"Sanadihii 1992 ilaa 2004kii waxaa dalka intiisa badan ka talinaayay hogaamiye kooxeedyo"–

0
Sunday December 30, 2012 - 13:15:24 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 847
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Sanadihii 1992 ilaa 2004kii waxaa dalka intiisa badan ka talinaayay hogaamiye kooxeedyo"–

    Laga soo billaabo sannadkii 1960kii markii aynu qaadanay xorriyada qaaliga ah ee aynu ku faano, ayuu bilowday kala shaki ku saleysney qabiil, balse xilliyaashii hore qabiilka waxaa loo gelin jiray shaati qafiif ah, laakiin nasiib darro waxaa qabiilki

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laga soo billaabo sannadkii 1960kii markii aynu qaadanay xorriyada qaaliga ah ee aynu ku faano, ayuu bilowday kala shaki ku saleysney qabiil, balse xilliyaashii hore qabiilka waxaa loo gelin jiray shaati qafiif ah, laakiin nasiib darro waxaa qabiilkii la qaawiyey sanadkii 1991kii, markii ay meesha ka baxday xukuumadii militariga aheyd ee uu hogaamin jirey marxuum Gen. M. Siyaad Barre.
Qaawintii qabiilka waxay keentay inay kala qaxaan somalidii isu ahayd sokeeye, soddog, seedi iyo saaxiib iwm, balse waxaa nasiib wanaag ah in uu hadda shacabka Somaliyeed 75% ka badan ogaatey qasaaraha uu leeyahay qabiileysugu, iyadoo uu hadda shacabka soomaliyeed u ooman yahay midnimo Soomaliyeed iyo dowlad cadaalad dalka ku hogaamisa.


> Sanadihii 1992 ilaa 2004kii, waxaa dalka intiisa badan ka talinaayay hogaamiye kooxeedyo, iyadoo mid walba uu meesha ay beeshiisu degto uu dhigan jiray boqolaal (100) Jid-gooyo amba Isbaarooyin oo isu muuq-muuqday, balse nasiib wanaag waxaa in ka badan 80% jid-gooyoodhinkii amba isbaarooyinkii waxaa tir-tiray amba baabi'iyey dowladaan rasmiga ah ee uu hoggaamiyo madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud, runtii waa talaabo wax ku ool ah oo ay ku faani kareyso dowladaan cusub, inkastoo dowladaan lagu xanto gaabis iyo fir fircooni la'aan, balse aniga waxaa ila habboon in aanan lagu deg degin dhaliilida iyo wax xun ka sheegida dowladdaan (3 billood iyo bardh) jirka ah.


> Dhibaatada kale ee guud ahaan Somaliya ka sii yaraaneysa, waxay tahay " shartii kooxihii magacyo diimeedyada-watey" laakiin ficilada guracney oo hadda xalkoodu maraayo xaggee ka baxaa, ka dib markii ay u babac-dhigi kari waayeen awooda ciidamada xogga dalka Somaliyeed, kuwa Amisom iyo taageerada beesha caalamka.


> Halista taagan waxay tahay, koox yar oo ka tijaartay Macaawinooyin ayyu beesha caalimku usoo dirtay masiikiinta Soomaliyeed, xilli ayyu masiikiintu boqol, boqol 100/100 u dhimaneysay maalin kasta, ayey tuugadu jeebkooda ku shubteen wixii loogu soo dhiibay masiikiintii, meeshii ay ku badbaadin lahaayeen nafta boqolal kun masiikiin ah oo baahi u dhintay.

> Intaas waxaa ka sii daran, kooxdaan yar ee ku tijaartay si xaaraan ah, waxay handadaad iyo caga jug-leyn ( black mailing) ku sameeyeen xukuumad kasta ee dalka ka dhalatay, maadaama ay haystaan dhaqaalo fara badan, ciidan u gaar ah iyo hub aanan caadi aheyn, sidaas awgeed kooxdaan yar ee "Mafia ah", waxay aaminsan tahay inay qasab tahay inay ka mid noqoto dowlad kasta oo dalka ka dhalata, helaana xilalka kala ah Xildhibaanimo, ka mid noqosho golaha Wasiirada haddii uusan u diideyn qaabka awood qeybsiga ee 4.5, Guddoomiye Gobal, Danjiranimo, xogheeye joogto ah iwm.

> Soomaliya oo ka soo kabaneysa qaar ka mid ah dhibaatooyinkii hore iyo qaar yar oo weli halis ku ah dalka iyo dadkaba.

Sanad Wanaagsan (Happy New Year)
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
xilqaad12@hotmail.co
Naadiga Lasocodka Arrrimaha Somaliya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip