Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lasiii dhigay baarkin weyn oo ay leedahay Maqaayada Liido Sea food ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Taliyaha saldhiga Police-ka Bari Cali Xassan Weydoow iyo waliba mid
kamid ah milkiilayaasha Maqaayada oo layiraahdo Qaasmin Maxamed Nuur oo
saxaafada halka uu qaraxu ka dhacay kula hadlay ayaa waxa ay si isku
mid ah u sheegeen in askari kamid ahaa ilaalada baarka uu geriyooday mid
kalana uu dhaawacmay.
Cali Xassan Weydoow ayaa waxa uu soo bandhigay Mobile uu sheegay in loo
adeegsaday qaraxa oo gaariga qarxay dul saarnaa, kaas oo uu sheegay in
lasoo wacay kadibna uu qaraxu dhashay.
Faah faahin ayaa ka soo
baxaya qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo
duhurkii maanta ka dhacay Baarka Liido oo ah maqaaxi lagu cunteeyo,
iyadoo Maamulka Maqaaxida uu ka warbixiyay qasaaraha ka dhashay qaraxa.
Inta
la og yahay hal ruux ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ay ku
dhaawacmeen, kuwaasoo ahaa shaqaalaha Baarka, waxaana bur bur xoog leh
uu soo gaaray qeybta baabuurta la dhigto iyo gawaari badan oo goobta ku
sugneyd.
Maamulaha Baar Liido Sea Food Qaasim Maxamed Nuur ayaa
sheegay in aanay wax saameyn ah uusan ku yeelan doonin howlahooda shaqo
Baarka iyo Adeega guud ee uu bulshada ku haayo, kadib markii gaari
waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu maanta ku qarxay meel la dhigto
Baabuurta ee loo yaqaano Parking-ka.
Qaasim Maxamed Nuur ayaa
sheegay in gaari nuuca Surf ama Ruuneyd la soo geliyay, qeybta baabuurta
la dhigto, dabadeedna qof ka degay oo watay aalada Remote Koontarool uu
ku qarxiyay.
"Gaariga wuxuu ahaa Ruuneyd, baarkinga ayaa la soo
geliyay, waxaa lagu qarxiyay Remote Koonatrool, marka qaraxa dhacay
waxaa aragnay taleefan yar oo qaraxa loo adeegsaday, dhowr gawaari ayaa
ku bas beeshay, waxaa gurmad noo fidiyay Maamulka Gobolka Banaadir oo
dab damis nala soo gaaray iyo Hey'adaha amaanka"ayuu yiri Qaasim Maxamed
Nuur.
Mar la weydiiyay cid gooni ah ay ku tuhmayaan ayuu sheegay
inay sheegan doonaan cidii ka dambeysay, balse uu maleynayo inay ka
dambeeyaan wixii wax qarxin jiray sida uu yiri.
Waxaa uu sheegay
in sidii la rabay aanay u fulin qorshahaas, isla markaana uu qasaaraha
uu noqday mid kooban, waxaana uu intaa ku daray in qeybaha kale ee
Baarka aysan wax bur bur ah gaarin, laakiin qeybta Parking uu bur bur
soo gaaray.
Sidoo kale Qaasim ayaa sheegay in maqaayada ay tahay
meel ay ka cunteeyaan dadka Soomaaliyed, isagoo xusay in aanay u muuqan
in cid gaar ah lala bartilmaameedsanayay, hase ahaatee ay yimaadaan
dadka Soomaaliyed ee qurbaha ka yimid iyo kuwa ganacsatada ah.
Qaasim
ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay, saddex kalena oo shaqaalaha
Baarka ahaa ay ku dhaawacmeen, isagoo tilmaamay in aanay wax dhibaato ah
soo gaarin dadkii kale ee maqaayada ka cunteynayay xilliga qadada.
Baarka
Liido ayaa ku dhinac yaala xeebta, halkaasoo dadweyne fara badan ay u
dalxiis tagaan, iyadoo Baarkan oo la furay bishii Agosto ee sanadkii
hore uu ka mid yahay baararka ugu mashquulka badan ee laga furay
caasimada Muqdisho.
Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale uu bur bur aad u badan gaarsiiyay gaadiid
nuuca raaxada ah oo iyana goobta lagu baakimay ayna lahaayeen dad
kusugnaa gudaha maqaayada.
Qaraxa marka uu dhacaay waxaa dab qabadsay dhamaan gaadiidka halkaasi ku
sugnaa waxaana gurmad deg deg ah sameeyaay gaadiid dab damis ah iyo
shaqaalaha gurmadka deg degga ah oo ku guulestay in aan dabkaasi faafin.
Wararki ugu dambeeyay iyo Qaabka udhacay Qaraxi Liido (Sawiro)
Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lasiii dhigay baarkin weyn oo ay leedahay Maqaayada Liido Sea food ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.