Dagaalada ayaa yimid ka dib markii Rag ka tirsan Alshabaab ay madaafiic ku garaaceen maraakiib sida la sheegey hub u sidey ciidamada Dalka Kenya Isla markaana taagneed Xeebta Magaalada Kismaayo .
Waxaana la sheegayaa in Dagaalada iyo Madaafiicda ay is weydaarsanayeen Dhinacyadaas iney Geesatey Qasaaro isugu jiro Dhimasho iyo Dhaawac Walow aan la ogeyn qasaaraha ka dhashey Dagaaladaasi .
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxey saraakiisha ciidamada Dowlada Kenya ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee ku aadan weerarka ay ku soo qaadeen Alshabaab sidoo kale dhanka al shabaab kama soo bixin wax war ah oo ku aadan dagaaladaasi waxaana saaka degan xaalada magaalada ksimaayo .
Dagaal Khasaaro Geystay Oo Kadhacay Magaalada Kismaayo
Wararka ka imaanaya Magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi ku dhex mareen ciidamada kenya iyo dagaalayahanada ururka Al shabaab waxayna dagaalada xoogoodu ka dhaceen Xeebta Magaalada kismaayo Sida