Qatinka Siyaaraatka Sh Cabdi Celi iyo Sh Muxamed Sh Cabdi ee Nairobi (Sawiro)

0
Tuesday November 27, 2012 - 22:15:25 in Siyaaro by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qatinka Siyaaraatka Sh Cabdi Celi iyo Sh Muxamed Sh Cabdi ee Nairobi (Sawiro)

    Maalinimadii shalay aheyd oo ku beegneyd taariikhda miiladiga 26/11/12, dhanka hijriyadane ay ku beegneyd 12/01/1434 ayaa waxaa magaalo madaxda dalka kenya ee Nairobi, degmada Kaamakunji gaar ahaan xaafada Soomaalida ay u badantahay ee Eastleigh lagu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalinimadii shalay aheyd oo ku beegneyd taariikhda miiladiga 26/11/12, dhanka hijriyadane ay ku beegneyd 12/01/1434 ayaa waxaa magaalo madaxda dalka kenya ee Nairobi, degmada Kaamakunji gaar ahaan xaafada Soomaalida ay u badantahay ee Eastleigh lagu soo gunaanaday Siyaaraatka Mashaa'ikhda sida weyn looga yaqaano gayiga Soomaaliya iyo dabadiisaba ee Sh C/raxmaan Sh Cumar oo ku magacdheer (Sh. Cabdi celi) iyo Wiilkiisa Caarifka ah ee Sh Muxamed Sh C/raxmaan sh Cumar oo waqti kasta xilligaan oo kale xuskooda lagu qabto daafaha Caalamka.
Qur'aan aqriska siyaaraatka mashaa'ikhda ayaa waxaa uu soo socday in muddo ah iyadoo maalinimadii shalayne ay aheyd gunaanadkii siyaarada mashaa'ikhda ee mudada qur'aan aqriskeeda soo socotay.

Qadmooyinkii Qur'aan aqriska ahaa ee lagu yaqiinay siyaaraatka Owliyada Ilaahey ayaa subaxnimadii shalay lagu bilaabay qatinka siyaarada iyo subacyo qur'aan ah oo 114-ta ah oo loogu duceynayo Culamada la siyaaranayey in Ilaahey cizigooda iyo sharafkooda kor u qaado.

Waxaa kaloo la aqriyey Tawasulaadkii lagu yaqiinaya siyaardka Nuucaan ah ee labada Qasiido ee dhaadheer ee Ilaahiyaadka ah ee Macruufka ah ee ay kala leeyihiin Sh Uweys dheere iyo Sh C/raxmaan Zeylaci.

Tawasulaadka kadib ayaa waxaa la aqriyey Salawaatka Rasuulka CSW iyo qasaa'idka Owliyada Ilaahey oo ay kamid ahaayeen Caarifiintii la siyaaranayey iyo Qasaa'idka mashaa'ikhdooda .

Galabtii marka la gaaray ayaa waxaa lasameeyey bannaanbax ballaaran oo lagu soo gunaanadayo siyaaraatka mashaa'ikhda waxaana bannaabaxa ka xadreeyey xelqooyinka Uweysiyah iyo Zeylaciyah oo kamid Duruuqu Suufiyaha ayagoo soo bandhigay xadro macaan oo soo jiidatay quluubta dadka kasoo qeybgalay bannaanbaxa.

Waxaa ka hadlay xuska Mashaa'ikda qaar kamid ah Ahlubeytka Rasuulka CSW iyo mashaa'ikh farabadan waxaana kamid ah:

Shariif Cusmaan Shriif Ibraahim Shariif Cumar oo kamid ah Ahlubeytka Rasuulka CSW ee kasoo qeybgalay Siyaaratka Culamada ayaa waxaa uu ka hadlay muhiimada ay leedahay siyaarada Mashaa'ikhda isagoo si aad ah uga hadlay Digriga Ilaahey iyo Rasuulkiisa CSW iyo Owliyadiisa waxaana uu shegay in dadka ahlu digriga ah uu Ilaahey malaa'igtiisa ugu faano darajada ay agtiisa ku leeyihiin waxaana uu dhalinta xilligaan ku bogaadiyey in ay digriga Ilaahey iyo rasuulkiisa iyo kan Owliyadiisa ay daa'imaan islamarkaana aysan dhag jalaq usiinin dadka digri diidka ah ee micnaha digrigaba aanan garaneyn.

Waxaa uu shariifka faray dhalinta in ay dariiqa Waalidiintooda, mashaa'ikhdooda iyo Macalimiintooda ay qaadaan isagoo sheegay in dariiqaasi uu yahay midka toosan ee Ilaahey iyo Rasuulkiisa CSW kuugu xeraayo waxaana uu uga digay dariiqyada qalloocan ee waayahaan dambe soo ifbaxay Shariifka waxa uu wacdigiisa qiirada giliyey dadka kusoo gaba gabeeyey duco oo u duceynayo dhammaan kasoo qeybgalayaasha siyaarada iyo dhamaan maamulka iyo qaban qaabada siyaarada isagoo gaba gabadii dalkeena Alle uga baryey inuu dhibaatada kaqaado islamarkaan uu nasri ugu badalo.

Sh Xassan Sh Axmed Ow-Cali oo ku magac-dheer sh Xassan Madoobe oo kamid ah Culamaa'udiinka kasoo qeybgalay siyaarada ayaa waxa uu ka hadlay muhiimada ay leeyahay xuska Owliyada Ilaahey ee diinta wax weyn usoo qabtay oo ay kamid yihiin Culamada la siyaaranayey isagoo sheegay in isku imaatinka nuucaan ah uu yahay mid dambi dhaaf lagu helayo.

Sidoo kale Sh Shanyaalow Sh Maxamed Nuur Bin Luqmaan oo isagane kamid ah Culamaa'udiinka kasoo qeybgalay siyaaratka Mashaa'ikhda ayaa waxa uu ka hadlay doorka ay Culamadaan la siyaaranayey ku lahaayeen fidinta diinta islaamka waxaana uu shiikha ka mid ahaa xirtii faraha badneyd kasoo aflaxday shiikha waliga ah ee Sh C/raxmaan Sh Cumar oo diinta dalkeena sida weyn ugu faafiyey.

Sh C/llaahi Cali Aadan oo ku magac dheer (Sh C/llaahi duduble) oo ka mid ahaa Culamada kasoo qeybgashay Siyaarada islamarkaana kamid ahaa Talaamiida kasoo aflaxday Shiikha Caalimka ah ee Sh Maxamed Sh C/raxmaan ayaa waxaa uu isagane xusay muhiimada ay dadka u leedahay siyaaraatka nuucaan ah iyo in dambi dhaaf lagu helayo isagoo dhalinta soo koreyso ku waaniyey in ay daa'imaan ijtimaacaadka nuucaan oo kale si buu yiri kheyr iyo dambi dhaaf uga helaan waxaana uu uga digay tashwiishaadka ay waayahaan dambe kooxaha balaayo qabadka ah wadaan ee ku wajahan in aysan bannaanen xuska Owliyada iyo Ilaahey midka Rasuulka CSW ee ay ku beensheeganayaan diinta Ilaahey.

Gunaandka siyaarada ayaa waxaa soo gaba gabeeyey Sh Cismaan Sh Muxamed Sh C.raxmaan Sh Cumar oo ahaa hogaan Qaban qaabada iyo isku daba ridka howlaha guud ee Siyaarada isagoo u duceeyey dhammaan kasoo qeybgalayaasha siyaarada hadey ahaan lahaayeen Ahlubeytka Rasuulka CSW , Culamaa'udiin, dadka kale ee soo xaadiray Siyaarada, qaadumiinta iyo qaadumaadka siyaarada isagoo ugu duceeyey inuu Alle dambi kusiiyo siyaarada Mashaa'ikhda fadligeeda waxaana uu gaba gabdii dalkeena mashaa'ikhda fadligeda Alle uga baryey inuu dhiba ka dulqaado.

