Maxaa lagu garan karaa sifooyinka Xaaska wanaagsan?

0
Sunday August 25, 2013 - 08:34:39 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 6957
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Maxaa lagu garan karaa sifooyinka Xaaska wanaagsan?

    hadaba si aan wax badan oga ogaanno xaasaka wanaagsan ama zowjada wanaagsan sifooyinka ay leeyihiin ayaa maanta shabakada caalamiga ah ee warsheekh waxa ay idiin soo gudbineysaa qodobo aad muhiim u ah islamarkaana lagu garto xaaska wanaagsan muhimadu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

hadaba si aan wax badan oga ogaanno xaasaka wanaagsan ama zowjada wanaagsan sifooyinka ay leeyihiin ayaa maanta shabakada caalamiga ah ee warsheekh waxa ay idiin soo gudbineysaa qodobo aad muhiim u ah islamarkaana lagu garto xaaska wanaagsan muhimaduna waxa ay tahay in aad ogaato adiga xaaskaaga qodobadaan maku aragtaa mase sikale oo ka duwan ayaad kala kulantaa? Xaaska wanaagsan sifooyinka lagu garto aad bay u fara badan yihiin hase yeeshee shabakada warsheekh maanta waxa ay idiin soo gudbineysaa 20-kamid ah sifooyinka lagu garto zowjada wanaagsan ama xaaska wanaagsan ee laqabo iyo sida ay ula dhaqanto ninkeed waana kuwan:
1- Waxaa lagu yaqaan inay tahay qof had iyo jeer adeecda Ilaaheed oo haddana saalixad ah.

2- Waxaa laguyaqaan inay tahay tii xafidda maalka ninkeeda iyo jirkeedaba marka uu maqan yahay.

3- Waa midda uu farxo ninkeedu haddii uu fiiriyo, haddii uu amrana waa tii addeecda.

4- Waa tii laasinta gurigeeda oo aan kabixin, amarka ninkeeda la’aantiis.

5- Waa midda had iyo jeer ku-salaanta ninkeeda waji faraxsan iyo dhoolacaddayn.

6- Waatan had iyo jeer Alle uga mahad-celisa ninkeeda, maadaama uu yahay kii reerka ushaqaynayey, isla markaasna uu yahay carruurteeda kii dhalay.

7- Marka ay wax waydiisanayso ninkeeda, waa tii doorata waqtiga wanaagsan iyo hadalka wanaagsan.

8- Waxay astaan u leedahay dabeecad badan.

9- Waatan aan gurigeeda kabixin iyadoo dharkeedu qarriban yahay.

10-Ma aha mid ninkeeda kuqaylisa marka ay wada hadlayaan.

11-Waxay kuwaanisaa ninkeeda inuu xiriiriyo Waalidkiis, walaalihiis, riximkiisa iyo saaxiibbadiis.

12-Waa midda khayrka falid badan, kuna dadaasha faafintiisa.

13-Waa tan runta dhar kadhigata, kana fogaata beenta iyo ehelkeeda.

14-Waa midda ku-barbaarisa carruurteeda jacaylka Ilaahay iyo rasuulkiisa,kuna saacidin carruurta wax uusan ninkeedu raalli ka ahayn oo xumaan ah, sidoo kale waa tii barta ixtiraamka aabahood.

15-Waa mid aan caro badnayn, haddana aan aqoon laab- lakaca.

16-Waxay aad uga fogtahay Kibirka, is-cajabinta iyo isla weeynanka.

17-Waa tii had iyo jeer ka laabta indhaheeda aragga xumaanta, hadday gurigeeda xaajo darteed uga baxdo.

18-Waatan aan kujeesjeesin dariskeeda iyo dadka isla markaana aan xaqirin umadda.

19-Waa tan aan jeclayn dhaldhalaalka adduunka isla markaasna aan iloobin jannada ilaahay.
20-Waa midda had iyo jeer rabbigeed talo saarata, haddii wax ka xumaadaanna aan quusan.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip