Fadhisiga Tababare Fargusan oo maanta noqday hadal heynta ugu badan
Mar qura ayaa maanta waxaa dadka oo dhan kedis ku noqotay markii kooxda
Manchester United ay ku dhawaaqday in Tababareheeda Sir Alex Ferguson oo
ka mid ah Tababareyaashii ugu wanaagsanaa taariikhda Kubadda Cagta
Ingiriiska iyo Caalamka uu ka farii
Mar qura ayaa maanta waxaa dadka oo dhan kedis ku noqotay markii kooxda
Manchester United ay ku dhawaaqday in Tababareheeda Sir Alex Ferguson oo
ka mid ah Tababareyaashii ugu wanaagsanaa taariikhda Kubadda Cagta
Ingiriiska iyo Caalamka uu ka fariisanayo ciyaaraha dhammaadka xilli
ciyaareedkan.
Ferguson waxa uu xilka Manchester United qabtay 7-dii November 1986-kii oo haatan laga joogo ku dhowaad 27-sanadood waxaana uu kooxdiisa la qaaday kaddib 38 Koob oo kala duwan.
Waxa uu Sir Alex oo 71-jir ah marka uu ka fariisto cayaaraha toos ugu biiri doonaa dhinaca Maamulka kooxda Shayaadiinta Cas cas oo ka yeeli weysay in uu sidaa uga tago, waxaana ciyaartiisa kama dambeysta ah ay noqon doontaa kulanka West Bromwich ee 19-ka Bishan.
Haddaba Khubarada Isboortiga ayaa Afkaar kala duwan ka bixisay xil iska dhiibidda Ferguson.
« Sir Alex waa mid ka mid ah tababareyaashii ugu fiicnaa ee soo mara taariikhda Kubadda Cagta, 26-sano kaddibna waan sagootinaynaa » sidaa waxaa boggiisa Twitter-ka ku soo qoray Kabtanka Manchester City *Vincent Kompany.*
«Waxaan ku faraxsanahay in uu Ferguson naga aqbalay inuu la sii joogo naadiga isagoo noqonaya Xoghaye » sidaa waxaa yiri *Avie Glazer* oo ka tirsan Qoyska maamula Manchester United ee reer Glazer.
Goolhayihii hore ee Manchester United *Peter Schumeichel* ayaa isna waxa uu Twitter-kiisa ku qoray « Waxaan jeclahay in ay isku soo aadi doonaan sagootinta SAF iyo soo laabashada Cristiano Ronaldo ee Man United ».
Dhinaca kale dhammaan kooxda *Chelsea* ayaa Twitter-ka ku sagootiyay Ferguson waxaana ay qoraal ay ku soo bandhigeen uu u qornaa sidatan « Dhammaan Chelsea waxay nasiib wacan u rajaynaysaa Sir Alex Ferguson marka uu ka fariisto cayaaraha, 26-sano oo wacan ayuu soo qaatay ».
Weli Cayaartoyda, tababareyaasha iyo naadiyada kala duwan ee caalamka ayaa ka hadlaya daqiiqad walba marka ay maqlaan warkani ah in Ferguson uu bannaynayo kursiga, waxaana ugu dambeeyay xidiggi hore ee Ingiriiska iyo Man United *Michael Owen* oo yiri « Waxaan qabaa Man United oo Sir Alex Ferguson la’aan ah in ay wax ka dhiman yihiin, alla muxuu nin yahay waqti wanaagsan soo qaatay ».
Fadhisiga Tababare Fargusan oo maanta noqday hadal heynta ugu badan
Mar qura ayaa maanta waxaa dadka oo dhan kedis ku noqotay markii kooxda Manchester United ay ku dhawaaqday in Tababareheeda Sir Alex Ferguson oo ka mid ah Tababareyaashii ugu wanaagsanaa taariikhda Kubadda Cagta Ingiriiska iyo Caalamka uu ka farii