Itoobiya oo ciidankeeda dib ucelineeso kadib booqashadi Saacid

0
Friday April 12, 2013 - 08:44:30 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya oo ciidankeeda dib ucelineeso kadib booqashadi Saacid

    Xuduuda gobolka Bakool la wadaago dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo cusub aadna u badani ay ku sugan yihiin degaano u dhow xuduudda gaar ahaan degmada Ceel-barde ee gobolka Bakool, kuwaasoo aan la ogeyn waxay halkaasi ka qabana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xuduuda gobolka Bakool la wadaago dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo cusub aadna u badani ay ku sugan yihiin degaano u dhow xuduudda gaar ahaan degmada Ceel-barde ee gobolka Bakool, kuwaasoo aan la ogeyn waxay halkaasi ka qabanayaan.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya ciidamadaasi cusub ee ka socda dalka Itoobiya, kuwaasoo wararka qaar ay sheegayaan inay halkaasi u tageen inay taageeraan sidii ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Bay ay gudaha Soomaaliya uga bixi lahaayeen, halka warar kale ay sheegayaan inay doonayaan in markale gudaha u soo galaan dalka Soomaaliya, isla markaasna ay dib u qabsadaan xarunta gobolka Bakool ee Xudur oo ay dhawaan ka baxeen.

Warar 3aad ayaa iyana sheegaya in ciidamadaasi ay tagayaan illaa gobolka J/hoose, inkastoo aysan jirin cid xaqiijineysa wararkaasi dhamaantood marka laga reebo in ciidamadaasi la soo dhoobay xuduudda gobolka Bakool ay leedahay dowladda Itoobiya.

Guddoomiyaha degmada Xudur ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay u sheegay qaar ka mid ah idaacadaha ku yaala magaalada Baydhabo in saacadaha soo socda ay dib ula wareegi doonaan magaalada Xudur oo dhawaan ay kala wareegeen ciidamada Xarakada Al-shabaab, mana sheegin qaabka ay taasi ugu suurto geli karto, balse waxaa loo maleynayaa in ciidamada Itoobiya ay halkaasi dib u geynayaan maamulkii magaalada Xudur oo dhawaan magaaladaasi isaga cararay ka dib markii ay ciidamada Itoobiya isaga baxeen magaalada.

Dhinaca kale wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud fiqi ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay joogayaan gudaha dalka Soomaaliya tan iyo inta ay u baahan tahay dowladda Soomaaliya, waxaana uu intaasi ku daray in wadahadal qodobo badan lagu gaaray uu dhexmaray dowladda Itoobiya iyo wafdigii uu hoggaaminayey Ra’isul wasaare Saacid, inkastoo aanu faahfaahin waxay labada dhinac ku heshiiyeen.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip