wasirka ingiriiska“Somaliland shirkii hore kaalin fiican bay ka qaadatay, kana waxaanu rajaynaynaa inay ka soo qayb geli doonaan” Mark Simmonds
“ Shirka Ingiriisku waa mid Somaliya taageero loogu raadinayo ma aha mid wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya khuseeya” Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland
Wasiirka dowladda Britian u qaabilsan qaaradda Afrika Mark Simmonds ayaa shalay sheegay Somaliland inay ka rajaynayaan inay ka soo qayb gasho shirka Ingiriiska ka dhici doona Bisha May, sidaasna waxa uu ku sheegay kulan uu la yeeshay Soomaalida UK si uu wax uga ogaado aragtidooda ku waajahan shirka Soomaalida ee London ee la qaban doono bisha May.
Wasiirka oo wareysi siiyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay inuu doonayo in marka hore uu oggaado fikradahooda, waxay la tahay inay noqoto muhiimadda shirka iyo weliba sida ay u caawin karaan horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, oo loo sameyn lahaa horumar joogto ah sida uu yidhi.
Wasiirku waxa uu ka hadlay in taageeradooda ay muhiim u tahay dowladda Soomaaliya, isla arkaana ay xaqiijiyaan sidii taageerada beesha caalamka loo mideyn lahaa oo ay u eegi lahaayeen meelaha ay ahmiyadda siineyso dowladda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo kale oo ay ka mid yihiin horumarka la sameeyay mudadii sanadka ahayd tan iyo shirkii Febraayo ee London.
Ciidanka Amisom oo uu sheegay inay qabteen hawl aad muhiim u ah oo ah buu yiri in al-Shabaab laga saaray qeybo Soomaaliya ka tirsan.
Waxaa kale oo Wasiirka UK ee Afrika, Mark Simmonds oo wax laga weydiiyay Somaliland go’aanka ay ku diiday ka soo qeybgalka shirka, waxaanu sheegay in siyaasiyiinta Somaliland ay door wanaagsan ka ciyaareen shirkii Soomaaliya ee sanadkii hore, isla markaana uu rajeynayo in sidoo kale ay sanadkanna ka soo qeyb gali doonaan.
Dowladda Britian iyo Soomaaliya ayaa si wada jir ah u guddoomin doona shir caalami ah oo ka dhacaya London 7 bisha May, kaasi oo taageri caalami ah loogu raadinayo dowladda Soomaaliya.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in aanu jirin wax qorshe ah oo ku saabsan kulan dhexmara Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Soomaaliya.
“Sababta aanu dalka Imaaraadka carabta u nimid waxay ka dambeysay marti-qaad aanu ka helnay Hoggaanka sare ee dalka Imaaraadka,”ayuu yidhi Wasiirka oo maanta u waramayay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.
Dr. Maxamed Cabdilaahi oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaana intii aanu halkan joognay kulamo la yeelanay qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu sareeya Imaaraadka carabta oo ay ka mid yihiin Sheekh Maxamed Binu Saa’id Al-Nahyaan iyo Sheekh Mansuur Binu Saa’id AL-nahyaan, waxaanu ka wada hadalnay cilaaqaadka labada dal iyo mashaariic u badan xaga horumarka oo aanu ka codsanay dawlada Imaaraadka carabta.”
Wasiirka oo la weydiiyay su’aal la xidhiidhay waxa jira warar sheegayay in lagu wado in Madaxweyneyaasha Somaliland Iyo Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan dalka Imaaraadka carabta, waxaanu ku jawaabay “Sidaan hore u sheegay waxaanu halkan u nimid inaanu ka hadalno arrimo u badan xagga horumarka, sida dhaqaalaha, caafimaadka, Tacliinta iyo xagga wadooyinkaba. Balan aanu xagan (Imaaraadka) ku lahayn Madaxweynaha Soomaaliya ma jirto. Shir labada madaxweyne ay dalkan ku balansanaayeena ma jro.”
“Markaa wararka sheegaya inaanu Imaaraadka u nimid inaanu is aragno Madaxweynaha Soomaaliya waa warar aan jirin oo aan sal lahayn,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.
Wasiirka Arrimaha dibada oo la weydiiyay waxay ka yeelanayaan haddii marka Madaxweynaha Soomaaliya ka soo noqdo Qatar ay suurto-gal tahay in labada madaxweyne Is arkaan, waxa uu yidhi “Booqashadii rasmiga ahayd ee aanu Imaaraadka u nimi way noo dhammaatay. Madaxdii ugu saraysay dalkana waanu kulanay si wanaagsanna way noo soo dhaweeyeen. Muraadkii aanu socdaalkan ka lahayna waanu ka dhamaysanay Berina waxaanu ku noqonaynaa Somaliland isagoo aan madaxweynaha Soomaaliya aan imanba.”
Dr. Maxamed Cabdilaahi oo la weydiiyay halka ay ku dambeeyeen wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi “Wada hadaladii loogu baaqay inay dhex maraan Somaliland iyo Soomaaliya hore ayay u bilaabmeen dawladii Sh. Shariif madaxda ka ahaa, intii dawladan cusubi ay jirtay nasiib darro wali may suurto-gelin.
Waayo dawlada cusub ee Soomaaliya waxay ku mashquulsanayd arrimo badan oo xasaasi ah oo iyaga u gaar ah nabad-gelyadu u badan tahay.”
“Annaguse (Somaliland) dhawr jeer baanu ku celinay, diyaarna waanu u nahay. Waxaanan kuu sheegayaa imika inay socdaan qorsheyaal lagu damacsan yahay in wada-hadaladii mar labaad si wanaagsan dib ugu bilowdaan. Diyaarna waanu u nahay,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland.
Dr. Maxamed waxa kale oo la weydiiyay inuu tafaasiil ka bixiyo mowqifka kama dambaysta ah ee Somaliland ka taagan tahay shirka lagu wado in London lagu qabto Bisha May ee sanadkan, waxaanu yidhi “Arrintaasi Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa si wanaagsan uga hadlay. Waxaanu u aragnay in shirkani inuu yahay mid khaas u ah umuuraha dawlada cusub ee Muqdisho oo uu waliba xaga Nabad-gelyada u badan yahay. Guulna waanu u rajaynaynaa.
Waxase aanu jecel nahay in labada dawladood is arkaan oo ay bilaabmaan wada hadaladii lagu baaqay sanadkii hore. Shirkan waxa loo qabanayaa in Soomaaliya taageero xaga nabad-gelyada ah la siiyo. Laakiin Somaliland iyo Soomaaliya waxay u baahan yihiin shirar kan ka duwan oo beesha caalamkuna ay ka qeyb-gal iyo taageeraba ku yeelato.”
Ingiriiska & Somaliland oo si kaaf iyo kala dheeri ah ukala hadlay
wasirka ingiriiska“Somaliland shirkii hore kaalin fiican bay ka qaadatay, kana waxaanu rajaynaynaa inay ka soo qayb geli doonaan” Mark Simmonds “ Shirka Ingiriisku waa mid Somaliya taageero loogu raadinayo ma aha mid wadahadaladi