Ahlubeytka iyo Culamaa'udiinka kasoo qeybgalay siyaarada

Shariif Cusmaan Shariif Ibraahim
Shariif Cali Shariif Maxamed Shariif Xadaad
Shariif Qaasim Shariif
Sh C/raxmaan Shariif Maxbuub
Shariif Saxardiid Shariif
Shariif Mukhtaar Shariif
Shariif C/caziiz Shariif
Sh Xassan Sh Maxamuud (Sh xassan Nuur)
Sh Xassan Sh Axmed Ow-Cali (Sh Xassan Madoobe)
Sh Xuseen Dayin
Sh C/raxmaan Sh Maxamed (Guuleed)
Sh Abuukar Sh Axmed Sh Cali
Sh C/llaahi Jucuf
Sh Bakar Sh Maxamed Sh Iiker Sh Suufi
Sh Dheerow Aba Cali Dheerow Sh Suufi
Sh Yuusuf Sh Mukhtaar Sh Shariifow Sh Cali Maye
Sh C/raxmaan Sh Maxamed Diirshe
Sh Maxamuud Dheere
Sh Mustafa Sh C/llaahi Bulxan
Sh C/llaahi Baasto
Sh C/llaahi Macalin Xuseen
Xuseen Xaaji Maxamuud
Mustaf Ismaaciil Xaashi
C/llaahi Maxamed yare
Cabdi saciid Maxamuud Cabdi
Iyo Culama kale oo farabadan oo aan halkaan lagu soo koobi karin

Qaar kamid ah Qaban Qaabada Siyaaraatka Mashaa'ikhda:

Sh Cismaan Sh Muxamed Sh C/raxmaan
Sh Shanyaalow Sh Maxamed Nuur Bin Luqmaan
Sh C/llaahi Cali Aadan (Sh C/llaahi Duduble)
Sh C/raxmaan Sayid Maxamuud Sh C/raxmaan
Sh Muxidiin Laashin
Sh Axmed Kaboole
Sh Ibraahim Sh
Macalin Cali Sandheere
Macalin Axmed (Imaamka)
Maxamed Macalin Daa'uud (Shiine)
Sh C/risaaq Maxamuud barre Hogaanka Xelqada Uweysiya

Qaar kamid ah Qaadumiinta Siyaarada

Sh Isxaaq Xaaji Muuse Hogaanka Xelqada Zeylaciyah
Maxamuud Sh Axmed Yare
C/raxmaan Maxamed Cali
Muumin Muxidiin Axmed
C/raxmaan Cismaan Gacma dheere
Siid Cumar Sh Maxamed Gini Sh Axmed gabale
Qaadun C/llaahi
C/caziiz Macalin Daa'uud
Cumar Sh Axmed (Dr Caamir)
C/raxmaan C/llaahi Macalin Axmed (Suuxaaye)
C/raxmaan Maxamed Macalin Daa'uud (Shiine)
C/raxmaan C/llaahi Boote
Maxamuud Sh Cabdi (Dhaga-dheere)
Maxamed C/llaahi Boote
Axmed Shiikhey
Axmed C/llaahi Boote
Daa'uud Maxamed Macalin daa'uud (Da'ud Yare)
C/raxiin
Axmed Macalin Daa'uud
Cali Sh axmed yare.

Qoraa: Cali Sh Axmed (Caliyare)

Sawirqaade: Maxamuud Sh Axmed Yare

Waa bahda Warsheekh qeybteeda Nairobi oo idiin leh sanadaan sanadeeda samo iyo siyaado iyo dalkii oo nabad buuxda Helay islamarkaana siyaarada xarunteeda weyneed ee Warsheekh dib ugu soo laabatay Aaamiin.

Daawo Sawirada






























Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip