SOOMAALIYA YAA U MAQAN? { Maqaal }

0
Wednesday January 21, 2009 - 09:35:37 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOOMAALIYA YAA U MAQAN? { Maqaal }

    Su'ashaan waa su' aal dhamaab waxa magaca somali sheegtay taabanaysa maxaayeelay waxaanu ku kulan sanahay dhamaanteen magacaas la, wax u maciina oo musiibada heysata ka dulqaada , waxaa la gudboon shaqsi kasta oo somali ah in uu garto mas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Su'ashaan waa su' aal dhamaab waxa magaca somali sheegtay taabanaysa maxaayeelay waxaanu ku kulan sanahay dhamaanteen magacaas la, wax u maciina oo musiibada heysata ka dulqaada , waxaa la gudboon shaqsi kasta oo somali ah in uu garto mas uuliyada ka saaran dalkiisa diintiisa iyo caqidadiisa.


Hadii aan taas kawada fekerno waxaan garan karna  aaya hanaga oo  waxaan  wax tari karnaa qeyrkeen qofkuna sidaba diintu qabto markuu tiisa daboolo ayuu tukale u gudbi karaa  diinta islaamka xataa quutul daruuriga, ducada, aad duceyneyso markeey ka hadleyso waxa ay leedahay {Naftaada kubilaaw awalan markaas kadibna qeygkaa } marka halkaas maxaa ka cad in dad badan oo somali ah oo kuhadla  mar hadalada laga xishoodo oo ah waxaan dowlad u dhiseynaa  wadama kale aysan aqoon xataa mas laxadooda iyo ma Suuliyada saaran toona marka nin aan masuuliyadiisa garaneyn miyuu mas uuliyad kale qaadi karaa  waa  su aale?  Jawaabtu waa  xagiina umadeey .

Hadii aad eegto maanta dhibaatada kataagan wadankeena somaliya mahan mid loo kala haray maxaa yelay qof walbaa  waxa uu gebay ma suuliyadii saarneed culumaa udiinkkii waxa ay gebeen in ay u istaagaan hagida umada lagu hago wadada alle sabab too ah culumadu waa astaanta nabada ,nahyinta munkarka, barida umada caqiidada saxdaa ee ahlusunah waljamaacah , odayaashii waxa ay gefeen mas uuliyadii saarneed maxaa yelay odayaashu waa khibrada wadanka xaga dhanqanka suuban iyo waaya aragnimada waxaad moodaa kuwa manta joogaa  da'daa uga dartay alloow aysan da'du nooga darin waa umad aan waxba is dhaamin somaalidu kooda da'daa kan sheekhaa  kan mutacalimkaa  kan jaahilkaa  kan shabaab kaa intuba waa wax isma dhaanto.

Dumarkii waxa uu gefay ma suuliyadii kasaarneed tarbiyeeynta  owlaa dooda maalin maal maha kamid ah waxaa is warsada laba islaa mood suuqa bakaaraha markaabey ku tiri iiwaran hebla see tahay waaan fiicanahay ayeey ku tiri.

Ayaantaan intee ka dhacday yaase in biila? markaabey ku tiri walaaleey wax aan heyno malahan wiil aan dhalaa meelaha qori la aada  oo isbaaro meelahaas ah kasoo shaqeeya fiiri waxa udhexeeya dumarka maanta iyo kuwii hore ee wanaag sanaa ee salafu saalix gabdhihii ay qabi jireen waxa ay ku oran jireen raga qaba markuu shaqada aadaayo" illaah kacabso hanagu  quudin xaaraam maxaa yelay gaajo waan u samri karnaa ee naar uma samri karno" hadaba marka somahan wax isma dhaanto dhul ka dhexeeyo ?

Islaanbaa waxaa la yiri waxa ay dhashay 9 wiil oo doqomaa aaba hoodna la dilay markaabey fekertay in badan waxa usoo baxay in ay wilashaas ilaah ku irzaaqay si kale uga faa ideysan karto madaaba aysan laheeyn caqli kale oo maanta ay ku taa kuleyn karaa markaabey ku tiri maalin kasta waxaa iskugu tagtaan guriga geed hortiisa ku yaala ee madaxa isla gala  ujeed keeduna waxa uu ahaa si aay u dareen siiso in ay yihiin rag aabahood la dilay wixii dilayna uun maalin ka aar goosan donaan  markaa bey sameeyeen  dhowr beri hadii ay sidaas sameeyeen ayaa  waxaa imaaday odayaashii  uu ka dhashay nin kii aabahood dilay markaabeey ku baryoo tameen raali ahaada waxaan isiineynaa diyadii mar kaabeey diyadii baxsheen waxaan usoo qaatay sheekadaan xataa  iskadaa wax kalee caqliga ilaah nasiyay maan ka sheqeeysiino sida maamadaas oo kale?

Waa iska cadahay somaliya waa meel dadkeedii gebaye shiraarka  wax uun isku soo raaca  umadana dan u ah dalka iyo diintana dan u ah oo umadiina u naxa adinka oo eegaya xuquuqda qof walbaa ku leyahay dhulkiisa iyo in uusan jirin beri kamaalin  qof qof ka xaq badan nin kii is bida waxna uu beri imaan doono asaga oo masuu liyad uu qaaday la liic liicaya hadana aan xan baari  karin intaas kadib.

Weligaa  ma is weeydiisay dadka mar walba sheega in diinta lagu dhaqmo ma magac u yaalbaa  diintu? ama waa wax qof suu rabo kayeeli karo?hadaba taas jawaab teedu waaxaa garan kara oo keliya kuwa illaah cilmiga uu baray maahan cilmiga aan ka hadlkayaa  cilmu maadi waa cilmu sharciga meel ay ku taalo diintana uga taalo ma jirto in la ga been sheego diinta islaamka nin kii ka been sheegeena naar ayuu ku muteysanayaa diintuna ma ogola jowr iyo dulmi iyo xad gudub toona wax yar bal ila eeg waxaa laga yabaa in dad badan oo somali ah ay is wey diiyaan meeye maxkamadihii islaamka dadkii masuulka ka ahaa  ?
Mexeey isku khilaafeeyn maxeey ukala tageen shalay waa kuwii isku ahaa wiil iyo aabihiis amaba ul iyo diirkeed?

Markii shalay la lahaa kitaabka alle ma waxuu ahaa Riti kacsi qisdaan ila fiiri " islaanbaa  waxa ay dhashay gabar markaas kadib waxaa ka dhintay odagii reerka markaabaa  maalin maal maha kamid ah waxaa ay u guurayeen meel aad u fog xoolana Ari iyo hal Riti oo qawaar ah ayeey ka lahaayeen markaabey maalin ayaga oo guuraa waxaa alaabtii qaadi wayay Ritigii maamadii ayaa  jan jalka laqabatay allaabtii oo tiri "awoowoow sheekh jiilaa niyoow"  gabadhii ayaa  hadalkii la yaabtay mar kastana waa kamaqli jirtay Ritigii waa istaagay illaah qudradiis mar uun duhuradii meel la degay  oo la shaax cabay ayeey gabdhii tiri hooyo maalin kasta jeylaaniga aad sheegtaa  waa kuma muxuu iiyahay markaabey ku jawaabtay maamadii naa iga tag waxba iima ahane Ritigaan ku kacsadaaye '  marka  ujeedku Waxaa weeye 'maxakimul islaamiyah' wixii lagu magacaabi jiray waxa ay ahaayeen 30 firqo oo somaliya kajirta oo isku habar wacday mid walbana waxa uu aminsan yahay wax ka duwan kan kale waxa uu amisan yahay somaliyana waa meelaha aduunka ugu firqa diimeedka badan maxaa yeelay waa dad aan fekerin mardhowna waxaad arki doontaa  shiicah kuwa sheeganaya oo Somali ah.

Umada somaliyeed waxaan ugu baaqayaa oo aan kula talinayaa in ay caqliga saliimkaa ee illaah siyay ka faa iideystaan fahmaana yaa udan ah yaanse dan uwedin ninka maanta oranaya somaliya amxaaro waa ka baxday waan wedayaa jihaadka waa nin ay meel umuuqato waxaana laga yabaa in uu jiro shaqsi ku raacsan amaba la dhacsan hadalkaas oo u arka hadal sheekh fulaan yiri aniga ma aaminsani taas wixii caqli lahna ma aaminsana waa in umadu fahantaa sartu meesha ay ka quruntay waxaad arkeysaa markaad  warsato in badan oo umada somaliyeed ah dhibaatada somaliya yaa ka mas uul ah waxa uu  ku jawaa bayaa asaga oo aan hubsan hogaamiyo kooxeedyo .

Ma isweey diiyay hogaamiyo kooxeedyo maahan kuwa qoriga qaata oo keliya  waxaa jira hogaamiye kooxeedyo kitaabka alle ka been sheega maqasheen Al- aashaamudk waa wadad mooyaartii dadka dhiigooda baneystay .  markaan saas leeyahay mahan mid ka qarsoon umada somaliyeed oo waa su' aale hadii moor yaan ku qori qaatay kanuna ilmaha iyo islaamaha dhuunta kudhegay maxaa umadu ugu kala exaneysaa ileen beri  is ku  si ayaa loo su aalayaaye .?

Intaas kadib aniga waxa ay ila tahay umadu waa dad codkooda leh magacoda ayuuna qof walbaa ku qaraabanayaa ha ahaado kan moor yaan kaa  ama kan aashaa mud kaaye oo mooryaan diimeydka maanta soo baxay ama mooryaan ka qoriga wata waxaa wax marqaati madoontaa ah in maanta marxalada la joogo ay u baahan tahay in ilgaar ah lagu eego umadana waxaa dan u ah in loo helo dad daacad u ah taladey duna waa in wadaadada dhiig miiratadaa oo kitaabka aan waxba ka aqoon iyo kuwa mooryaantaan intaba laga qabtaa umada oo loo helo umad taqaana si  jidka iilaaheey  ee saliim kaa loogu hago .

Waxaan kusoo geba gebeynayaa  been waa dhamaaneysaa  xaquna waa soo daa hirayaa insha allaah lakiin umada yaan lagu gumaadin magac diimeyd kitaabka aallana waa lagu su' aalayaa beri waxaad ku Riti kacsa taana meel ku geyn mayaan insha allaah .

WABILLAAHI TOWFIIQ
teeleeye
wakiilka  Al- ma'muun
wadanka- Masar
shoowqi@hotmail.com

Mas'uliyada Qoraalka waxaa leh Qoraaga ku Saxiixan, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip