Dunida Muslimka Oo Laga Xusayo Dhalashada Nabigeena Muxamed (CSW)

0
Friday January 25, 2013 - 01:12:07 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dunida Muslimka Oo Laga Xusayo Dhalashada Nabigeena Muxamed (CSW)

    Hargeysa (Waaheen) — Somaliland iyo guud ahaan dunida Muslimka ah ayaa maanta laga xusayaa Xuska dhalashada Nabigeenii Suubanaa (CSW) oo ku beegan 12 Rabiicul-awal 1434 ee taariikhda Hijriyada, taasi oo sanad walba xiligan oo kale la xuso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Waaheen) — Somaliland iyo guud ahaan dunida Muslimka ah ayaa maanta laga xusayaa Xuska dhalashada Nabigeenii Suubanaa (CSW) oo ku beegan 12 Rabiicul-awal 1434 ee taariikhda Hijriyada, taasi oo sanad walba xiligan oo kale la xuso. Xuska dhalashada Nabigeenii Suubanaa (NNKH) awgeed, ayaa waxa la fasaxay guud ahaan shaqaalaha dawladda Somaliland, si ay uga qayb-qaataan xuska iyo waynaynta dhalashada Nebi Muxamed (CS), oo sidoo kale guud ahaan dunida Muslimka laga xusayo si loo weynayo isla-markaana loo muujiyo qiimaha Nebigii Alle.

Qoraal uu Wasiirka Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshadu shalay soo saaray ayaa shaqaale-weynaha Somaliland lagu war-galiyey inay shaqooyinka fasax ka yihiin xuska dhalashadii Nebigeena awgeed.

Sidoo kale, Culumimada Asaarudiinka Somaliland ayaa shir-jaraa’id oo shalay ku qabteen Hargeysa, waxay kaga hadleen wayneynta Xuska Dhalashada Nabigeena Muxamed (NNKH) oo ay tilmaameen inay muhiim tahay in laga wada-qayb qaato Sidii loo Xusi lahaa Maalintan qiimaha leh oo maanta ku beegan.

Sheekh Axmed Caabi, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxa maalinta Barito (Maanta) ay tahay maalintii Nabigeenu (CS) dhashay oo ku beegan 12-ka bisha Rabiic-awal 1434 taariikhda Hijriyada, markaa waxa laga wada xusayaa dunida Islaamka oo dhan, markaa

waxa loo baahan yahay inaynu kala qayb qaadano xuskaa Dadka Islaamka ah, waana maalin wayn oo inagu waajib ah inaynu balaadhino”

Sheekh Caabi, waxa uu intaa ku daray “Waxa loo baahan yahay in shacabka Somaliland meelkasta oo ay joogaan ka qayb qataan Xuskan, taas oo lagu xusaay o Gobalada Dalka oo dhan”
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip