GO'AANADII KASOO BAXAY SHIRKII AY YEELATAY JAALIYADDA DARYEEL QARAN EE ISWIDHEN

0
Wednesday September 11, 2013 - 16:44:31 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2022
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GO'AANADII KASOO BAXAY SHIRKII AY YEELATAY JAALIYADDA DARYEEL QARAN EE ISWIDHEN

    Gotabburug (Göteborg: Gothenburg), Arbaco, 11-da Sebtember 2013 - Magaalada Gotanburug oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Iswidhen ayaa waxaa shir isugu yimid maalinimadii Axada aheed ergooyin ka kala socday Bulsho Weynta degto Gobolada Mu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gotabburug (Göteborg: Gothenburg), Arbaco, 11-da Sebtember 2013 - Magaalada Gotanburug oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Iswidhen ayaa waxaa shir isugu yimid maalinimadii Axada aheed ergooyin ka kala socday Bulsho Weynta degto Gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabeelaha Dhexe, Banaadir/Muqdisho, Shabeelaha Hoose, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose, kuwaa oo dhawaantan sameystay jaaliyad ay ku mideysan yihiin isla markaana lagu magacaabo JAALIYADDA DARYEELKA QARANKA SOOMAALIYA (EMPOWER THE NATION OF SOMALIA). Shirkaasi wuxuu bilowday 5-tii galabnimo ee maalinimadii Axada oo ay bishan Sebtember (September) aheed 8-da, sanadkan 2013, waxaana shirka soo qabanqaabiyey GUDDIGA FARSAMADA EE JAALIYADDA DARYEELKA QARANKA SOOMAALIYA; kuwaa oo magacyadooda kala ahaayeen kuwa soo socdo:

Dr. Maxamuud Shiil
Mudane Cabdikariim Ciise (Gaacuur)
Marwo Shamso Daahir Abtidoon
Mudane Cabdi Afrax Cosoble
Mudane Maxamuud Salaad Yarow
Mudane Micraad
Marwo Sacdiyo Fure Xuseyn
Marwo Kifaayo
Mudane Shiikh Xuseyn Cabdow.

Qodobada looga waxaa kamid ahaa sidii loo taageeri lahaa Qaranimada iyo Dowladda Soomaaliya oo haatan ay ka been-abuurayaan Taageerayaasha Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole. Waxaa kale ee laga wadahadlay sidii loogu dabaaldegi lahaa Sanadguuradii Koowaad ee kasoo wareegatay markii ay Soomaaliya ka baxday xiligii kumeel gaarka ahaa oo ay ku jirtay 21 sanadood, waxaana leysku raacay in dabaaldegga sanadguuradii koowaad lagu qabto Magaalada Gotanburug, maalinimada Jimcada ah fiidkeeda oo ay bishan tahay 13-da.

Qarashka loo diyaariyay dabaaldegga waa 12,000 Kr. (Toban iyo labo kun oo karoon), waxaana isa saaray dhamaan Bulsho Weynta ku mideysan JAALIYADDA DARYEELKA QARANKA SOOMAALIYA EE ISWIDHEN.

Qodobada kale ee laga hadlay waxaa kamid ah in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, Golaha Wasiiradda Dowladda Soomaaliya, iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya loo sheego wax kastaa oo lagu dhaliishan yahay sida heshiiskii ay dhawaantan ku gaareen Magaalada Addis Ababa

Wasiirka Madaxtooyada Dowladda Soomaaliya iyo Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kaa oo qoorayay in Mudane Axmed Madoobe uu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Cusub Ee Jubba (Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose), iyada oo aanan tirada lagu darsan Bulsho Weynta Degto Gobolka Juba.

Shirka wuxuu kusoo xermay si farxaad leh, iyadoo ay mideysan yihiin ergooyinkii ka kala socotay BULSHO WEYNTA DEGTO GOBOLADA MUDUG, GALGADUUD, HIIRAAN, SHABEELAHA DHEXE, SHABEELAHA HOOSE, BANAADIR/MUQDISHO, SHABEELAHA HOOSE, JUBADDA DHEXE & JUBADDA HOOSE.

Waxaa soo diyaariyey Dr. Abdulkadir Abukar Spinat

aa_spinato@hotmail.com

+46 769 616 640
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip