Sida Daabacay Wargeska lagu magacaabo New Vision ee kasoo baxa Wadanka Uganda ayaa daabacay ku xigeenka wakilka midawga afrika ee arimaha somalia wafula Wamunyinyi ayaa amaanay howlgalka ciidamda uganda ka wadaa somaalia
Wamunyinyi ayaa yiri ”waxan u mahad celinaynaa Museveni oo dalka somalia ciidamadisa u soo diray sanadii 2007-dii kuwasi oo naftooda Qatar u soo galiyay dal uu dagaal sukeeyo la dagay kuwaasi oo sameeyay hawlo muhiim u ah shacabka somalia”.
Wamunyinyi ayaa shaca ka qaaday in ciidamadasi inta ugu badan deeganada wadanka somalia ay daganaanshiyo kusoo dabaaleen.
Ciidamada midawga afrika kaga sugan somalia ayaa ah kuwo ka socda wadamada Kenya Uganda Burundi jabuutu iyo sira liyoon kuwasi oo iska kaashaya nabaden wadanka somalia.
“Ciidamada Uganda waxa ay sameeyen hawgalo mesha looga saray xarakada al-shabab ee somalia deegano ay gacanta ay ku hayeen oo ay ku jirto caasimada iyo bartamaha wadanka somalia midasi oo suurta galisay in dawlada ay hawlahedi si hufan ay ugu wadato casimada somalia” sidasi markale waxa yiri kuxigenka wakilka midawga afrika eee arimaha somalia wafula wamunyinyi.
Wamunyinyi ayaa hadalkasi ka horjeediyay 38-haween Mid kamid ah xubnaha barlamanka somalia oo hawlo siminar aqoon kororsi ah u tagay wadanka Uganda waxana soo agasimay ururka midawga afrika.
Uganda waxa ay safka hore kaga jirtaa dawlada ugu badan ee ciidamada nabad ilalain ah u soo dirta wadankani somalia.
Midowga Afrika Oo Amaanay Ciidamada Uganda ee joogo Somalia
Sida Daabacay Wargeska lagu magacaabo New Vision ee kasoo baxa Wadanka Uganda ayaa daabacay ku xigeenka wakilka midawga afrika ee arimaha somalia wafula Wamunyinyi ayaa amaanay howlgalka ciidamda uganda ka wadaa somaalia