Qilaaf soo kala dhexgalay gudiga fulinta ee XSKC (Warbixin)

0
Thursday August 29, 2013 - 12:12:21 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qilaaf soo kala dhexgalay gudiga fulinta ee XSKC (Warbixin)

    Qilaaf xooggan ayaa soo kala dhexgalay xubnaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta kadib markii laysku qabsaday ratibadda Garsoorka Xiriirka ee dhex dhexaadiya Ciyaaraha hadda socda ee heerka labaad iyo heerka sadexaad kaasi oo ka socda garoonka R

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qilaaf xooggan ayaa soo kala dhexgalay xubnaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta kadib markii laysku qabsaday ratibadda Garsoorka Xiriirka ee dhex dhexaadiya Ciyaaraha hadda socda ee heerka labaad iyo heerka sadexaad kaasi oo ka socda garoonka Rafka ah ee jaamacadaha Magaalada Muqdisho. Qilaaf xooggan ayaa soo kala dhexgalay xubnaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta kadib markii laysku qabsaday ratibadda Garsoorka Xiriirka ee dhex dhexaadiya Ciyaaraha hadda socda ee heerka labaad iyo heerka sadexaad kaasi oo ka socda garoonka Rafka ah ee jaamacadaha Magaalada Muqdisho.

Cali saciid gaab oo ah madaxa waxbarashada garsoorayaasha ayaa lagu eedeeyey in uu ratibaaddii Garsoorka uu faraha lagalay iyadoo sharciyan uu u leeyahay gudoomiyaha garsoorka Soomaaliya Cismaan jaamac Diraac, isqabsigaas ayaa keeney in laba ay u kala qayb samaan xubnaha Xiriirka isla markaana uu muran gacan kahadal ku dhawaaday uu kadhacay xarunta Xiriirka ee kutaallla suuqa bakaaraha.

Labada qaybood ee loo kala qaybsamay ayaa waxaa isku dhan maray Yaxye Aayoow C.rashiid Rashka Cali shine,iyo C/laahi Aabow oo kamida gudoomiye ku xigeenada, halka dhanka kale ay kasoo jeedeen Cali Saciid Guuleed Gudoomiyaha Xiriirka C.qani Saciid Carab Xoghayaha inkastoo labadooduba kala shaki qabaan iyo xubno yar oo raacsan.

Qilaafkan soo shaac baxay ayaa wuxuu imaanayaa xilli beryahaan uu socday isxulufeysi iyo shirar gooni gooni ah oo lagu qabanayey meelo kamida Muqdisho waxaana dhawaan shir isugu yimid 12 kooxood oo ku shirey baarka liido sea food oo ku yaalla woqooyiga Muqdisho iyagoo ka arinsanayey doorashada Xiriirka .

Warar xaqiiqada u dhow oo nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Cabdi Qani Saciid Carab uu doonayo inuu noqdo gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta uuna isku soo sharaxayo marka lagaaro xiliga doorashada balse arrintaas waxaa si wayn uga soo horjeestey xubno katirsan xiriirka kana soo jeeda woqooyiga Muqdisho iyadoo dhanka kalena Cali Saciid Guuleed uu doonayo inuu sii ahaado gudoomiyaha Xiriirka halka xubno kalena ay u ololeynayaan in laqabto doorasho xor ah oo aan qarsoodi ahayn.

Xiliga xiriirkan wuxuu ku egyahay bisha lixaad sanadka 2014 ka waxaana kahor looga fadhiyaa in ay dhacdo doorashada xiriirka oo sharciyan ah sidoo kale waxaa xiriirka laga sugayaa ineey magacaabaan guddi doorasho badax banaan oo qabta araajida musharixiinta waxaana qubarada kubadda cagta Soomaaliya kadigayaan ineey dhacdo doorasho kushubasho iyo musuq maasuq ku dhisan ama muddo kororosi aan sharci ahayn waxaana Muqidhso haatanba laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo iyo xulufeysi kadhan ah maamulka haatan maamula Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta,iyadoo sidoo kalena ay soo gaarayaan Muqdisho Bahdii magaca iyo sumcadda ku lahayd Kubadda Cagta dalka xag maamul iyo Ciyaarba.


Ceydiid C/raxmaan Aadan

&

C/xafiid C/samad Zaciimka
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip