Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka mid ah hoggaamiyayaashii ururada Islaamiga ah ee Soomaaliya, isagoona ah dadkii ugu horeeyay ee u ololeeya fikirka Islaamiga Xagjirka ah, Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu door muhiim ah ka soo qaatay asaaska fikirka jihaadiga ah ee Soomaaliya, sheekhu waxa uu horey u ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya waxa uuna qeyb ka qaatay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee sanadkii 1977-kii, sanadkii 1986-kii waxaa sheikh Xasan daahir Aweys iyo koox ka mid ah hoggaankii ururka Al-Itixaad Al Islaami lagu xeray magaalada Muqdisho iyadoo ururkaasina la aasaasay 1983-kii.
Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa loo xeray in uu fakir diini ah ka dhex waday ciidanka Soomaaliya, waxaana sanadkii 1987-kii lagu xakumay xukun dil ah inkastoo laga qafiifiyay oo loogu badalay xabsi daa’in waxaan la sii daayay sanadkii 1988-kii kadib markii uu dhacay xukunkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre waxa uu sheikh Xasan Daahir Aweys dib u bilaabay dib u dhiska ururkii Al-Itixaad oo xoogeystey waxa uuna dagaalo la galay hoggaamiye kooxoodyadii ka jirey Soomaaliya.
Kadib burburkii ururka Al-Itixaad waxaa Sanadkii 2006-dii loo doortey Sheekh Xasan Daahir Aweys guddoomiyihii ugu horeeyay ee golaha shuurada oo ay yeesheen midowgii maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliya, Golahaasi oo ka koobnaa 88 qof waxa uuna sidaasi ku noqdey hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dhaqdhaqaaqii Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliya.
Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ku baaqay in jihad lala galo Itoobiya, isagoo ka horjeeday xukuumaddii Cabdullaahi Yuusuf ee fadhigeedu ahaa magaalada Baydhaba iyo dowladda Itoobiya oo taageereysey oo aakhirkii ciidamadeeda ay gudaha u galeen Soomaaliya awooda caasimadana kala wareegay midowgii maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliya.
Sheekh Xasan Daahir ayaa xilligaasi u baxay wadanka Eritareya oo uu halkaasi kaga mid noqodey isbaheysigii dib u xoreynta Soomaaliya la magac baxay ee fadhigiisu ahaa magaalada Asmara, isbaheysigaasi ayaa burburay kadib markii ay laba garab u kala jabeen, oo garabkii uu hoggaaminaayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay oggolaadeen wadahaddalladdii Jabuuti oo aakhirkii lagu soo dhisey dowlad uu hoggaaminaayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa 2009-kii dalka dib ugu soo laabtay isagoo la wareegay hoggaanka ururkii markaas un la aasaasay ee Xisbul Islaam hase ahaatee waxaa marxalado kala duwan oo mararka qaar iska hor imaad gaaray oo soo dhex maray Xisbul Islaam iyo xarakada Al-Shabaab, waxaa aakhirkii ururka xisbul Islaam uu ku biirey Al-Shabaab.
Tan iyo markii ururkaasi uu ku biirey Al-Shabaab waxa ay dadka tilmaamaan ee ka faalooda arrimaha ururada Islaamiga ah in uu qeyb ka ahaa khilaaf ka dhex jira ururka Al-Shabaab oo u kala qeybsanaa laba garab ee uu hoggamiyo Axmed Cabdi Godane oo ururka madax ka ah iyo mid ka mid ah saraakiisha Sar Sare ee ururkaasi oo lagu magacaabi Mukhtaar Roobow Cali(Abuu Mansuur) hase ahaatee khilaafka dhinaca fikirka ah ayaa shaaca u soo baxay kadib markii sanadkii tagay ee 2012-kii ay Al-Shabaab gaar ahaan garabkii Axmed Cabdi Godane ay soo saareen bayaan ay ku tilmaameen in xarakada Al-Shabaab ay tahay tan kalliya ee matasha ummada Soomaaliyeed. Iyadoo todobaadyo ugu dambeeyay waxaa isa soo tarayay in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu halis ugu jiro in fikirkiisa darted ay kooxda Al-Shabab go’aan uga qaadato.
Sheekh Xasan Daahir Aweys waa hoggaamiye miisaan culus ku leh dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee ka jira Soomaaliya waxaan talaabadan oo qaaday Sheekh Xasan Daahir Aweys loo qaadan karaa guul weyn oo laga gaaray dhaqdhaqaaqa Al-Shabab mustaqbalka siyaasadeed ee Sheekh Xasan Daahir Aweys ay qaramada midoobe iyo Mareykankaba ay xayiraad saareen kana mid yahay liiska argagixisada ayaa waxa uu noqon doonaa mid badan ay ka warsugi doonaan iyado oo jawaabo badan laga helli doono marka uu saxaafadda la hadlo.
Abdifatah Mohamed Abdurahman(biyoonde)
E-mail: biyoonde8@hotmail.com
Waa nin ceynkee ah Hogaamiye Sheekh Xasan Daahir Aweys oo hada Xaaladu ku xuntahy.
Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka mid ah hoggaamiyayaashii ururada Islaamiga ah ee Soomaaliya, isagoona ah dadkii ugu horeeyay ee u ololeeya fikirka Islaamiga Xagjirka ah, Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu door muhiim ah ka soo qaatay asaaska fikirka