Siciid Tahliil Axmed, Maxaa Loo Dilay?

0
Friday February 06, 2009 - 14:36:46 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siciid Tahliil Axmed, Maxaa Loo Dilay?

    Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo wajahay kooxaha Afka duubta dhowr arrimood oo ku keenay hoos u dhac dhinac walba ah. Dhanka Ciidanka oo ay ku jabeen goobo badan oo ka mida dalka iyo taageeradooda oo hoos u dhac weyni ku yimid ka dib xaqiiqdooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo wajahay kooxaha Afka duubta dhowr arrimood oo ku keenay hoos u dhac dhinac walba ah. Dhanka Ciidanka oo ay ku jabeen goobo badan oo ka mida dalka iyo taageeradooda oo hoos u dhac weyni ku yimid ka dib xaqiiqdooda oo shacabku fahmeen.


Bixitaankii Xabashida ayaa soo dedejiyey burburkooda. Shacabka soomaaliyeed ee dulman ayay u sheegi jireen inay mujaahidiin yihiin oo waxa geysta dilalka qorsheysanna ay yihiin xabashida.

Idaacadaha gudaha oo qayb wayn ka ahaa shaac bixinta kooxahaan ayaa damcay inay isbeddel yara sameeyaan ka dib markii Madaxweyne uu ku soo baxay Shariif Sheekh Axmed. Idaacadaha ay ka mid tahay Horn Afrik ayaa aad u taageeray Shariifka. Waxaana xusid mudan in Siciid Tahliil Axmed Allaha u naxariistee uu xubin ka ahaa firqada Aala Shaykh/Majmac Shariifkuna ka mid yahay.

Marxuumka oo ahaa agaasimaha idaacadda Horn Afrik ayaa maalmihii u dambeeyay diiday wareysiyada gaarka ah ama qadka telefoonka uu ku siin jiray Rooboow iyo Ragga Ina Godane u soo diri jiray. Dhowr idaacadood oo kale ayaa iyaguna mowqifkaas qaatay oo markaas u arkayay taageerada indha la'aantaa ee Kooxahan in yara hoos loo dhigo.

Siciid Tahliil ayaa sidoo kale qabay dagaallada ka socda Gobollaxada Dhexe iyo hoobiyayaasha lagu garaacayo Dhuusa Mareeb iyo Guriceel inaysan ahayn islaanimo ee ay tahay xasuuq ay wadaan raggaan qabuuraha faagta.

Saaka waaberigii ayay amar ku bixiyeen in agaasimayaasha idaacadaha Xamar ay iska soo xaadiriyaan xarunta barobagaandada kooxaha afka duubta ee Bakaaraha. Markii ay meesha yimaadeen ayaa waxaa la wareegay ammaankooda rag hubaysan oo afku u duuban yahay oo qaar badani ay ajaanib ahaayeen; afaf kale ku hadlayey. Wax yar ka dib markii ay goobta ka dhaqaaqeen ayaa laba ka mid ahaa ciidankii afka duubnaa rasaas madaxa ka huwiyeen Siciid Tahliil Axmed. Halkaas ayayna naftu uga baxday... Allaha u naxariisto!

Sanadihii dambe dalka Soomaaliya waxaa si xowli ah uga socday dilalka qorsheysan ee lagula kacayo doorka soomaaliyeed hadday noqon lahaayeen culumada, aqoonyahanka maadiga, waxgaradka samafalayaasha iyo xirfadlayaasha intaba.

Sidoo kale, wariyayaasha gudaha ayaa astaan u noqday kalimaddii loogu yeeri jiray dadka dulman ee LOOMA OOYAANKA. Macneheedu wuxuu yahay ISMA DIFAACI KARAAN. Nin kastoo raba inuu siyaasadda ku soo baxo ayaa tusaale ku bixin jiray dilka dadka dulman ama Looma Ooyaanka, si loogu aqoonsado halaag aan looga maarmeyn heshiisyada ka dhici doona Jabuuti iyo Imaghati. Marar badan ayaa qisaas-beenaad lagu fuliyey Looma Ooyaanka, halka kuwa tunka buurani suuqyada dhiiggii muslimiinta la mushaaxayaan.

Kal hore, sanadkii 2007 ayay horey u qaarijiyeen Cali Imaan Sharmarke, Agaasimihii Horn Afrik iyo Wariye Mahad Axmed Cilmi Tifatirihii Capital Voice. Haddaba waa Su'aale, Kooxahan magacyada badan soomaalidu maxay u darbadeen iska difaaciddooda? Jawaabtana shacabka ayaa laga sugayaa.
Xigasho Ahlusunna.org

Sh. Xuseen Khaliif oo Lagu Dilay Ceelasha Biyaha (Allaha u Naxariisto)
Sheekha ayaa  asagoo gaari bus ah koray waxaa ka soo daba koray wiil afku u duubanyahay oo madaxa ka toogtay kadibna isaga degay gaarigii oo magaalada iska mushaaxay.

Sh. Xuseen, Allah ha u naxariistee, wuxuu ka mid ahaa dhillinyarada firfircoon ee Ahlusunna Waljamaaca kuna nool magaalada Muqdisho. Lama oga sababta loogu dawgalay aan ka ahayn inuu u taagnaa shariicada islaamka had iyo jeer iyo caqiidada toosan.

Iyadoo indhawaalaba magaalada Muqdisho iska eheed goob lagu kaluumeesto dadka dhaxal galka ah ayaa hadana waxa jirta dilal is xiga ooloo geesanayo Culimada Diinta Faafisa ee Ahlusunna Waljamaac taa oo marar qaar u ekeeda in Ciribtir lagu Wado Raad Raaca Diinta Islaamka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip