Wararki ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda ee reer Yurub
- Visits: 1255
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
(laacib.net)Waxaa la gaaray bisha Janaayo waana mar kale iyo barnaamijkeenii suuqa kala iibisga iyo wararkii xanta ahaa ee la qoray maalin walba oo aan ka soo uruurino wargeysyada yurub ka soo baxa kuwooda ugu waa weyn. Barnaamijkaan oo ah mid xanta suuqa uun ku saabsan islamarkaana ah meesha aad kala socon karto dhaqdhaqaaqa suuqa kala iibsiga waxaan soo gudbin doonaa maalin walba inta suuqa kala iibsiga furan yahay marka laga reebo maalinta jimcaha. Aan ku horeyno:
ENGLAND:
QPR: Queens Park Rangers ayaa xaqiijisatay soo xerogelinteeda xiddiga kooxda Rennes Yann M’Vila iyo iyagoo sidoo kale ka afduubtay Newcastle saxiixa Loic Remy. Labada ciyaaryaahn ayaa la filayaa inay QPR u ciyaaraan kulanka sabtida ay Upton Park ku booqanayaan kooxda West Ham. (The Sun)
NEWCASTLE: Hadii Newcastle ay si rasmi ah u weyso Loic Remy, waxa ay sarre u qaadayaan xiisahooda weeraryahanka 23 jirka kooxda Saint-Etiene Pierre-Emerick Aubameyang. (The Times)
MANCHESTER UNITED: Manchester United ayaa la filayaa in dalab tasmi ah u gudbiso kooxda Crystal Palace isbuucaan oo ay ku xaqiijisanayaan saxiixa ciyaaryahanka da’da yar kaasoo la filayo inuu ugu wareego heshiis 12 milyan ginni ah. (The Times)
MANCHESTER UNITED: Goolhayaha kooxda Manchester United David De Gea ayaa waxa uu u sareeyaa liiska goolhayayaasha ee ay Barcelona dooneysa inay ku bedesho Victor Valdes kaasoo la filayo inuu Blaugrana ka tago marka uu dhaco qandaraaskiisa xagaagan. (Daily Star)
MANCHESTER CITY: Roberto Mancini ayaa lagu qasbi doonaa inuu daafac ka raadsado suuqa kala iibsiga hadii racfaanka casaankii Vincent Kompany lagu guuldareysto. Daafacyada kooxda Borussia Dortmund Neven Subotic iyo Mats Hummels ayaa Mancini diirada u saaran. (Daily Mirror)
FRANK LAMPARD: Kooxda Chinese-ka ah Guizhou Renhe ayaa ka quusatay saxiixa Frank Lampard ka dib markii uu diiday mushahar uu isbuucii ku qaadanayo 250 kun ginni. (The Sun)
QPR: Tababaraha kooxda QPR Harry Redknapp ayaa shalayto ku sugnaa Paris waxaana macquul ah inuu ka shaqeynayo in midkood uu London ku soo celiyo Anelka oo haatan tababar la qaadanaya PSG iyo Salomon Kalou oo u ciyaara Lille. (The Times)
CHELSEA: Kooxda Blues ayaa ku dhow inay 5.5 milyan ginni kula soo wareegto Iago Aspas, weeraryahanka Celta Vigo ayaa lagu tilmaamaa David Villa-ha cusub. (The Sun)
ARSENAL: Gunners ayaa 3.5 milyan ginni ku dalbaneysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Senegal ee kooxda West Ham Mohamed Diame. (The Sun)
ITALY:
AC MILAN: Madaxweynaha Milan Silvio Berlusconi ayaa ka raaligeliyay Balotelli aflagaadadii uu dhawaan u geystay isagoo sheegay inuusan isaga ugala jeedin tufaaxa qurmay, waxaana uu haatan dib uga fekerayaa in kooxdiisa ay u dhaqaaqeyso saxiixiisa iyo inkale. (Gazzetta dello Sport)
JUVENTUS: Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso weeraryahanka 24 jirka kooxda Borussia Dortmund Robert Lewandowski, kaasoo hore loola xiriirinayay kooxda Manchester United. (Tuttosport)
JUVENTUS: Juventus ayaa maanta wadahadal la geli doonta kooxda Genao oo ku aadan inay dib u soo ceshtaan weeraryahankoodii da’da yar Ciro Immobile. Juve ayaa iska xuquuqda boqolkiiba 50 ee ciyaaryahanka, waxaana doonayaa in qeybta labaad ee xilli ciyaareedka inuu ku qaato Turin. (Football Italia)
INTER: Madaxweynaha kooxda Inter Milan Massimo Moratti ayaa ugu baaqay Wesley Sneijder inuu iska dhigo nin xirfadle ah islamarkana aqbalo heshiiska kooxda Turkiga ee Galatasaray. Labada kooxood ayaa ka heshiiyay saxiixa, laakiin Sneijder weli ma uusan ogolaan. (Tuttosport)
SPAIN:
REAL MADRID: Real Madrid ayaa dooneysa inay tababaraha kooxda Swansea Michael Laudrup ku bedesho tababare Jose Mourinho hadii uu xagaaga ka tago Santiago Bernabeu. (Sport)
BARCELONA: Madaxweynaha kooxda Barcelona Sandro Rosell ayaa sheegay in Barcelona aysan cidna ka tagi doonin bishaan, isagoo sheegay inay ceshan doonaan Valdes, halka Villa uu joogi doono Camp Nou, waxaana uu carabka ku adkeeyay in waligoodna aysan iibin doonin Lionel Messi. (Mundo Deportivo)
ATLETICO MADRID: Atletico Madrid ayaa u dhaqaaqi doonta ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Vallodolid Patrick Ebert hadii Adrian Lopez oo lala xiriirinayo Arsenal uu kooxda ka tago. (AS)
Wararka ku qoran halkaan waxaa xuquuqdooda iska leh jaraa’idyada ku hor qoran, laacib.net mas’uul kama ahan.
Wararki ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda ee reer Yurub
(laacib.net)Waxaa la gaaray bisha Janaayo waana mar kale iyo barnaamijkeenii suuqa kala iibisga iyo wararkii xanta ahaa ee la qoray maalin walba oo aan ka soo uruurino wargeysyada yurub ka soo baxa kuwooda ugu waa weyn.