan Nairobi iyo Beesha Caalanka ayaa waxa ay uga hadli doonaan ,sidii loo soo Afjari lahaa Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Waxaa la xaqiijiyay in kulamo ay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ku dhaxmareen Madaxweneyaasha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed,halka Khadka Taleefanka uu kaga qeyb galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf.

Kulamadan dhexmaray Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay kamid ahaayeen,Sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta maamul goboleedyadda, Dadaallada Aqalka Sare iyo Beesha Caalamka iyo arrimo kale.

Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ahna Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa la sheegay in Golaha uu u soo bandhigay dhexdhexaadin ay garwadeen ka yihiin Beesha Caalamka iyo IGAD oo ku aadan soo Afjaridda Khilaafka Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe.







Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip