Wararka laga helayo degmada Galaade oo dhacda meel 80 KM ka xigta xuduuda ay wadagaan Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa waxaa ay sheegayaan in shil gaari oo halkaasi ka dhacay uu geestay qasaare aad u badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la’ogyahay afar ruux ayaa ku dhimatay 11 kalana waa ku dhaawacmeen kadib markii gaarigaan oo ahaa nuuca xamuulka qaada uu ka baxay wadada kadibna uu rogmay iyada oo dhamaan dhibanayaashu ay yihiin caruur iyo haween.
Waxaa la sheegay gaarigaan oo nuuciisu ahaa Waaraad uu ku jiiftay inta badan dadka wax gaareen arintaas oo badisay qasaaraha nafeed.
Dhamaan dadkii wax gaareen waxaa la geeyay Isbitaal ku yaalla Waqooyiga Gaalkayo halkaasi oo lagu baxnaaninayo, waxaana ilaha caafimaadku sheegayaan in qaar kamid ah dadka dhaawacmay ay halis tahay xaaladooda caafimaad.
Halka shilku ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in isla isbuucaan uu ka dhacay shil nuucaan oo kale ah kaas oo qasaara nafeed geestay.
Shil gaari oo qasaare badan geestay oo ka dhacay Xuduuda Soomaaliya iyo Ethiopia.