Dad badan ayaa is weydiinaa: Maxaa ka qaldan lamaanaha soomaalida ee maantay? Anigasa waxaan is weydiinaa: Maxaa ka qaldanaa lamaanihii hore ee soomaalida?
Maxaayeelay hadii aan soo ogaano wixii ka qaldanaa kuwii hore waxaan u soo heleeynaa ugu yaraan sababta waxa ka qaldan lamaanaha hada joogo.
Nasiib darro ma jiraan bugaag ama keeydad warbixineed oo maantay maktabad uun ku keydsan, kuwaas oo ka sheekeeynaa qaab nololeedkii dhabta ahaa ee nolosha lamaanahii naga horeeyay, ama qarnigii la soo dhaafay noolaa, hadii ay jireena waxaa la burburiyay xiligii mooryaanta iyo wax magaratada dalkii dowladiisii qabsadeen, wixii dalka lahaa oo dowlada ku ahaa oo dhana qaybsaday ayagoo moodo wax uu lahaa Siyaad Barre.
Sida la aaminsanyahay ama xaqiiqo sii noqonee ayaa ah in afsoomaaliga dhanba uu qoranyahay wax aan ka badneen 40 sano. Balsa waxaa jiro qoraalo ay qoreen cilmi baarayaashii ka dhashay wadamadii ay ka yimidiin gumeystayaashii soomaaliya, iyo kuwa u dhashay carabta.
Xataa kuwaas wax sharaxaad weeyn ah kama bixinaayaan nolosha dhabta ah ee lamaanaha, waxeeyna nagu qasbee in aan fahan darada ku sii dhex noolaano.
Maantay Soomaali badan ayaa heer guuraa ah weli, una nool sida ay u noolaayeen soomaalidii qarnigii naga horeeyay noolaa, waana in kuwaas lagu sameeyo baaritaano cilmiyeeysan, si loo ogaado nolosha reer guuraanimada ku dhisan waxa ay fareeyso iyo waajibkaad qofkasta ee ka mid ah lamaanaha, kadibna aan baarno saameeynta ay ku leedahay noloshii waalidiintii hore jiilka hada ayaga lamaanaha ah.
Farqiga u dhaxeeyo labada jiil ee soomaalida wada ah waa in kuwii hore aysan aqoonin beenta iyo balan ka baxa, qofkastana uu ahaa qof leh meel loogu yimaado, waxeey ahaayeen dad ku midawba dantooda, yaqaana wanaaga xoolahooda iyo naftooda.
Diin la’aanta xeelka dheer ee ku dhex baahsaneed waxaa qarinaayay nolol maalmoodka aadka u adkaa, oo qasbaayay in aan la iska warheeynin, qofkastana mashquul ku ahaado wixii loo dhiibay, maxaayeelay waxeey ahaayeen qoys ama bulsho dhan oo jihaad iyo tacab tiro badan u maraayay si ay u noolaadaan uun, waxeeyna ku maahmaaheen: “ Nimaan shaqeeysanin shaaho waa ka xaaraan!”.
Meesha lamaanaha maantay ay nolol maalmeedka ka dhex arkeen beenta, qiyaanada, wax isdaba marinta iyo lugooynta bulshada iyo nidaamka dowladaha islaameed iyo qarankoodaba. Waxaa caan sii noqonaa maalinba maalinka ka danbeeyso waxa la yiraahdu “ separete” ama kala noolaashada.
Waxaa ayadane dhinac kasta naga soo gubeyso beenta lagu imaanaa Galbeedka, waxaa danbigeedii na gala jaraa ilmaha ayagoo aabe leh laga dhigay wacalada (singel mother/hooyo kali ah), si hooyadaas dowlada dalkaas ka jirto ay u siiso lacagta loogu tala galay hooyada caruurta kaligeed korinee oo ninkeeda dhintay, ama dhaawaca yahay, ama ay isfureen.
Dhaqankaas la yaabka leh, xaraanta ah ma ahan wax ay shaqsiyadaad ku dhaqmaan oo kaliya ee weliba bulsho dhan oo meel degen sida London ama Mareykanka oo kale ayuu ka dhex yahay dhaqanka rasmiga ah, la iskuna caayn iyo ceebeeyn karin oo lamaanaha soomaaliyeed iskula noolyihiin. Qoraaga soomaaliyeed Daahir Cali Muuse, oo degen dalka Hollan ayaa qoraal oo ciwaan kaga dhigay:
“Sidee u dhaqmaan Somalida reer galbeedka ku nool?!” Oo ku faahfaafinaa arinta kala heeysta soomaalida iyo reer Galbeedka ku qoray sida tan:
“In waddanka Ingiriiska ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan kala noolanshaha, waxaaba la sheegaya in ka badan 80% ay separate ama kala nool yihiin iyagoo carruuro isku leh, Canada Soomaalida ku nool ayaa ku jirta lambarka labaad, halka Holland 3aad ay haleeshay, waddamada Iskandanefiya iyo Australia ayaa 4aad isku hasyta ama wada qeybsaday
.” Qoraalka qoraaga waxaa ka cad inuu waafaqsanyahay baaritaano badan oo ay sameeyeen wadaado/sheekhyaal, qorayaal, mufakiriin, aqoonyahano iyo bulshahano soomaali iyo ajnabi iskugu jiro.
Arinta labaad ee ayadana sida bil shan iyo toban ah u soo baxday ayaa ah in inkastoo wadama badan oo ka mid ah wadama reer Galbeedka looga sii aqoonsanaa sunta ama daroogada la yiraahdu jaadka/qaadhka wax mamnooc ah, oo la mid ah maandooriyayaasha kale, in ragga soomaaliyeed markii labo loo dhigo ay dhig isticmaalaan jaadka/qaadhka, weliba u badan kuwa leh qoysaska oo aabayaasha ah.
Waana naxtin oo u soo hoyatay umada soomaaliyeed, balsa aniga ma aheeyn muhiimadayda in aan ku dheeraado arintaan, waxaan rabaa in aan wax ka ogaano saameeynta ay ku leedahay arintaan caruurta waxbarashadooda iyo noloshooda nafsiyadeeda, caruurtaas oo ah kuwa uu dhalay aabaha loo yaqaano xiliyadaan danbe “maqane jooge” ee sigaarka, jaadka, iyo fadhi ku dirirka ka dhigtay nolosha iyo hooyada ayuutada iyo aroosyada u nool. Waalidiinta yeeysan u fahmin arintaan caay, balsa waa xaqiiqadooda, waana jeclaan lahaa in ay i tusaan sawir ka qurxoon mid ay ku suganyihiin maantay, kuna halaajin lamaane danbe wadada qaldan oo ay qaadeen. La soco qaybt danbe aqriste....
NB! Xuquuqda qoraalkaan waxaa leh qoraaga ku saxiixan. kala xariir: samsam_1989@hotmail.com
W/Q Ifraax Yusuf ( Ifka)
Qaybtii 7aad: "Daroogooyinka waxeey keenaan dhibaatooyin aan laga kabsanin waligood"
Dhaqamada hooyada iyo aabaha soomaaliga ah oo aad u bedelmay, diintii, dhaqankii qoyska ee suubanaa iyo dhamaan astaamaha iyo waajibaadka ay lahaayeen lamaanaha oo laga tagay ayaa keentay in aan isku dhex yaacno qoys ahaan, caruur ahaan, dhalinyaro a