Dagaal Gobolka Gedo kudhax maray Dowlada iyo Alshabaab

0
Sunday February 10, 2013 - 12:49:51 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 591
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Gobolka Gedo kudhax maray Dowlada iyo Alshabaab

    Iskahorimaad u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay shalay gallinkii dambe deegaan u dhexeeya degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq ee gobolka Gedo, sida uu sheegay sarkaal ka tisran ciidamada dowladda Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iskahorimaad u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay shalay gallinkii dambe deegaan u dhexeeya degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq ee gobolka Gedo, sida uu sheegay sarkaal ka tisran ciidamada dowladda Soomaaliya. Col. Maxamed Axmed Maxamuud (Carab) oo ku sugan degamda Ceelwaaq ayaa sheeagy in ciidamada dowladda ay ka hortageen weerar ay xoogag ka tirsan Al-shabaab doonayeen inay kusoo qaadaan degmada Ceelwaaq.

“Dagaalka waxaa ku dhintay shan dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan, hal askari oo ciidamada dowladda ka tirsanna wuu ku dhaawcmay,” ayuu yiri Col. Carab, isagoo sheegay in xoogaggii Al-shabaab ay ka furteen hub fudud.

Sarkaalku wuxuu hadalkiisa ku daray in xoogagga Al-shabaab ay warteen gaari TOYOTO ah, iyadoo aysan dagaalkan weli ka hadlin Al-shabaab, balse gobolka Gedo ayaa ah gobol ay dagaallada ugu badan ku dhexmaraan ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

“Xaaladdu way daggan tahay saakay, ciidamada dowladda ayaana ku sugan deegaankii lagu dagaalamay,” ayuu sarkaalku u sheegay warbaahinta, si dhab ahna looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Gobolka Gedo ayaa waxaa tan iyo sannadkii 2010 ka dhacayay dagaallo u dhexeeya xoogagga Al-shabaab oo intiisa badna ka talin jirtay gobolkaas iyo ciidamada dowladda oo kaashanaya ciidamada Itoobiya iyo Kenya oo qayb ka ah AMISOM.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip