Calaaqaadka ka dhaxeeyana ama dhex maray waa aad u yar ama aanan jirrin, tusaale ahaan Soomaaliya waligeed safaarad kama furan dalkani, Koonfur Afrikana la mid, taasi waxaa ugu wacnaa xiligii nidaamkii midab takoorka uu dalkani ka jirey baasaboorka cagaarana ee Soomaaliya waxaa ku qornaa “waad ugu safri kartaa dhamaan wadamada aduunka marka laga reebo israa’iil iyo South Afrika” markii dalkani uu xoriyada qaatayna oo ahayd 1994 tii Soomaaliya wax dowlad ahba kama jirrin.
Markii lasoo dhisey dowladii Cabdiqaasim Salaad Hassan ee Carte, Jabuuti, ayay ugu dhaweyd in safaarad laga furo, CabdiQaasim wuxuu soo magacaabay wakiilo ama waxa loo yaqaano “mission” oo laga dhigey jaaliyada Soomaalida ee dalkani SASA kuwasoo xittaa dowladii Cabdiqaasim oga qeybgali jirrey shirarka caalamiga ah ee dalkani ka dhaca xiligii 4-ta sanno ahayd ee ay jirtey, laakiin heerkoodu safaarad ma ahan.
Markii lasoo dhisey dowladii KMG ee Kenya waxaa lasoo magacaabay Cabdikariim Laqayanyo balse dowlada Mbeki ayaa diidey in ay qaabisho Laqanyo kadib mucaaradad weyn oo lagala hortagay iyo dowlada oo aanan siyaasad ahaan la dhacsanayn qaabkii ciidamada Ethiopia ay Soomaaliya u galeen.
Bishii maarso sanadkii tagay ee 2008-dii, madaxweynaha xisbiga talada haya ee ANC oo kumanaan dad ah kula hadlay Jaamacada Vista ee Mamelodi, Pretoria hool ku yaala ayaa u sheegey dadkaasi in Soomaaliya ay xittaa hub siin jirtey dagaalyahanadii ANC ee xoriyad u doodka ahaa, waxyar ka hor inta uusan dadka la hadlin ayuu la kulmay dad matalada dadka deegaanka iyo madaxda Jaaliyada SASA kuna yiri “Soomaaliya xittaa waxay baasaboor siin jirtey saraakiishii sirdoonka ANC oo ay aduunka ugu kala safri jireen sidii iyagoo Soomaali ah, laakiin xogtaasi waligeey cidna uma sheegin”, Zuma xiligii xoriyad doonta wuxuu soo maray xilka madaxa muqaabaraadka ANC.
Madaxweynihii hore ee dalkani Thabo Mbeki ayaa qoraal uu sameeyey ku sheegey in 3 jeer uu Xamar booqdey sanadihii ay Soomaaliya heeysay xilka gudoomiyenimada Afrika, xiligaasi oo ahayd markii madaxweynihii Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre kumanaan dad ah magaalada Harare ugu sheegey in haddii aanan Mandela lasoo deeynin ay Soomaaliya weerari doonto K/Afrika.
Laakiin dabayaaqadii sedeetameeyadii oo ahayd xilli Siyaad Barre ay ku kaceen jabhado baddan, aduunkana uu hub ka waayay, ayuu xukumadii midab takoorka ee dalkani la galay heshiis uu hub kaga iibsaday, hubkaasi wuxuu kii markii dambe ciidamada badda ee Tanzania ay qabsan doonaan taasina waxaa ka dhashay in kumaandoostii Soomaaliya ey la wareegaan madaxtooyadii madaxweyn Julias Nyarere ee Daarasalaam.
Siyaad Barre xilligaasi ayay u suurogashay sida la sheego in uu si qarsoodi ah xabsiga ugu booqdo Nelson Mandel, nidaamkii midab takoorkana ka codsado in Mandela la siidaayo.
Waxaa xusid muddan in duuliyeyaashii geeystey duqeyntii 1988 kii ee Hargeysa ay ahaayeen calooshood u shaqaystayaal Koonfur Afrika u dhashay oo la kireystey.
Si kastaba xariirka labbada waddan wuxuu ahaa mid wanaag iyo xumaanba leh, wallow uu wanaaga aad u badnaa, kaasoo ah kan keeney in Soomaalida laga qadariyo dalkani, sanadii 1997 dii markii ay daadadka waaweyn Soomaaliya halakeeyeen, Madaxweyne Mandela ayuu ahaa ninkii qaranka ugu baaqay in Soomaaliya la caawiyo, sanadihii dhawaa safiirka K/Afrika UN-ka u fadhiya Qaramada midoobey ayuu ahaa kan sida weyn ee aan la illaawi karrin ugu ololeyeey qadiyada Soomaaliya, meel dhexdhexaadna iska taagay.
South Afrika waxay soo dhaweysey inka baddan 30 kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah, inka baddan kala barna kuwaasina ay dalkani ku yeesheen hanti aan la malayn karrin, taasi waxay ka dhigtey Soomaalida halkani joogta in ay nooqdaan kuwa Soomaaliya u dirra lacagta ugu baddan wadamada kale ee aduunka ee ay Soomaalida ku dhaqantahay xittaa Maraykanka oo loo maleeyo in lacag baddan laga soo dirro, xogtaasi haddii aad been u malaysid Xawaaladaha weeydii.
Maxamed Deeq muuse (deeqdarajo)
Deeqdarajo100@hotmail.com
Cape Town
Taariikhda xariirka Soomaaliya iyo South Africa
Waa labbo dal oo qaarada Afrika kaga kala yaala labbo cirif, cirifka koonfureed iyo kan barri, waxay iskaga midyihiin xagga dhererka xeebaha, Koonfur Afrika waa dalka koowaan ee ugu xeebta dheer, Soomaaliyana waa tan labbaad ee qaarada, marka intaasi