Burcad-badeed Soomaaliyeed oo xukkun sanado qaadanaya lagula riday Kenya.

0
Tuesday June 11, 2013 - 11:53:48 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burcad-badeed Soomaaliyeed oo xukkun sanado qaadanaya lagula riday Kenya.

    Maxkamad ku taalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa maanta min shan sano oo xarig ah ku xukuntay sagaal nin oo Soomaali ah kuwaasoo lala xiriiriyay burcad badeednimo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad ku taalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa maanta min shan sano oo xarig ah ku xukuntay sagaal nin oo Soomaali ah kuwaasoo lala xiriiriyay burcad badeednimo. Xukunka maxkamadda ayaa yimid kaddib markii raggan lagu helay inay ku lug lahayeen weerar iyo afduub loo geystay markabka MV Magellan Star bishii Septmeber ee sanadkii 2010-kii xilligaas oo uu marayay gacanka cadmeed.

Ciidamada la dagaallanka burcad badeed ee Midowga Yurub, ayaa raggan iyo markabkii ay afduubteen soo qabtay kuwaasoo ku soo wareejiyay dowladda Kenya si maxkamad loo saaro.

Qareenka maxkamadda xukunka ridday ayaa sheegay in maxkamadda la hor keenay hubkii ay siteen raggani xilligii ay weerarka ku qaadeen markabka, walow qareenka u doodayay sagaalka nin uu sheegay in uu xukunka rafcaan ka qaadan doono.

Dhowr jeer oo hore waxaa dalka Kenya lagu maxkamadeeyay burcad badeed Soomaali ah kadib makii lawaayay maxkamad leh awooda xukunkaasi Soomaaliya ka jirta.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip