Madaxweynaha oo kulamadii ugu horeeyay la yeeshay Madaxweyneyaasha dalalka Suudaan iyo Liibiya Cumar Xasan Al-Bashiir iyo Mucamar Al-Qadaafi, isagoo kala hadlay arrimaha isbadalka siyaasadeed ee xiligan iyo xaaladihii u danbeeyay tan iyo markii ay dalka ka baxeen ciidamadii Dowladda Ethiopia ee gacanta taageero siinayey Dowladda Soomaaliyeed.
Sheekh Shariif waxaa uu ka dhaadhiciyay Madaxdaasi sidii ay Soomaaliya cagaheeda isugu taagi laheyd iyo taageerada looga baahan yahay dalalkaasi Saaxiibka fog la ah Shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa Xarunta Midowga Afrika kula kulmay Madax kale oo ka tirsan afrika, kuwaasi oo uu taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed ka raadinaya si Dowladdiisa ay u hirgasho una hesho dhaqaale iyo awood ku filan.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa la filayaa in uu sidoo kale la kulmo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo ka qeybgalaya shir madaxeedka 12-aad ee Ururka Midowga Africa.
Sheekh Shariif oo kulamo la qaatay Madax ka tirsan Wadamada Africa kalana hadlay arrimo...
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dhawaan loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Soomaaliy oo magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kaga qeybgalaya shir madaxeedka Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa uu halkaasi ka bilaabay kulamadii ugu horeeyay e