Shikh axmed Dhicisow "qodobka 4.5 ma jiro aayad ama Xadiis ka soo hor jeeda....

0
Tuesday February 03, 2009 - 10:15:42 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1304
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shikh axmed Dhicisow "qodobka 4.5 ma jiro aayad ama Xadiis ka soo hor jeeda....

    Gudiga culumaa’udiinka heshiisiinta xoogaga Muqaawamada ayaa waajib diini ah ku tilmaamay in la taageero dowlada uu hogaaminayo sheikh Shariif sheikh Axmed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudiga culumaa’udiinka heshiisiinta xoogaga Muqaawamada ayaa waajib diini ah ku tilmaamay in la taageero dowlada uu hogaaminayo sheikh Shariif sheikh Axmed.

Kadib bayaan ay soo saareen gudiga culumaa’udiinka Musaalixada ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay munasib tahay in la taageero madaxweyne sheikh shariif isla markaana dadka ka soo hor jeeda ay yihiin dad qaldan.


Sheikh Axmed Cali Dhicisoow oo ah gudoomiyaha gudiga musaalixada Muqaawamada ayaa waxaa uu sheegay in ay waajib diini ah tahay in la taageero madaxweyne sheikh Shiriif sheikh Axmed.


Mar wax laga weeydiiyay sheikh Axmed Cali Dhicisoow qodobka 4.5 ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin aayad ama Xadiis ka soo hor jeeda qodobkaasi cidii dood ka qabtana laga shaafin doono sida uu sheegay,waxana uu tilmaamay in nidaam waliba oo ka hor imaanaya diinta islaamka uu mudan yahay in laga soo hor jeesto hadii uusan ka hor imaaneeyna in laga hor yimaado aysan habooneeyn .


Waxaa uu ugu danbeeyntii ka digay dagaalada ka socda dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada dhexe,waxana uu ku tilmaamay dagaaladaasi in ay yihiin kuwo qaladan cidii ku dhimatana aysan aheyn Shahiid.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip