Gudoomiyaha baarlamanka Carabta oo maanta booqanaya xarunta baarlamaanka Soomaaliya

0
Saturday May 18, 2013 - 09:23:24 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 499
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha baarlamanka Carabta oo maanta booqanaya xarunta baarlamaanka Soomaaliya

    Wafdi ka socda Baarlamaanka Carabta oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta, Axmed Maxamed Jarwaan, ayaa booqasho rasmi ah ku tegaya xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed iyaga oo Xildhibaannada Baarlamaankana la hadli doona.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi ka socda Baarlamaanka Carabta oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta, Axmed Maxamed Jarwaan, ayaa booqasho rasmi ah ku tegaya xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed iyaga oo Xildhibaannada Baarlamaankana la hadli doona.
Wafigaan oo shalay soo garay dalka ayaa waxaa habeenkii xalay ahaa casho sharaf ugu sameeyay Muqdisho gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed, Maxamed Cusmaan Jawaari.
Axmed Maxamed Jarwaan ayaa Casho sharaftii loo sameeyay xalay khudbad ka jeediyey waxa uu ka hadlay sidii Muqdisho loogu soo dhaweeyay isaga oo Gudoonka Baarlamaanka, xildhibaannada iyo shacbiga Soomaaliyeed uga mahad celiyay sida weyn ee ay magaalada Muqdisho ugu soo dhaweyeen.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay horumarka dalku uu hiigsnayo isaga oo xusay in hada ay indhahooda ku arkeen hormar baaxad leh oo ka jira Soomaaliya kaasi oo ku yimid hormarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sameysay.

Soomaaliya ayaa waxa ay xubin ka tahay Jaamacada Carabta iyada oo xildhibaanno dhowr ah oo u metelaya Soomaaliya Jaamacada Carabta ay xalay xaadir ku ahaayeen halka Casho sharafta loogu sameynayay Axmed Maxamed Jarwaan
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip