Manchester City oo 2-0 dirtay kooxda caanka ah ee Chelsea

0
Sunday February 24, 2013 - 18:44:49 in Sports by Xarunta Dhexe
  • Visits: 991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester City oo 2-0 dirtay kooxda caanka ah ee Chelsea

    Goolal ay labada qeyb ee ciyaarta kala dhaliyeen Toure iyo Tevez ayaa Man City u sahashay inay 2-0 ku dubato kooxda Chelsea oo marti ku aheyd Etihad Stadium xilli Frank Lampard uu rigoore ka qasaariyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goolal ay labada qeyb ee ciyaarta kala dhaliyeen Toure iyo Tevez ayaa Man City u sahashay inay 2-0 ku dubato kooxda Chelsea oo marti ku aheyd Etihad Stadium xilli Frank Lampard uu rigoore ka qasaariyay. Kooxda martida loo ahaa ayaa ciyaarta ku bilaabatay iyadoo kubada inteeda badan heysata, waxaana fursadii ugu fiicneyd ee ugu horeysay ay soo martay daqiiqadii 15aad markii kooner la soo tuuray uu Nastasic uu kubad madax aheyd dhulka ugu dhuftay Cech, laakiin goolhayaha Blues ayaa si cajiib ah isaga bixiyay.

City ayaana cadaadis sii saartay Chelsea iyadoo fursad kale oo dahabi ah ay soo martay Sergio Aguero daqiiqadii 18aad kaasoo kubad uu ka helay Silva la maray goolhaye Cech balse kubada ay ka hormartay islamarkaana ay banaanka uga baxday.

Inkastoo qeybihii danbe ee qeybta hore ay Chelsea la qeybsaneysay kubada City hadana, City ayaa abuurtay fursado kale, iyadoo daqiiqadii 38aad kubad halis aheyd oo uu kooxda la beegsaday Pablo Zabaleta uu ka beeniyay Gary Cahill.

Seddex daqiiqo ka dibna Petr Cech ayaa lagu qasbay inuu faraha cididooda uga bixiyo Jack Rodwell islamarkaana koonerkii la helay uu Cech sidoo kale isku duubay fursad halis aheyd ka hor.

Waxaana qeybtii hore lagu kala maray barbaro goolal la’aan ah.

article-2282988-183E7E47000005DC-741_634x371

Shan daqiiqo markii ay socotay Chelsea ayaa heshay fursad dahabi ah markii garsoore Andre Marriner uu rigoore u dhigay ka dib markii goolhaye Joe Hart uu xerada ganaaxa dhexdeeda dhulka dhigay Demba Ba.

Frank Lampard ayaa u soo joogsaday rigoorada isagoo kubad joog hoose dhanka bidix ka dhigay goolka, laakiin Joe Hart ayaa si fantastik ah uga bixiyay islamarkaana badbaadiyay qaladkii uu isaga sameeyay.

Seddex daqiiqo ka dib ayaa City ay fursad fiican heshay, Silva ayaa kubad qatar ah u qaaday Sergio Aguero oo goolka ku dhawaa laakiin waxaa ka hor joogsaday Cahill oo ciyaartii maanta si aad ah uga dhex muuqday.

Aguero ayaa isna kubad ku helay Cech isagoo damcay inuu ka dulqaado, laakiin kubada waxa ay dusha sarre uga dhacday shabaqa.

Manchester City ayaana hogaan ay u qalantay heshay daqiiqadii 62aad ee ciyaarta, iyadoo Yaya Toure uu ka sameystay xerada ganaaxa Chelsea meel uu ku dhaqdhaqaaqo ka dib kubada uu ka helay Silva ka hor inta uusan dhinac ka gelin kubada shabaqa oo uusan u dhameystirin si wacan.

Chelsea ayaana isku dayday inay ciyaarta ku soo laabato iyagoo kubada la qeybsanayay kooxda martida loo ahaa, laakiin City ayaa hogaanka sii dheereysatay daqiiqadii 85aad ee ciyaarta, markii David Silva uu banaanka kore ee xerada ganaaxa uu kubad ugu dhigay Carlos Tevez kaasoo gantaal ka dhex bixiyay goolka.

Tevez ayaana goolkii 7aad ee Premier League ka dhaliyay Chelsea, waana in ka badan inta uu ka dhaliyay koox kale oo Premier League ka ciyaarta.

Labadaas gool ee ay labada qeyb ee ciyaarta kala dhaliyeen Yaya Toure iyo Carlos Tevez ayaana City ka caawiyay inay guul kaga gaarto garoonkeeda kooxda Chelsea, waxaana ay hogaanka Manchester United ku soo celisay 12 dhibcood halka ay 7 dhibcood ka sarre martay Chelsea.

Chelsea ayaa iyada weli baaqi ku ah kaalinta seddexaad laakiin waa ay ka dhici kartaa kaalinta 3aad hadii Tottenham ay berri guul ka gaarto West Ham.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip