Laba nin oo kuwada heshiiyay iney isla guursadaan hal Gabar (Yaab)
Laba nin oo u dhalatay dalka Kenya ayaa ku heshiiyay inay isla guursadaan hal gabar oo ay shukaansanayeen iyagoo aan iska warqabin. Gabadhan ayaa xiriir la lahayd labada nin muddo afar sano ah.
Laba nin oo u dhalatay dalka Kenya ayaa ku heshiiyay inay isla guursadaan hal gabar oo ay shukaansanayeen iyagoo aan iska warqabin. Gabadhan ayaa xiriir la lahayd labada nin muddo afar sano ah. Sida muuqata waxay gabadhan diidday in labada nin midkood ay xulato.
Qareeno
ku sugan dalka Kenya ayaa sheegay in guurkan sharci ahaan loo
diiwangelin doono haddi ay keenaan caddeymo muujinayo in arrintan ay
dhaqanka qabiilkooda qeyb ka tahay.
Wargayska the Daily Nation
ayaa ka soo xigtay mid ka mid ah raggan oo lagu magacaabo Mwendo in
heshiiskan ay qoreen kaddib markii ay iska warheleen in labaduba ay
gabadhan xiriir la lahaayeen.
Sarkaal ka tirsan boliiska la
shaqeeya dadka xaafadaha ayaa ku qanciayay labada nin inay isla
guursadaan gabadhan kaddib markii uu arkay iyagoo dagaallamaya.
Heshiiska ay kala saxiixdeen ayaa qoraya inay joojin doonaan dagaalka oo mid walba uu fiirsan doono maalintiisa.
Mwenda oo ka mid ah labada nin ayaa sheegay in isaga uu bixin doono lacagta meherka.
Waxaa uu leeyahay labada waalid ee gabadha way oggolaadeen arrintan