Somalilan oo shaaca kaqaaday iney heeso rag katirsan Alshabaab
- Visits: 584
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horeysay Caddeysay in dadkii lagu soo qabtay hawlgaladii ciidamada amaanku ka sameeyeen Sool iyo Hargeysa lagu soo qabtay dad Al-shabaab ka tirsanaa.
Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami oo u waramay Idaacada Radio Sanaag, ayaa sheegay in Somaliland iyo dalka Ingiriisku ka wada hadleen dhawaaqii amni daro ee ka soo yeedhay Ingiriiska isla-markaana laga soo gudbay Marxaladaasi.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in arimaha amaanka ee Somaliland ay ka wada hadlayaan hay’addaha amaanka iyo kuwo Ingiriiska oo baadhitaanada la wado natiijo ka soo saari doona.
Wasiirka oo ugu horeyn sharaxaya safarkii Madaxwaynaha Somaliland ku tagay Ingiriiska iyo ujeedadiisu inay la xidhiidhay dhawaaqii amaan daro ee Ingiriiska ayaa yidhi “Waxaa waa laga heshiiyey oo Madaxwaynuhu waakii tagay Ingiriiska, Masuuliyiintiina way isa soo arkeen oo waa laga heshiiyey wixii jirayba, waxaana jira (qalab) sheegaya qofka 100-ka Mayl kuu jira iyo dharka uu gashanyahayba, markaa marxaladaa waa laga soo gudbay, nabaduna in laga wada shaqeeyo ayay u baahan tahay, hawshaana waxa ka wada hadalkeeda loo daayay qolooyinka nabadgalyada”
Wasiirka oo la waydiiyay hawlgalada iyo dadka lagu soo qabtay tiradooda ayaa ku jawaabay “Hawlgaladu waa baadhitaan intaan ogahay, dab munaafaq shidaybuu muuminkuna ku gubtaa, way dhici kartaa in wanaagsan marka baadhistaasi socoto iyagana la xaabiyo, markaa baadhistii way socotaa oo waa la kala saarayaa, wixii wax ku cadaadaana waa abaalkoodaa la marinayaa, wixii kalena waa la siidaynayaa, dadka la qabtayna waa siddeetan” ayuu yidhi.
Wasiir Caddami oo la waydiiyay in dadka la qabtay ay ku jiraan xubno Al-shabaab ka tirsanaa ayaa ku jawaabay “
Haa way ku jiraan” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo meesha ka saaraya in hawlgalada lagu raali-galinayey dawladdaha amaanka Somaliland ka digay “Hawlgaladan cidna lagu raaligalin maayo ee awaba way jireen, dadka la qabtayna waa dalka gudihiisa ayaa laga qabtay, waxaana qabtay dadka amaanka u xil-saaran, qoladaasina (Maraykanka iyo Ingiriiska) xidhiidh fiicanbaanu leenahay, xitaa haddii ay hadlaan kuma kala tagayno ee waa la wada hadlayaa , anaga cid amar na siisay ma jirto ee hawlgalada amaanka lagu sugayaa horeba way u jireen”
Wasiirka gaashaandhiga Somaliland, waxa uu sheegay in xukuumad ahaan ay raali ka yihiin Al-shabaab lagaga awood roonaaday Somaliya “Dadkaasina (Al-shabaab) in Xamar lagaga awood roonaaday Raali-baanu ku nahay, xaafado Somaliland iyo Puntland ah oo lagu oo dhaweeyayna anagu ma ogin” ayuu yidhi.
Somalilan oo shaaca kaqaaday iney heeso rag katirsan Alshabaab
Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horeysay Caddeysay in dadkii lagu soo qabtay hawlgaladii ciidamada amaanku ka sameeyeen Sool iyo Hargeysa lagu soo qabtay dad Al-shabaab ka tirsanaa.